Insaan fakarradiisa qalinka la wadaaga, xaanshida la qeybsada, iskuna dayaya in uusan akhristaha ka bakhaylin.
Sunday, February 23, 2025
Isu Kaanya Daa!
Wednesday, July 17, 2024
Inkaarta Ogaalka
Meeshii Aadane isugu yimaadaba waxaa laysku heystaa ciddii horkici lahayd, ciddii hoggaami lahayd, kursiga ciddii qabsan lahayd, halkaas baa lugu go'aa, halkaas baa raggu isku seegaa, halkaas baa xeer iyo xurmo lugu hilmaamaa. Waa laysku laayaa, waa laysugu gafaa, oo waa laysku jabaa. Ugu danbeynse nin baa u adkaada! Hadii uu aqligu shaqeynayo amaba uu garaad jiro, (meeshu waa meel hoog oo) qofina ma aaddeen, lamana haweysteen! balse tan iyo markii Aadanaha la uumay illaa hadda aan joogno, kursi baa laysku heystaa. Waxaa maanka lugu wada hayaa in fiinta sare la soo taabto, in dheefta madaxnimada la soo dhadhamiyo, in xirrigga hoggaanka gacanta lugu dhigo, in kursiga talada salka lala helo. Walow uu nin ka caajiso, mid uu u lexaad beelo, mid kale uu u naf waayo, midina uu ku sharaf seego, ugu danbeynse nin baa raaya oo reerka u hara. Waxaa lugu wada tala jiraa in ninkaas la wada noqdo.
Ha ku bishaareysteen, anigu waan tanaasulay, tartankaas kuma jiro, dhabbahaas ku ciriiri maayo, waxaan kuu ogahay halka ay u socdaan. Waxaan ogahay; hoggaamiyuhu marka uu ugu fiicanyahay waa shaqaale u adeega malaayiin dad ah iyo boqolaal deegaammo ah, marka uu ugu liitana waa dad-cun dhiigyacab ah oo ka dul taliya xabaalaha shacabkiisa. Awood uma lihi fiicnaantaas hore, diyaarna uma ihi xumaantaan danbe. Waxaan kuu ogahay ninka hoggaanka haya in uu geeddiga ugu horreeyo, oo halistu ugu horreyn isaga ay haleeleyso! Allow Alle, waxaan kuu ogahay xaraaraddu in ay baadigoobka ku egtahay oo wax kastoo aan caadi ahayn markii gacanta lugu dhigo waa ay caadiyoobaan, aniguna kama kaco waxa aan halistaa badan u soo maray in ay caadi iska noqdaan. Waxaan kaloon kuu ogahay in wax kastaahi qiime leeyihiin, qiimaha ugu yar ee aad kursi dartiisa u hurtaahina waa dadnimadaada, anigu xattaa hadii aan deeqsi ahay deeqsinamadeydu ma aysan gaarin heer aan danimdeyda kursi dartiis u huro. Kolba waxaa i heysata inkaartii ogaalka.
***
Noloshu aad bay u dhaga adagtahay marka aad gacan marantahay, aad ayayna u dhaga fududdahay marka aad hanti leedahay. Sidaas darteed baa suuqa loogu kallahaa, loo shaqeeyaa, dhididka loo qubaa, shilinka loo bursadaa. Si loo tanaado baa loo howshoodaa. Balse waa qof walba iyo hammigii. Dad baa caadka sare laacaya, quutulyoonku kuma filna, waa in ay malaayiin helaan. Waa in ay dunida wax ku yeeshaan, waa in ay summadda "hantiile" yeeshaan, waa in ay "bilyaneerro" noqdaan! Waxay maskaxda tuujiyaan, waxay gacanta maalaan, waxay xawaare dheereeyaan, waxay xuurto-gooyaan, raja waxay ka qabaan maalin in ay soo kacaan iyaga oo eberta eber kale ku daray. Waa tartan nololeed oo la wada galayo, rag baa gaabis eersada, rag bay tabartu ciishaa, rag baa dhex ku go'a, rag baa is dhiiba, in yar oo yar baa ugu danbeyn gaarta.
Anigu halkaasna uma socdo, waxaan ogahay waxa igu filan, waxaan aqaan caloosheyda qaadkeeda, sida aan baahideyda u aqaano oo kale baan dibbiradeydana u aqaan. Waxaan ogahay: caloosheyda qaadkeeda wax ka badan hadii aan damaaciyo in aanan waligey dhargeynin. Waxaan ogahay damacu in uu yahay god madow oo aan buuxsameyn. Waxaan ogahay kuwii balaayiinta hantiyay in aysan wili dhargin oo ay wili wax sii rabaan. Waxaan ogahay shilin kastaahi in uu wato baahi cusub iyo hamuun hor-allaah. Waxaan ogahay in hantida dunida saaran si siman loo leeyahay, hantiiluhuna uu xaq-dadow faraqa ka buuxsanayo. Waxaa i heysata inkaartii ogaalka.
***
Aqoontu waa garaaddaha saxda ah ee dadku is dheeryahay. Si kastood uga gu' weyntahay, uga hanti badantahay, uga darajo sarreysid, nin kaa aqoon badani waa kaa odaysanyahay, waana kaa fiiro dheeryahay. Waa in uu isagu bulshada u warramo, waa in laga tala-qaato, waana in dhagaha loo raariciyo. Waligaa lama hor boodo. Waxaa la yiri: bulshadu waxay u badantahay caammo-dhagaweyn, waa dad waxa loo sheego iska raaca. Haddaba dhagohoodaas furan aqoonyahanka ayaa xaq u leh. Wax u roon ayaa gali lahaa. Balse markii uu aqoonlaawe u warramo, aqoondarro ayey aqoon moodaan! Qalad ayey sax moodaan, been ayey run moodaan, baadil ayey xaq moodaan, malo ayey dhab moodaan! Waxaa taas ka sii daran markii uu aqoonlaawihii aqoonyahanka isi soo hortaago, si uu wax ugu sheego! Balo ku dagtay! Dhiirranaa! Dad waxaa ugu ayaan daran qofka iskula fiican in uu dad ka aqoon badan wax u sheegayo, waxaaba ceeb ahayd in uu soo hor istaago oo uu wax u sheego, markaasuu wuxuu ku sii darsaday in uu iskula fiicnaado! Allow Alle! Asagu waxa uu is moodaa qof wax weyn sheegaya, iyaguse waxa ay arkaan ilmo hadaaqaya oo waxa uu sheegayo aan la fahmayn! Amaba xoolo "macaac" leh!
Wallee waa qof iga dhiirranaan badan, anigu waxaan taas u arkaa nafti-hallignimo. Waxaan garanayaa heerka aqoonteyda. Waxaan ogahay aqoon-yarideyda. Waxaan ogahay halka la iiga aqoon badanyahay. Waxaan aqaannaa cidda aan ka hor hadli karo iyo cidda aan fasaxa uga baahanahay! Waxaan ogahay isla fiicnaantu iney ka dhalato aqoondarro aan laga warheyn. Waxaan ogahay qirashada aqoon-la'aantu in ay tahay aqoonta barkeed. Waxaan ogahay waxa aan dadka u sheegayo in ay amaano yihiin, wax aanan aqoon u leheyn in aanan sheegi karin. Waxaan ogahay maluhu in uusan hubaal ahayn, jahliguna uusan cilmi ahayn, qiyaastuna aaney aalaaba sax ahayn. Haayoo, dad iga aqoon badan u warrami maa, kuwa ila mid ahna wax aan ogeyn u sheegi maa. Illeen inkaartii ogaalka baa i heysata e!
Saturday, June 8, 2024
Qof iyo Qolo. Qaabdhismaha Qabyaaladda.
Qabyaaladdu waa qaddiyad ay xigtadu isku bahaysato, sokeeyuhu isugu hiilliyo, shisheeyahana la isaga dhiciyo ama lugu maago. Doodda qabyaaladda ka taagan illaa iyo hadda waxa ay ka dhexeysaa labo qolo: qolo wexey ku doodeysaa in aysan qabyaaladdu lahayn wax faa'iido ah wiliba in ay tahay cudur Soomaalidu tan iyo goor aan dhaweyn ay la daallaa dheceyso, loona baahanyahay in la dabar-jaro. Waxay qoladani isugu jiraan: culimo uu halbeeg u yahay xadiiskii ahaa:
Sunday, February 18, 2024
Fanka Laqbada
Laqabadu waa fanka turjumaadda. Waxaan u arkaa heer ka mid ah heerarka ugu sarreeya ee wax loo turjumo. Waayo: waa isku sar goynta laba luqadood_si ay midiba uga faa'iideysato midda kale waxyaabaha ay la gaar tahay. Sideedaba cilmiga waxyaabaha cirkaas ku shareera waxaa ka mid ah inuusan dhibbane u noqan una xernaan xuduudaha hiddaha (thaqaafadda) iyo kuwa afafka (luqadaha). Waa in uu aqoonta heli karaa qof kasta oo wax baranaya, afka uu rabo ha ku hadlo, hiddaha uu doonana ha lahaado e, sidaas aawadeed waa in cilmigu afka uu ku qoranyahay laga soo guuriyaa, afafka kalena lugu dhigaa. Markaan baa waxaa loo baahanayaa tarjumaadda. Afafka shisheeye cilmiga ku qoran labo qaab oo kaliya baa looga faa'iideysa karaa:
Waa mid ee, waa in afkaas la barto oo laga gaaro heer wax lugu akhrin karo_waxa lagu akhriyayna la fahmi karo. Kani maahan labada qodob midka sahlan, waayo af-barashadu waa aqoon madax-bannaan oo kaa leexineysa halkii aad u socotay iyo aqoontii aad raadineysay. Wexeyna qaadaneysa wakhti aan ka yareyn kii aad ugu tala-gashay aqoontii kale ee aad u gol-laheyd. Teeda kale, waxaa laga yaabaa in aqoon-kororsigu uu kaa galo afaf kala jaad ah oo fara badan. Haddaba meeqo af ayaad baraneysaa? Waa in qof walba oo aqoonta ku fogaanayaa uu noqdaa Af-yaqaan illaa lix iyo todobo af fahmaya. Waayo waa la hubaa iney aqoontu hadba af la aadeyso, sidaas darteed: labada qaab kii sahlanaa amaba shaacsanaa qaabkaani ma ahan! Bal kan kale...
Waa kan kale ee, waa inaad heshaa turjumaad, oo waa in qof afka yaqaannaa uu kaa caawiyo turjumista dhiganaha-afka-shisheeye ee aqoontu ay kaa soo gashay, badanaa afafka waxaa jira dad bartay oo TS: haddii aad raadiso waxaad hadda heli kartaa qof Soomaali ah oo Af-cibri (luuqadda Yahuudda) ku hadlaya, wexey dadka afafka shisheeye barta awood u leeyihiin iney dadkooda ka caawiyaan turjumista cilmiga ku qoran afka ay barteen, taas ayaana ka sahlan inuu qof walba isku howlo barashada af kasta oo uu uga baahdo inuu dhigane ka akhriyo! Haddaba turjumaaddu wey kala duwantahay, weyna kala heer sareysaa, hadba sida ay baahidu u kala duwantahay ayey faa'iidadeeduna u kala duwantahay:
- Waxaa jirta turjumaad beegsata macnaha guud ee hadalka, wuxuu turjumaanku kuu soo gudbinayaa hadalka uu tarjumayo macanahiisa guud ee lagala jeedo, wuxuu is raacsiinayaa weerta ama jumlada uu turjumayo oo dhameystiran, wuxuuna kuugu fasirayaa weer la macno ama ka ag dhaw oo afkaaga ah! Wuxuu isku howlayaa kaliya sida aad u fahmi leheed meesha uu hadalku u socdo!
- Waxaa kaloo jirta turjumaad kale oo taas ka qottadheer, waana midda beegsata erayada ama kelmadaha, iyada oo aan la is moogeysiin macnaha guud. Waayo, haddii turjumaadda eraylaha ahi ay soo gudbin weyso macnihii guud, wexey noqoneysaa mid iin leh, wexeyna noqoneysaa mid u nugul naqdiga iyo dhalleeceynta, marka waa ineysan keenin macne guud oo ka duwan kii uu lahaa hadalkii la turjumayay ee asalka ahaa.
Laqbadu waa jaad turjumaadda ka mid ah oo lugu mideeyay labadii qaab ee ee aan soo sheegnay, tii weerta iyo eraygaba. Waxaana la dhex qaadsiiyay faa'iidooyin kale oo aad u fara badan. Waxaan ku soo gaarnay culumadii Soomaaliyeed iyaga oo kitaabbada diinta ee Afcarabiga ku dhigan qaabkaan (laqbada) u turjuma. Dad-weynaya dunida marka la eego, waa qaab ay aad u yaryihiin dadka adeegsada. Waxaan ku mala-weynahay in ay qowmiyadayaha islaamka ah ee Itoobiya daga ay nala wadaagaan laqbada. Balse Afrikaanta fog iyo Eeshiyaankaba wexey u badantahay iney ku kaaftoomaan turjumaadda macnaha guud beegsata, iyo ineysan isku howlin laqbada. (Alle iyo nin aad u baaray baase iga og!) Aan u soo laabtee laqbadu waa isisaarka Carabiga kitaabka ku qoran iyo Soomaaliga la macnaha ah ee lugu fasirayo, wexeyna leedahay (in kastoo aaney qorneen) shuruuc iyo qawaacid, kuwaasoo ku sal go'an qawaacidda labada luqadood, sida: in aan la kala reebin erayada aan kala harin oo ay ka mid yihiin ~Mudaafka iyo Mudaafu-ileyhiga Carabiga.
Waxaa ka mid ah faa'iidooyinka laqbada (in kastoo aanan arkin cid dareensan) iney xanbaarsantahay dhammaan ama badi culuumta Carabiga (ee dhibka laga maro barashadooda) sida: 1 - Naxwaha icraabtiisa iyo qawaaciddiisaba, 2 - Sarfiga dhismahiisa iyo gadgaddoonkiisaba 3 - Macaanida iyo bayaanka balaaqada_wiliba masaa'il badiica ka mid ah bey adeegsadaan ragga laqbaha ku xarragooda. Icraabka isagu aad ayuu ugu laranyahay laqbada oo wey yartahay inay laqbadu ka ilduufto kalimad icraabkeeda, waana sababta ay culumadu qaar ugu maahmaahaan erayga ah "Al-icraabu bacdal-macnaa" oo ay kolba ula jeedaan "adiga oo aan macneyn ha icraabin" waayo: wexey arkeen sida uu macnuhu u soo dhaweeyo icraabta, taasi waa dhanka Carabiga.
Soomaaligu wuxuu isna halkaas ka helayaa sadkiisa, horta waa halka kaliya ee uu dhaqdhaqaaqa iyo ilbaxnimada ka sameyn jiray. Afku wuxuu ballaaranayaa marka lagu fasiro afaf kale. Waayo, waxaa halkaas ka dhalanaya eraybixinno kobcinaya Qaamuuska afka. Dhanka kale waxaa aad u soo muuqanaya qaacidooyinka Af-Soomaaliga ee aanan wili qorneyn_kuwa hab-dhismaha iyo kuwa naxwahaba. Illeen waxaa lugu garab wadaa af kale oo ay qoranyihiin qaacidooyinkiisii oo dhan. Qof kasta oo ka doodaya qaacidooyinka Af-soomaaliga ama wax ka qoraya wuxuu aad ugu baahanyahay inuu laqbada dhadhansado, shaki la'aan, waxay ku kordhineysaa wax aan yareyn.
Mar aan laqbada ku fiiriyay Af-ingiriiska waxaa ii soo baxday iney si madax banaan ula jaanqaadi karto af walba oo lugu fassiro. Qofka wax baranaya aad ayey u anfacdaa oo wexey ka qeyb qaadataa qottodheerida iyo xeeldheerida cilmiga, waana heerka ugu sarreeya ee uu wax ku barto qofku, marka laga reebo qofka afka shisheeye inta barta ka dhex baxa. Kaasi wuxuu erayada ula falgali karaa si aan u suurtoobeyn qofka laqbada ku howlan. Balse asaguna (laqbeystuhu) wuxuu wax badan ka sarreeyaa kuwa kale ee noocyada kala duwan ee tarjumaadda wax ku bartay. Sababo ay intani ka mid yihiin baan u iri "Fanka Laqbada!". Waa fan oy maskax halabuur lihi hindistay, wuxuu ka mid noqday jawaabihii furay xujaadii ahayd "Cajamtu ineysan heli karin fursadda Carabtu ay u heysato fahanka kitaabka Ilaahey SW". Waa fan lugu dhex soohay baabab iyo funuun kala duwan ee cilmiga oo qofkii asagoon kitaab ka akhrisan uu garanayo, wiliba uu qawaaciddooda ilaalinayo!
Waxay kaloo laqbadu siddaa fursad lugu baran karo afka, qofkii toddobo illaa toban kitaab ee qaar dheerdheeryihiin laqbeysta, wuxuu fahmayaa 80% erayada cilmiga ah ee Af-carabiga, tallaabo wax aan dhameyn ayuu u jiraa in uu ku hadlo afkaas, hadii uu buugaag akhriyana kumaba sii jirto. Laqbada yaan la fududeysan waa cilmi iskii u madax banaan e.
Saturday, January 13, 2024
Is-dhexgal mise kala-dhexgal
Dunida waxaa dadkii afka loo wada galiyay oo loo wada meeriyay ciyaaraha oo ay kubbadda-cagtu ugu horreyso in ay ka shaqeeyaan is-dhexgalka bulshada. Waayo waxaa daafaha dunida isaga immaanaya ummad aan waxna isu galin oo aan isku af iyo isku diin midna ahayn. Kaliya waxaa kulmineysa daawashada ciyaaraha. Koobkii dunida ee ugu danbeeyay, waxaa dalka Qadar isugu yimid dad farahaas ka batay oo carradaas Ilaahey ka kala yimid. Taas ayaana ka garan gartaa (baa lugu leeyahay) in kubbadda cagtu ay ka shaqeyso is-dhexgalka bulshada! Waatahay. Maka yeelnaa?
Is-dhexgalka bulshadu waa ciwaan aad u qurxoon, marka waa in qodabbadiisu noqdaan kuwo lugu qanco, mirihiisu waa in ay macaanaadaan, waa inuu xanbaarsanaadaa faa'iido wax-ku-ool ah. Hadii kale wuxuu ka mid noqonayaa erayada borabagaandada ah ee korka laga meceeyo hoosna faaruqa ka ah!
Labo qolo oo kala xernayd marka ay isu furmaan, waa is-dhex-gal. Marka la is walaashado, oo la saaxiibo, waa is dhexgal. Marka la xidido oo dumar la kala nikaaxsado waa is dhexgal. Isdhexgalku waa qodob wayn oo aan la dhayalsan karin. Wuxuu oodda ka kala qaadi karaa dowlado khadka cas qarniyo ka hor kala xarriiqday, haddii uu rumoobo, waxaa isku damqanaya dad aan wax isu oggolaan jirin, waxaana eegmada ku kala dharga indho waligood kala jeeday.
Si kooban is-dhex-galku waa gacaltooyada bulsho ka dhexeysa oo siyaadda, iyo kala firirsanaantii oo yaraata. Intaa ma isla oggolnahay? Waa tahay, waxaa liddi ku ah kala-fogaanshaha, oo ah in uu bulshada dareen kala dhex galo, ayna sii kala firirto. Sideedana waxaa laysugu yimaadaa luguna midoobaa hadafka oo midooba, ama taageerada oo hal dhinac jirta. Waxaa lagu kala tagaa afkaarta oo is diidda iyo taageerada oo kala duwanaata. Isku-imaadkaas iyo kala-taggaas, labadaba waxaa cirka ku sii shareera xamaasadda ay leedahay arrinta la isugu yimid ama lugu kala tagay. Kubbaddu waa wax xamaasad badan, haddii ay is dhex gal keeneyso wuxuu noqonayaa mid aad u awood badan, haddii ay kala tag keeneysana wuxuu noqonayaa mid isna aad u awood badan.
Dadku haddii uu awalba ku kala tagay hadafyada kala duwan oo is diiddan oo ay qolaba mid diiradda saartay, haddii ay ku kala irdhoobeen kala taageeridda rag tartan ka dhexeeyo, oo aan wax isu oggoleyn, isuna tanaasuleyn. Waxaa muhiim ah si uu is-dhex-gal rummaad u suurtoobo, in la yareeyo amaba la tirtiro kala-duwanaanta hadafka, iyo kala-duwanaanta taageeraha ee xad dhaafka ah. Waxaa boogta sii damqinaya dadkana sii kala firdhinaya in la kordhiyo abtirisyadii awal horeba lugu kala tagay! In daawo laga raadiyana, warkeedaba daa!
Kubbadda cagtu wexey sameysaa taageero aad u awood badan iyo yoolal yaa-nasiib ah oo naftii-hawirnimo ku jirto. Waxay sameysaa nacayb aad u xoog badan oo loo qaado kooxo dhan iyo wixii astaantooda sitaba. Wexey sameysaa jacayl dhiigga raaca oo gaara heer aad adigu isu mooddo qofka aad taageereyso. Waa heerkii jacaylkii falsafeysnaa oo uu abwaankii carbeed lahaa "Anta anaa, wa anaa anta" adiguna aniga baad tahay, aniguna adiga baan ahay. Labada saf ee kala taageerta labada koox ee isla dheeleysa, mid walbaahi wuxuu jecelyahay kan kale jabkiisa, mid walba waxaa u qorsheysan hadalkii cammirashada iyo digashada ahaa ee uu ku dhihi lahaa qoladaas kale haddii ay kooxdiisu badiso, mala oran karaa labadaas saf is dhex gal baa ka dhexeeya? Sidaas markey xaaladi joogto kubbadda-cagtu wexey soo kordhisay abtirsiinyo kale oo lugu kala duwanaado, taasoo kuwii horey loola daallaa dhacaayay ka sii daran, maadaama ay ka xamaasad badantahay, dareenkana ka dhaqaaji ogtahay.
Koobkii-adduunka ee ugu danbeeyay waxaa magaalada Dowxa ee dalka Qadar isugu yimid kummaan kun oo qof oo daafaha dunida ka kala yimid, waxaa la yiri: "kaalin mug leh buu ka qaadan doonaa, is-dhexgalka bulshada" haddaba ma laysu soo dhawaaday? Mase waa la kala fogaaday? Bal adba! La soco, waa dhacdo caalami ah, faa'iidada laga sugayana waa in ay caalami noqotaa. TS: is-dhexgalka laga damacsanyahay waa in uu caalami noqdo, shanta qaaradood dadka ku kala nool waa iney is dhex qaadaan, waa in ay isku soo dhawaadaan, haddii afrikaanta ama eeshiyaanku isku soo dhawaadaan xittaa_faanoole fari kama qodna, oo waa wax ka sokeeya yoolkii shiishka lugu qabtay. Taasi waa sidii ay eheed in ay wax u dhacaan! Maxaase barxadda yaallay? Habeen kasta waxaa diyaaradda ku huleelayay koox soo jabtay oo lugu cammirtay, lagana ilmeysiiyay, iyo kuwo kale oo xaflad dhiganaya, cabitaanada isku qassaya, sameecaddahana dheereysanaya! Inta ay ciyaartu socoto, waxaa kuraasta soo buuxinayay dad yoolkoodu uu yahay in laga ilmeysiiyo dadka ku fadhiya kuraasta (kuwooda) ka soo hor jeedda. Markii la kala huleelo, waxaa nasiib leh qofkii inta kooxdiisu badiso, haddana hela makaroofan TV ama idaacad cod dheer ay leedahay, si uu halkaas uga gudbiyo dhambaallo digasho xambaarsan. Wuxuu u dirayaa dadkii dunida dacalkeeda kale ka soo safray ee loogu tala galay in uu is-dhexgal la sammeeyo, halkaa ma lugu kala fogaaday mase?
Haddiise is-dhexgalka loogala jeedo in la is arko, dadyow kala duwan, midabbo kala duwan, dalal kala duwan, diimo kala duwan iyo dhaqamo kala duwanna la isku keeno_waa sida mahrajaannada iyo feystooyinka ee, haddaba kolkaas wexey noqoneysaa ciwaan-sameyntii borabagaandada ahayd ee korka ka qurxoonayd, hoosna faaruqa ka ahayd. Ma noqonayo ciwaanku mid xanbaarsan macnihiisa weyn, wuxuuse noqonayaa mid faaruq ah. Waana sida uu hadda yahay, waa is-dhexgal ah in la is ag fariisto, saqaf hoostiis la isugu yimaado. Kolba waa dhoolla-tus lugu muujinayo wax ay sameyn waayeen dadyowgii hore iyo xujo u taal dadyowga danbe, bal in taariikhda (maba dhicinee) ay dhici doonto in dunidoo dhan saqaf hoostii la isugu keeno! Waa wax fiican. Maxuu ciwaanku u noqan waayay dhoolla-tus taariikhi ah ama wax caynkaas oo kale ah? Mase sidiisa (is-dhex-gal) buu ku wacanyahayee, anigaa wax weyn sawirtay?
Ciyaaraha dalkeenna hadda ka socda wexey maalintii koobaadba salka la galeen haybihii (horraantii-ba) sida qarriban loo adeegsaday, ee la isku garaafeeyay, illaa haddana lala daallaa dhacaayay. Waxay ahayd iney sameyso is-dhexgal daaweeya dhaawacyadii hore ee kala dhantaalnaanta ka dhashay. Balse haddii ay noqotay kala fogaanshihii waddo loo sii maro, haddii ay noqotay cudurkii la lahaa halaga takhalluso sababo lugu soo nooleeyo, hadii ay nafaqeynayso qodobbadii doqonnimo ee ilbaxnimada iyo aqoonta yar ee la helay aawgood looga xishoonayay, sida faanka, is kala sarreysiinta, takoorista, iyo liidista IQK oo xunxun, haddaba waa in la is weydiiyo waxa kani ma is-dhex-gal baa mise waa kala-dhex-gal?
Nin baa ood qaadi waayay (miyaa la yiri?) Markaas buu yiri ood kale iigu dara, hadda Soomaali ma wexey leeyihiin abtirsiinyadii kala ceynka ahayd, ee aan isku leynay nuguma filna ee kuwa kale aan ku darsanno. Allow Alle! Ha socoto.
Sunday, December 24, 2023
Qalinow
Orod، Qalinow. Iska soco. Maanta fasax baad tahay. Waxaad rabtid qor. Ku celin maayo. Wax-dhan bay faruhu kuu talinaayeen, maanta adigaa u talinaya! Sidaad rabtid u nuux-nuuxi, wax-dhan bey sidey rabaan kuu nuux-nuuxiyeene. Erayadaa rabtid xulo. Fikirka kici. Dareenka dhaqaaji. Ma waan la gaarin xilligii aad isku filnaan lahayd? Waddada miyaadan garaneyn? Wuxu waa isla xarfihii, imisa sanaad qoreysay? Waa isla erayadii, imisa sanaad xarriiqeysay? Waa isla weerihii, imisa sanaad... Soo ma xasuusatid maalintii ugu horreysay ee aan wax kugu qoro? Maalintaas wiil baa u dhashay dariskeenna, ma xasuusantahay? Hadda wuu socod bartay. Maantaan arkay asagoo kaligiis socanaya. War hooge, adigu goormaad socod baraneysaa? U maleyn maayo inaad i dhageesaneysid. Inaad i maqleysid ankee u maleymaayo! Afkiisa caano ha lugu qabtee, abwaan hore baa yiri:
"Anuunbaa damqanayee dhaguhu_uma daloolaan"¹
◇◇◇
Heedhe Aadane, fudeyd badanidaa? Eebbe-weyne SW ogaal-weynaa! Marka uu leeyahay "Insaanku waa dag-dagsiinyo badanyahay"!² Heedhe Aadane, qaafilsanidaa? Ma waadan ogeyn adiga oo aan lugu uumin in aan erayada xarriiqi jiray? Abkowgaa (Aadan) ankee dhoobo ayuu ahaa waagaas. Ma wuusan Rasuulku NNKH kuu sheegin (been-na ma sheego e) "Eebbe-weyne wax uu uumo in aan ugu horreeyay? In lay amray inaan qoro wax-allaala waxa dhici doona tan iyo Qiyaame."³ Yaa faraha igu haayay waagaas? Heedhe Aadane, Alla maxaad sirantahay! Oo wax aan aniga ahayn miyaad wax ku baratay? Ma waan luguu sheegin waxyigii ugu horreeyay ee Suubanaha NNKH ku soo dagay? Ma waadan waligaa akhrin jallaad khamiisaad? Soo Eebbe SW iskuma tilmaamin "inuu qalinka wax idinku baray"!⁴ Heedhe Aadane, jaahilsanidaa? Waxa aan ka war hayo haddii aad ogaan lahayd, "kaligaa wax qor" ima aad dhahdeen! Faraha ayaad igu xijin leheed! Ma waadan ka baqeyn inaan kaa fashilo (shalay) wixii aad qarsatay? Ama inaan biri (mustaqbalka) kaaga sheego wax aan kuu fiicneyn? Ma waadan ka baqeyn inaan far-xumada kugu canaanto? Waad igu dishaye! Ama inaan hadal-xumada kugu caayo? Waad igu ceebeesaye, ama qaab-darrada aad ii qabaneysid inaan kuu qabsado? Waad i ceejisaye!
Heedhe Aadane, inaad is kala weyso baan ka baqayaaye, waan kuu mahad celin lahaa! Waxaan kaaga mahad celin lahaa fasaxa aad i siisay! Soo aniga kan erayada kuwa ugu xeel-dheer xulanaya? Soo aniga kan hadalka hoodeynaya ee hagaajinaya? Soo aniga kan sadarrada is dul ruxaya ee is-leex-leexinaya? Soo aniga kan (sida xun) ku(u) karbaashaya? Heedhe Aadane, anigu abaalka waan gudaa, kan aad ii gashayna aan iska gudee sadax talo iga qabo, "qeyrkaaga ha quursan" taa kow dheh, "Qudhaadu⁵ yeysan kula qab weynaan" taa-na labo dheh, "Qalin in uusan wax (kaa) qaadi karin ha u qabin" taasaana u danbeysa, waa talo aan cid kaa horreysa la siin, hadaad qaadato faa'iido baad qabtaa, hadaad dhabarka ka tuurtana khasaaro baad qabtaa. War heedhe, farta iga qurxi, inaan Eebbe quruxda kaa qaadin. Oo balaaqada baro, hadal waxaa u liita, kan balaaqada laga qaado e, marka aad wax igu qori rabtana xarigga ii dabci, in adna xarigga (nolosha) luguu dabciyo, hana i cuskan yaan waraaqadu jeexmine!
Allow yaa idin yiraahda, qalimaanta ha isku fasixina, aniga keygii siduu ii galay waad aragtiin, yeysan adinkana idinku dhicin, illeen doqon baa tiisa oo kaliya ku tusaala qaadata e.
_____________
1 Gabaygii ~Dugsi maleh~ Suldaan Tima-cadde.
2 aayadda 11aad ee suurada 17aad (Subxaan/Israa)
3 Abuu Daa'uud 4700, Tirmidi 2155/3319.
4 aayada 4aad ee suurada 96aad (Iqra'/Al-calaq)
5 Qudhaada/naftaada.
Friday, December 22, 2023
Kaafir ha u moodin!
Qahwa kulul kafey iyo haddaan - koob ka rido shaaha
Ama kalax intaan heensadow - kasha i soo taabto
Kable iyo haddaan orod galoon - kicitinkii boodo
Korashada waxaad iga sugtaan - waa kalmadihiiye
Kaaf iyo xarfaha qaashahaan - soo kilkilayaaye
Maantaan kaliileynayaa - kararna soo dayn e
Dhaaxaa karkabo lay dilaye - waatan iga koobsha.
***
Kalgaceyl hadduu ruuxa helo - wuu karkariyaaye
Waxa uu ka qaadaa kaskiyo - koontaroolkaba e
Waa lagu kahdaayoo xigtadu - wey ku kallifaane
Kol hadduu "ka joog" tii ka dido - oo la kari waayo
Kabsadkii sidiis buu ummada - kali ka taagaayee,
Kob xun oo la caayuu dhigaa - ama kabruurshaaye,
Isaguna kurtood buu sidii - bahal ka keygaaye.
***
Korka baad ka garataa tabtiyo - kefyka uu yahaye,
Kurbo buu la dhuubtaa, dubkuna - weysku soo kogiye
Kalyahaa is aadoysku dhaga - axadki kuusnaaye
Wajigaa kaduutoo, indhaha - baa karaahsada e
Dhabannada kannaalaad u qabi - ilin-karaarkiiye
Wadnahaad kableyntii u qabi - kaban garaaciis e
Uurkaa karsamayaad u qabi - dheri kuleylkiis e
***
Kololo'a, intuu xiijiyow - sowdku kaddibaaye
Kadabkiis illaa uu jarana - waysku kabayaaye
Marka aan kabiireynayoon - waana ku kabiixi
Isagaa kadeedane, maxaan - u kordhiyaa buuqa?
***
Adna Aw-kitaab-gaabnlow, - waad kadsoontahaye
Sidi kii kalaamkii la yiri - gabal ku kaaftoomay
"Kadin geela sakadiisa (yiri) - kutubtu mey sheegin"
Ee aanan casharkii kammilin, - baad kas-beel tahaye
Ninku xaalad kale weeye ee - kaafir ha u moodin.
***
Qof hadduu kibbaartow salaad - Eebbe kula koodo
Qibladuu katiifadda u jari, - waa kabcada weyne.
Haddu(u) koonfur qaabilay isagu - waa ku kaligiis e
Kalakaanka uuguma wacana - kalimad Sheydaane
Magnad baa ku haya "kaalay" ee - kaafir ha u moodin.
***
Nin tukada kolley faatixada - kari ma waayeene
Kulligeen intaan wada saxnaan - kama' ka dhowrnaaye
Isagaba korkaa laga baroo - wuu kalwinayaaye
Mar-mar buuse ku kabaa wax kale - sida "kafeeyaay" e
Wuxu kas iyo maag kama ehee - kaafir ha u moodin.
***
Rabbi baa Kabiiroo hortiis - lays ku kojiyaaye
Kaligiisa qurah buu jilbaha - koonku u dhigaaye
Kurka buu u laabaa nin raba - kaalmo iyo kheyre
Isna ruux-kab buu doonayaa - amaba laab-kaabe
Kabeheeda haddiyuu dhunkado - kaafir ha u moodin.
***
Kontonleyda qaar baa ku jira - Eebbe kaammilaye
Kun-ka-roonayaal baa jiriyo - kubaro waaweyne
Meekhaan korey leeyihiin - iyo karaamaade
Kanna tiisa baa loo tusiyay - kaabbaha haweene
Nambar koow hadii uu ka dhigo - kaafir ha u moodin.
Cawaan bahalowday
Nabaddu waa shey muqaddas ah. Waa baahi uu uunku la sameysmo. Lagama maarmaan ayay u tahay jiritaanka naflaha. Dhanka kale, colaaddu waa she...
-
Raggu wuu wada haasaawe tagayaa, fiidkii xoog laysuma helo, niba meel buu xamxamleeyahay. Mid baa hees cataaw iyo calaacal ah ku luuqeenaya,...
-
Orod، Qalinow. Iska soco. Maanta fasax baad tahay. Waxaad rabtid qor. Ku celin maayo. Wax-dhan bay faruhu kuu talinaayeen, maanta adigaa u t...
-
Waa galab Jimce ah, waa casir dheer, waxaan horfadhiyaa xeebta, jawigu waa qabow, cirka caad baa isku hor jaray, intaa kuma eka, ee dhulkiin...






