Laqabadu waa fanka turjumaadda. Waxaan u arkaa heer ka mid ah heerarka ugu sarreeya ee wax loo turjumo. Waayo: waa isku sar goynta laba luqadood_si ay midiba uga faa'iideysato midda kale waxyaabaha ay la gaar tahay. Sideedaba cilmiga waxyaabaha cirkaas ku shareera waxaa ka mid ah inuusan dhibbane u noqan una xernaan xuduudaha hiddaha (thaqaafadda) iyo kuwa afafka (luqadaha). Waa in uu aqoonta heli karaa qof kasta oo wax baranaya, afka uu rabo ha ku hadlo, hiddaha uu doonana ha lahaado e, sidaas aawadeed waa in cilmigu afka uu ku qoranyahay laga soo guuriyaa, afafka kalena lugu dhigaa. Markaan baa waxaa loo baahanayaa tarjumaadda. Afafka shisheeye cilmiga ku qoran labo qaab oo kaliya baa looga faa'iideysa karaa:
Waa mid ee, waa in afkaas la barto oo laga gaaro heer wax lugu akhrin karo_waxa lagu akhriyayna la fahmi karo. Kani maahan labada qodob midka sahlan, waayo af-barashadu waa aqoon madax-bannaan oo kaa leexineysa halkii aad u socotay iyo aqoontii aad raadineysay. Wexeyna qaadaneysa wakhti aan ka yareyn kii aad ugu tala-gashay aqoontii kale ee aad u gol-laheyd. Teeda kale, waxaa laga yaabaa in aqoon-kororsigu uu kaa galo afaf kala jaad ah oo fara badan. Haddaba meeqo af ayaad baraneysaa? Waa in qof walba oo aqoonta ku fogaanayaa uu noqdaa Af-yaqaan illaa lix iyo todobo af fahmaya. Waayo waa la hubaa iney aqoontu hadba af la aadeyso, sidaas darteed: labada qaab kii sahlanaa amaba shaacsanaa qaabkaani ma ahan! Bal kan kale...
Waa kan kale ee, waa inaad heshaa turjumaad, oo waa in qof afka yaqaannaa uu kaa caawiyo turjumista dhiganaha-afka-shisheeye ee aqoontu ay kaa soo gashay, badanaa afafka waxaa jira dad bartay oo TS: haddii aad raadiso waxaad hadda heli kartaa qof Soomaali ah oo Af-cibri (luuqadda Yahuudda) ku hadlaya, wexey dadka afafka shisheeye barta awood u leeyihiin iney dadkooda ka caawiyaan turjumista cilmiga ku qoran afka ay barteen, taas ayaana ka sahlan inuu qof walba isku howlo barashada af kasta oo uu uga baahdo inuu dhigane ka akhriyo! Haddaba turjumaaddu wey kala duwantahay, weyna kala heer sareysaa, hadba sida ay baahidu u kala duwantahay ayey faa'iidadeeduna u kala duwantahay:
- Waxaa jirta turjumaad beegsata macnaha guud ee hadalka, wuxuu turjumaanku kuu soo gudbinayaa hadalka uu tarjumayo macanahiisa guud ee lagala jeedo, wuxuu is raacsiinayaa weerta ama jumlada uu turjumayo oo dhameystiran, wuxuuna kuugu fasirayaa weer la macno ama ka ag dhaw oo afkaaga ah! Wuxuu isku howlayaa kaliya sida aad u fahmi leheed meesha uu hadalku u socdo!
- Waxaa kaloo jirta turjumaad kale oo taas ka qottadheer, waana midda beegsata erayada ama kelmadaha, iyada oo aan la is moogeysiin macnaha guud. Waayo, haddii turjumaadda eraylaha ahi ay soo gudbin weyso macnihii guud, wexey noqoneysaa mid iin leh, wexeyna noqoneysaa mid u nugul naqdiga iyo dhalleeceynta, marka waa ineysan keenin macne guud oo ka duwan kii uu lahaa hadalkii la turjumayay ee asalka ahaa.
Laqbadu waa jaad turjumaadda ka mid ah oo lugu mideeyay labadii qaab ee ee aan soo sheegnay, tii weerta iyo eraygaba. Waxaana la dhex qaadsiiyay faa'iidooyin kale oo aad u fara badan. Waxaan ku soo gaarnay culumadii Soomaaliyeed iyaga oo kitaabbada diinta ee Afcarabiga ku dhigan qaabkaan (laqbada) u turjuma. Dad-weynaya dunida marka la eego, waa qaab ay aad u yaryihiin dadka adeegsada. Waxaan ku mala-weynahay in ay qowmiyadayaha islaamka ah ee Itoobiya daga ay nala wadaagaan laqbada. Balse Afrikaanta fog iyo Eeshiyaankaba wexey u badantahay iney ku kaaftoomaan turjumaadda macnaha guud beegsata, iyo ineysan isku howlin laqbada. (Alle iyo nin aad u baaray baase iga og!) Aan u soo laabtee laqbadu waa isisaarka Carabiga kitaabka ku qoran iyo Soomaaliga la macnaha ah ee lugu fasirayo, wexeyna leedahay (in kastoo aaney qorneen) shuruuc iyo qawaacid, kuwaasoo ku sal go'an qawaacidda labada luqadood, sida: in aan la kala reebin erayada aan kala harin oo ay ka mid yihiin ~Mudaafka iyo Mudaafu-ileyhiga Carabiga.
Waxaa ka mid ah faa'iidooyinka laqbada (in kastoo aanan arkin cid dareensan) iney xanbaarsantahay dhammaan ama badi culuumta Carabiga (ee dhibka laga maro barashadooda) sida: 1 - Naxwaha icraabtiisa iyo qawaaciddiisaba, 2 - Sarfiga dhismahiisa iyo gadgaddoonkiisaba 3 - Macaanida iyo bayaanka balaaqada_wiliba masaa'il badiica ka mid ah bey adeegsadaan ragga laqbaha ku xarragooda. Icraabka isagu aad ayuu ugu laranyahay laqbada oo wey yartahay inay laqbadu ka ilduufto kalimad icraabkeeda, waana sababta ay culumadu qaar ugu maahmaahaan erayga ah "Al-icraabu bacdal-macnaa" oo ay kolba ula jeedaan "adiga oo aan macneyn ha icraabin" waayo: wexey arkeen sida uu macnuhu u soo dhaweeyo icraabta, taasi waa dhanka Carabiga.
Soomaaligu wuxuu isna halkaas ka helayaa sadkiisa, horta waa halka kaliya ee uu dhaqdhaqaaqa iyo ilbaxnimada ka sameyn jiray. Afku wuxuu ballaaranayaa marka lagu fasiro afaf kale. Waayo, waxaa halkaas ka dhalanaya eraybixinno kobcinaya Qaamuuska afka. Dhanka kale waxaa aad u soo muuqanaya qaacidooyinka Af-Soomaaliga ee aanan wili qorneyn_kuwa hab-dhismaha iyo kuwa naxwahaba. Illeen waxaa lugu garab wadaa af kale oo ay qoranyihiin qaacidooyinkiisii oo dhan. Qof kasta oo ka doodaya qaacidooyinka Af-soomaaliga ama wax ka qoraya wuxuu aad ugu baahanyahay inuu laqbada dhadhansado, shaki la'aan, waxay ku kordhineysaa wax aan yareyn.
Mar aan laqbada ku fiiriyay Af-ingiriiska waxaa ii soo baxday iney si madax banaan ula jaanqaadi karto af walba oo lugu fassiro. Qofka wax baranaya aad ayey u anfacdaa oo wexey ka qeyb qaadataa qottodheerida iyo xeeldheerida cilmiga, waana heerka ugu sarreeya ee uu wax ku barto qofku, marka laga reebo qofka afka shisheeye inta barta ka dhex baxa. Kaasi wuxuu erayada ula falgali karaa si aan u suurtoobeyn qofka laqbada ku howlan. Balse asaguna (laqbeystuhu) wuxuu wax badan ka sarreeyaa kuwa kale ee noocyada kala duwan ee tarjumaadda wax ku bartay. Sababo ay intani ka mid yihiin baan u iri "Fanka Laqbada!". Waa fan oy maskax halabuur lihi hindistay, wuxuu ka mid noqday jawaabihii furay xujaadii ahayd "Cajamtu ineysan heli karin fursadda Carabtu ay u heysato fahanka kitaabka Ilaahey SW". Waa fan lugu dhex soohay baabab iyo funuun kala duwan ee cilmiga oo qofkii asagoon kitaab ka akhrisan uu garanayo, wiliba uu qawaaciddooda ilaalinayo!
Waxay kaloo laqbadu siddaa fursad lugu baran karo afka, qofkii toddobo illaa toban kitaab ee qaar dheerdheeryihiin laqbeysta, wuxuu fahmayaa 80% erayada cilmiga ah ee Af-carabiga, tallaabo wax aan dhameyn ayuu u jiraa in uu ku hadlo afkaas, hadii uu buugaag akhriyana kumaba sii jirto. Laqbada yaan la fududeysan waa cilmi iskii u madax banaan e.

No comments:
Post a Comment