Saturday, June 8, 2024

Qof iyo Qolo. Qaabdhismaha Qabyaaladda.

Qabyaaladdu waa qaddiyad ay xigtadu isku bahaysato, sokeeyuhu isugu hiilliyo, shisheeyahana la isaga dhiciyo ama lugu maago. Doodda qabyaaladda ka taagan illaa iyo hadda waxa ay ka dhexeysaa labo qolo: qolo wexey ku doodeysaa in aysan qabyaaladdu lahayn wax faa'iido ah wiliba in ay tahay cudur Soomaalidu tan iyo goor aan dhaweyn ay la daallaa dheceyso, loona baahanyahay in la dabar-jaro. Waxay qoladani isugu jiraan: culimo uu halbeeg u yahay xadiiskii ahaa:

 "iska daaya waa quran e / دعوها فإنها منتنة" iyo waddaniyiin uu hal-ku-dhiggoodu yahay meeriskii Cabdullaahi S. Timacadde AUN uu lahaa
"Dugsi maleh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane!"
Qolada kale waxay ku doodayaan in ay tahay hab-nololeed iyo qaab (si wada jir ah) looga badbaado duruufaha adag ee ku xeeran reer kasta oo Soomaaliyeed, duruufahaas oo ay ka mid tahay wada-dagista reero_hadii mid ka mid ihi uu tartanka, xifaaltanka, wax-dhacsiga iyo wax-iska-dhicinta iska joojiyo, uu buska iyo boorka cabayo, illeen reeraha kale hakan maayaan e! 
Waxa ay dooddani ku saleysantahay waxtarka iyo dhibka ay qabyaaladdu leedahay, waxa ay qolada hore u aragtay in dhibaatadeedu ay aad uga weyntahay wax-tarkeeda, in uu waxtarkeedu ku ekaado dadka isku reerka ah, dhibkeeduna uu u sii gudbo ummadda kale. Halka qolada kale ay u aragtay in ay tahay xaqiiqo waaqici ah, si kasta oo ay u qaraartahayna lama huraan u ah nolol-qeybsiga iyo wada-dagista Soomaalida, wixii la isaga indha-tiraana kaliya ay yihiin been iyo is-maahis.

Hadda dood kale ayaa miiska saaran, dood aan ku salaysneen wax-tarka qabyaaladda iyo dhibaatadeeda, balse abbaareysa sababaha qadiyaddaan ka danbeeya, kuna raad-joogta qaab-dhismeedkeeda. Waatahay. Marka la sii dhugto sababaha tiirarka ah oo ay qabyaaladdu ku taagantahay, waxaa soo bexeysa in ay labo yihiin. Aan dhahno waxaa jira labo daraf oo kala sarreeya oo ay ku dhex callaqantahay: koow, waa Isir-jeclaan oo darafka sarreeya ah, labo, waa Is-jeclaan oo darafka hooseeya ah.
Waxa ay qabyaaladdu ka dhex dhalataa jacayl aad adigu isu qabtid (is-jeclaan) iyo mid aad isirkaaga u qabtid (isir-jeclaan). Haddaba si looga gungaaro micnaha, daliilka, ujeeddada iyo natiijada ay qabyaaladi leedahay, waa in la isla fiiriyaa labadaas qodob ee ay ku qotonto waxa ay yihiin, sida ugu saxan oo ay isula falgali karaan, waxa ku keeni kara in ay dheelliyaan iyo in uu jiri karo qodob saddexeeya.

Isirku waa asal, waa dir, waa sinji, waa halka aad ka soo jeedid. Waxa kugu kallifi kara in aad cid u hiilliso, waa in aad isku isir tihiin. Tusaale: ka bilaaw nafsaddaada, xibin walba oo jirkaaga ka mid ah wexa ay la damqataa, difaacdaa, ayna garab istaagtaa xibnaha kale, maadaama ay hal qof ah wada yihiin, maadaama ay hal naf ahi ka wada dhexeyso, waa xubno hal meel ah ka soo wada jeeda. U soo gudub walaalahaaga, maadaama hal oday ahi idin wada dhalay! ilma adeerradaada? Maadaama hal awoowe aad ka soo wada jeeddaan, illaa tolka laga soo gaaro, intaas oo dhan sababta aad ugu hiillineysid waa in aad isir-wadaag tihiin, waxaa ku wata dareen la yiraahdo Isir-jeclaan!
Balse aan is weydiinno e; isirku ma halkaas buu ku dhammaadaa? Hadii (sida aan horey u qeexnayba) isirku uu yahay asal, ab iyo sinji, hadaba arrini koow ma joogto! Qoys, jufo, reer, beel iyo qabiil intaba isirku wuu ka gudubsanyahay! Waxaa kugu isir ah qowmiyadda aad ka soo jeeddo! Ka sii gudub, waxaa kugu isir ah umada aad ka soo jeeddo! Sii soco waxaa kugu isir ah noolaha aad ka soo jeeddo! Waxaaba la dhihi karaa noolaha oo idil ayaa kugu isir ah! Waxaaba laga yaabaa uunka oo dhan in aad isku isir noqotaan! Halkani waa fiinta ugu sarreysa ee Isir-jaceylka laga gaari karo, waxaana lugu doodi karaa in uu yahay heerka ugu macquulsan ee isirka loo jeclaan karo, in aad uunka oo dhan xigsatid maadaama aad isir-wadaag tihiin, wixii ka sokeeyana waa xin iyo isir-jacaylkii oo is dhimay.

Xinku waa in aad kala xigsato laba shey, adiga oo ku kala soke-marinaya wax ay xaqiisa si siman kuugu leeyihiin. Tusaale: nabaddu haddii ay noqoto xaq uu nooluhu si siman kuugu leeyahay, oo ay waajib tahay in lagaa wada ammaan helo, waa xin in aad aadanaha siiso, una diiddo ama ku yareyso noole kale, oo isaguna kaa mudnaa in aad nabad iyo ammaan siiso. Xinka haddii aan sidaan u qeexno, wuxuu noqonayaa culeyska hoos kuu soo jiidaya kaana soo daaddajinaya heerarka sare ee isir-jacaylka. Haddii ay isir-wadaagtu kaa wada mudanyihiin hiil iyo soo-dhaweysi, haddaba soo xin maaha in aad qaar ka mid ah mudnaantoodaas mariso, qaarna aad ka masuugto? Bal e, taas badalkeeda in aad qaar (ka mid ah) fogeysid, dhibaatana u geysatid! Mase garaneysaa haddii uu xinku hoos kuula soo dago halka uu kuu soo wado? Wuxuu kuu soo wadaa darafkii hoose ee Is-jeclaanshaha ahaa, kanina waa qodobkeenii labaad. Bal isagana....

Is-jeclaanshahu waa in aad adigu is jeclaato, waa in aad taada oo kaliya fiirsato, adigu isu hiiliso, adigu is difaacdo. waa in aad qoolka xinka dhuujiso, heer uu surkaaga mooyee wax kale qaadi waayo. Si ka duwan isir-jeclaanshaha, is-jeclaanshuhu nafta kama uu billawdo, wuuse ku dhamaadaa. Uunka maadaama aad noole ka tahay, manoolaha ayaad ximisaa, (oo aad isirkaaga ka saartaa)! Noolaha maadaama aad Aadane ka tahay, xoolaha ayaad ximisaa, (oo aad isirkaaga ka saartaa)! Aadanaha maadaama aad Afrikaan ka tahay, intii aan Afrikaan kula ahayn ayaad ximisaa, (oo aad isirkaaga ka saartaa)! Afrikaanta maadaama aad Soomaali ka tahay, inta kale ayaad ximisaa, (oo aad isirkaaga ka saartaa)! Soomaalidana qabiilkaaga mooyee inta kale ayaad ximisaa, (oo aad isirkaaga ka saartaa)! Qabiilkaagana beeshaada mooyee inta kale ayaad ximisaa, (oo aad isirkaaga ka saartaa)! Beeshaadana reerkaaga mooyee inta kale ayaad ximisaa, (oo aad isirkaaga ka saartaa)! Reerkaagana jufadaadada mooyee inta kale ayaad ximisaa, (oo aad isirkaaga ka saartaa)! Jufadaadana qoyskaaga mooyee inta kale ayaad ximisaa, (oo aad isirkaaga ka saartaa)! Qoyskaagana bahdaada mooyee inta kale ayaad ximisaa, (oo aad isirkaaga ka saartaa)! Heer aad ugu danbeyn, naftaada mooyee, inta kale aad ximisid. Halkanina waa salka ugu hooseysa darafka hoose ee Is-jeclaanshaha.

Waxaad is weydiineysaa; haddii uu xinku qofka hoos ula soo dago illaa uu gunta ka keeno, haddaba ma jiraa (baddalkiisa) wax qofka kor u qaada illaa uu fiinta sare geeyo? Waxaa jira wax la yiraahdo Xurmo, oo qofka ka soo saari kara salka ugu hooseeya ee is-jeclaanshaha, isla markaasna gaarsiin kara fiinta ugu sarreysa ee isir-jacaylka_sida xinkuba uu qofka ugala soo hoobto fiinta, illaa uu dhigo salka hoose.
Xurmadu waa qaddarin, waa muuneyn, waa sharfid. Halkan waxaa loogala jeedaa qadarinta qeyrka. Wexey ka bilaabataa ehelka. Waa inaad xurmeysaa waalidka iyo walaalka, waxaa cagsigeeda ah in aad xinto, oo aad naftaada oo kaliya xurmadii ku ekeyso. ma aragtaa? Xinku darafka hoose ayuu kuula soo dagayaa, halka xurmadu ay dhanka sare kula aadeyso! Waxaad ku xijineysaa xigtada dhaw, oo aad iyagana xurmo deeqsiineysaa. Xigtada fog baad u soo dhaafeysaa. mar kasta oo aad kor u socotid waxaa kordhaya isir-jacaylkaaga, waxaana is dhimaya is-jacaylkaaga. Xurmadu waxay diideysaa qof kugu isir ah in aad dhibaateyso adiga oo u hiillinaya ku kale oo asna kuga isir ah. U fiirso, kan inta aadan u hiillin waa in aad is xijisaa (/naftaada u soo dhaweysaa). kaas na inta aadan dhibaateyn waa in aad iska fogeysaa (/naftaada ka fogeysaa) waa in aad isrkaaga ka saartaa. Halkaasi na waa meel ay xurmadii ku dhimatay, xinkiina....!

Isir-jacaylka waxaa ku abtirsada dhaqammo ay ka mid yihiin hiil, damqasho, tolnimo iyo xiriirin. Wax walba oo samaan ah oo ka dhexeeya dadka isu qirsan in ay xigto yihiin, waxaa la dhihi karaa waa isir-jacayl. Dhanka kale, is-jacaylka isna waxaa ku abtirsada dhaqammo ay ka mid yihiin nacayb, colaadin, quuriwaa iyo islaweyni. tanna waxaa la dhihi karaa: wax walba oo xumaan ah ee dadka isu qirasan in ay xigto yihiin kala dhexeeya dadka ay u heystaan in ay shisheeye yihiin, waxaasina waa Is-jeclaan.
Labadaan dareen waa labo dabci oo ku shaabbadeysan xiska aadanaha, waa u-dhalasho, bey'adduna wey kobcisaa. Labadooda oo ku kulma qofka xiskiisa ayaa dhala qabyaaladda. Wuxuuse qofku moogyahay in aysan suuragal ahayn isku dheelli tiriddooda isaga oo aan aragti ahaan uga fakarin una faaqidin! Mid kaliya buu hadba calanka u sidaa, amaba labadaba xeerkooda ayuu jabiyaa, maadaama horraantiiba fakar, u fiirsasho iyo sababeyn midna uusan ku qaadan. Waxaa hadda dusha u saaran qaddiyad aan ku dhisneyn isir-jeclaan iyo Is-jeclaan toona.
Isaga oo dad ku isir ah colaadinaya ma sheegan karo in uu u colaadinayo jacayl uu isirkiisa u qabo. Sidoo kale, isaga oo naftiisa halligaya lguma tuhmi karo in uu u halligayo jacayl uu naftiisa u qabo.

Halkaas marka ay mareyso, qofkaasi wuxuu taaganyahay marnaan, wuxuu ka maranyahay qaddiyad, wuxuu ka maranyahay sabab, wuxuu ka maranyahay jacayl. wuu lunsanyahay, wuxuu dhacdooyinka la fal-galayaa isaga oo u cuskunaya waxa bulshada hareerihiisa joogaahi ay aaminsanyihiin. Hadii ay natiijadu isaga ku ekaaneyso wey roonaan lahayd e, dhibaatadu waxa ay tahay, in uu qofkani geysanayo burbur asaga dhaafsiisan, in uu xadgudbayo, in uu naf goynayo, in uu hanti dhacayo, in uu been-abuur samaynayo, in uu dad u gafayo, in uu nidaam duminayo.

Arrinka cajiibka ahi, waa in aysan labadii qodob meesha ka marneyn. Wexey eheed in ay sabab noqdaan, taas ayaana dhici weysay. Balse hadda wexey noolyihiin iyaga oo dareen bis ah, dareen xoog badan oo qofka ku riixaya in ay falalkiisu yeeshaan saameyn weyn.
Wuxuu isugu sheekeenayaa in uu reerkiisa difaacayo, in uu col ka hor joogo, in ay hiil uga baahanyihiin. Waa Isir-jeclaantii oo dhallaan-rogan! Wuxuu kaloo dareensanyahay in la joogo gole tartan-sharafeed lugu qabanayo, wuxuu leeyahay "waa innaga iyo iyaga qoladii ay libintu raacdo" waa in libintu ay qoladiisa raacdo si uu u noqdo wiil-hoog laandheere ah oo ka soo jeeda reer deegaanka ka dhex muuqda! Amaba waa tartan-nololeed oo xaajadu waxay joogtaa "haddii aysan iyagu le'an, innaga ayaa le'aneyna. Hadii aynaan hantidooda qaadan, iyaga ayaa hantideena qaadanaya" tanina wa Is-jeclaantii oo aan biyo is marin. Labada dareen hadii aan sharcigooda la jabi lahayn, waxay noqon lahaayeen sababo kala madax banaan, balse isla falgala, una baahan in la isku dheellitiro. Hadda se waa dareemo kaliyah, kuwaas oo ka qeyb qaata kicinta hiyiga iyo xamaasadda qofka.

Isir-jacaylka waxaa jabiya lidkiisa, Isir-nacayb. Hadii aad isirkaaga jeceshahay, waa in aadan necbaan cad isaga ka mid ah. Qolaba qolada ay kaaga dhawdahay hadii aad ka sii jeclaato, wili dhib malahan. Waxaase dhib ah qolada dhaw jacaylkoodu in uu ku gaarsiiyo heer aad necbaato qolada fog (ee aad isir-wadaagta tihiin). Adeerkaa iyo aabbahaaba waxa aad sii jeceshahay aabbahaa, balse adeerkaa ma nici kartid adiga oo isir-jacayl sheeganaya.
Is-jeclaanshaha isagana waxaa jabiya dad-jacayl, si aad naftaada u jeclaatid waa in aadan qeyrkeeda jeclaan, ama ugu yaraan sida aad u jeceshahay oo kale in aadan qeyrkeeda u jeclaan. waxaad is oran kartaa; "qof kasta heerka uu doono qabyaaladda haka gaaro e, lama oran karo qeyrkiisa ma jecla! Lamana oran karo qeyrkiisa wuu necebyahay, waayo haduu qoyskiisa jeclaado, ugu yaraan qeyrkii buu jecelyahay!" Waatahay. Hadaba aan qeyrka isla fahanno, waxaa qeyr noqon kara wax kasta oo aan adiga ahayn, waxaa kaloo qeyr noqon kara wax kasta oo aan adinka ahayn, tanina waxa ay farac ka tahay heerarka is-jeclaanshaha ee soo socda inyar ka dib.

Waxaa baraarujin mudan in aynaan Is-jeclaanta kala jeedin macnaha loo adeegsado ee ah qadarinta nafta iyo qirashada is-ahaanshiyaha, sidoo kale si buuxda ugalama jeedno waxa loo yaqaano anaaniyadda iyo selfishness-ka. Wexeysa tan danbe kala mid tahay in ay tahay: fiirsashada danta gaarka ah iyo iska-indhatirka danta guud. Wexeyna uga duwantahay, dantaas gaarka ah in ay noqon karto mid u gaar ah dad badan. Aan sii caddeynno. Labo is-jeclaansho ayaa jirta baa la oran karaa: Mid waa qofi inuu is jeclaado, heer uu is jaceylkaas ku colaadin karo qeyrkiisa, cid Allaala ciddey noqotaba. Tan kale waa qolo dhani in ay magaceeda iyo wadajirkeeda jeclaato, heer ay isjeclaantaas ku colaadin karto qolo kasta ee qeyrkeed ah. Waxaa tan danbe la dhihi karaa waa isjeclaan guud, balse lama oran karo waa anaaniayyad.
Haddaba hal su'aal aan is weydiinon: hadii ay qofka dhaqan xumo iyo qaabdarro ku tahay in uu kaligii is jeclaado, heer aysan waxba ka galin danta guud, uuna fiirsanayo tiisa oo kaliya, kuna colaadin karo qof kasta ee uu dantiisa ka heli waayo, hadii ay qofka maangaabnimo ku tahay in uu dadka kula jiro tartan aan arxan lahayn oo xanbaarsan quuriwaa qabweyni iyo qalbixumaan, bal maxaa qolo dhan gar u siinaya in ay ku tilmaannaadaan isla tilmaamahaas? In ay qolo qolanimadeeda jeclaato heer ay qolooyinka kale ku colaadin karto! Bal e, qolooyinka kale oo dhan (sida ay u arkaan) in ay ugu kala qeybsanyihiin saddax qolo: 1 qolo tartankii magaca iyo muunadda ee iyaga kala dhexeeyay kaga sara martay, ama ay wili loollan kula jiraan, qoladaas waxaa kala dhexeeya dagaal af iyo addin leh, waxaa u raacsan dagaalka uurka, cuqdadda, nacaybka, xaqiraadda, quuri-waaga IQK. 2 qolo ay kaga adkaadeen tartankaas amaba aan kula jirinba, iyagana waxay u hayaan quursi, liidid, takoorid, iyo gumeyn. 3 qolo aysan waligood wada dagin, amaba aysan is garaneyn, ayagana sidaas bey ku kala nabad qabaan, haddii ay se isi soo ag-dagaan, labada hore bey mid ku biirayaan. Waa isla sida qofka anaaniga ah (Salfish person). Isaguna waa isla tabtaas: maadaama wanaag oo dhan naftiisa oo kaliya uu la rabo, dadku saddax bey u kala yihiin: 1 qof wanaaggaas helay, oo kaas dagaal baa kala dhexeeya, 2 qof aan wanaaggaas helin, oo digasho iyo ku camirasho buu meel ula fadhiyaa, 3 qof uusan waligiis il saarin, oo kaas waxba kalama dhexeeyaan!

Qabyaaladu waa dareen qof iyo qolo ka dhexeeya. Waa labo isu baahan, farqi baa se u dhexeeya. Qoladu iyada bis baa isjecel, isirkeedana waxba uma oga! Haddii ay wax u ogtahay qolo iyada la dhalatay ama la ehel ah may colaadiseen! Qofka ayaa kuu soo haray; isirkiisa wuu jecelyahay, oo waa sababta isaga iyo qolada dareenku uga dhexeeyo. Isaguna wuu is jecelyahay, oo kalinamada tol-la'aanta naftiisa lama rabo. Qolada rabitaankeedu wuxuu afduubayaa qofka rabitaankiisa, waxaa aalaaba toos u fula qoalada rabitaankeeda isjeclaanshaha ku dhisan, qofkuna wuu ku hungoobaa rabitaankiisii isku-dhafka isir-jeclaanta iyo is-jeclaanta ahaa. Siduu ugu hungoobaa? Hadii ay qoladiisu la dirirto qolo kale, oo ay isirwadaag yihiin; qofkii isirjacayl meesha uma yaal, oo cad isirkiisa ka mid ah buu gooyay! Aad na naftiisa uma jecla, oo waa kan dirir uu ka baaqsan karo galay, dad uu walaaleysan karana la galay, hadii uu tol iyo ehel u baahnaa, wuxuu heli karay tol weyn oo kiisa ku laba jibbaarma, wuxuuse doortay inuu intaan yar ku kaaftoomo! Dantiisa kama shaqeyn! Waxaase fushay dantii qolada oo iyadu isir-jacayl dan kama lahayn, waxaa u darneyd in ay magaceeda difaacato, sarreyn maahane hooseynna aysan dareemin, waana sababta ay wiilasheeda dabka ugu gurtay una dagaal galisay, iyada oo aan danahooda tixgalin! Way ku daneysatay, waxayna ka dhaadhicisay aragti rakhiis ah oo aan meel dheer jirin, wexey ku tiri "Danteydu waa tiina".

Danta wiilashu kuma jirto in ay colaad galaan ama in ay sababsadaan qaddiyad qolanimo ku suntan, danta wiilahsu waxay ahayd in ay helaan ehel ay weheshadaan, magac ay duggaashadaan iyo xigto ay garabsadaan. Intaba si waafi ah bey u heli lahaayeen haddii ay colaadda ka baaqsan lahaayeen, xurmadii xin baa loogu baddalay, tolkii weynaa na reer yar baa loogu baddalay, nabaddiina colaad baa loogu badalay! Hadaba maxaa u xal ah? Xalku waa in talada faraha ka baxday dib loo hantaa, qoladu inta ay dad ka koobantahay qof ka mid ah oo aragtida go'aamiyaahi ma jiro, waxaase aragtida leh oo go'aamiya qolada! Waa erayga "Qolo" oo dad ka maran! Qoladu dad bey ka koobantahay, waa in qof walbaahi fikirkiisa dib u hantaa. Eray cidlo ah oo naf, aqli iyo maskaxba ka maran sidee aragti loogu daba fariisan karaa? Sidee fikirkiisa loogu duuli karaa? Sidee naf loogu goyn karaa? Siduu gobanimo iyo gunnimo miisaan ugu noqa karaa? Waa in la fuliyo rabitaanka qofka, waayo qoladu dad bey ka koobantahay. Waa in qofka loo daayo qaabeynta aragtidiisa uu qabyaaladda ka qabo, waa in uu isku dheellitiraa labadiisa dareen ee isir-jeclaanshaha iyo is-jeclaanshaha kala ah. Markaas labo bey mid noqoneysaa: koow, in la wada noqdo hal tol oo weyn oo balaarran, labo, in aysan qolo qolo kale dhibaateyn ama colaadin.

Sunday, February 18, 2024

Fanka Laqbada

Laqabadu waa fanka turjumaadda. Waxaan u arkaa heer ka mid ah heerarka ugu sarreeya ee wax loo turjumo. Waayo: waa isku sar goynta laba luqadood_si ay midiba uga faa'iideysato midda kale waxyaabaha ay la gaar tahay. Sideedaba cilmiga waxyaabaha cirkaas ku shareera waxaa ka mid ah inuusan dhibbane u noqan una xernaan xuduudaha hiddaha (thaqaafadda) iyo kuwa afafka (luqadaha). Waa in uu aqoonta heli karaa qof kasta oo wax baranaya, afka uu rabo ha ku hadlo, hiddaha uu doonana ha lahaado e, sidaas aawadeed waa in cilmigu afka uu ku qoranyahay laga soo guuriyaa, afafka kalena lugu dhigaa. Markaan baa waxaa loo baahanayaa tarjumaadda. Afafka shisheeye cilmiga ku qoran labo qaab oo kaliya baa looga faa'iideysa karaa:

Waa mid ee, waa in afkaas la barto oo laga gaaro heer wax lugu akhrin karo_waxa lagu akhriyayna la fahmi karo. Kani maahan labada qodob midka sahlan, waayo af-barashadu waa aqoon madax-bannaan oo kaa leexineysa halkii aad u socotay iyo aqoontii aad raadineysay. Wexeyna qaadaneysa wakhti aan ka yareyn kii aad ugu tala-gashay aqoontii kale ee aad u gol-laheyd. Teeda kale, waxaa laga yaabaa in aqoon-kororsigu uu kaa galo afaf kala jaad ah oo fara badan. Haddaba meeqo af ayaad baraneysaa? Waa in qof walba oo aqoonta ku fogaanayaa uu noqdaa Af-yaqaan illaa lix iyo todobo af fahmaya. Waayo waa la hubaa iney aqoontu hadba af la aadeyso, sidaas darteed: labada qaab kii sahlanaa amaba shaacsanaa qaabkaani ma ahan! Bal kan kale...

Waa kan kale ee, waa inaad heshaa turjumaad, oo waa in qof afka yaqaannaa uu kaa caawiyo turjumista dhiganaha-afka-shisheeye ee aqoontu ay kaa soo gashay, badanaa afafka waxaa jira dad bartay oo TS: haddii aad raadiso waxaad hadda heli kartaa qof Soomaali ah oo Af-cibri (luuqadda Yahuudda) ku hadlaya, wexey dadka afafka shisheeye barta awood u leeyihiin iney dadkooda ka caawiyaan turjumista cilmiga ku qoran afka ay barteen, taas ayaana ka sahlan inuu qof walba isku howlo barashada af kasta oo uu uga baahdo inuu dhigane ka akhriyo! Haddaba turjumaaddu wey kala duwantahay, weyna kala heer sareysaa, hadba sida ay baahidu u kala duwantahay ayey faa'iidadeeduna u kala duwantahay:

- Waxaa jirta turjumaad beegsata macnaha guud ee hadalka, wuxuu turjumaanku kuu soo gudbinayaa hadalka uu tarjumayo macanahiisa guud ee lagala jeedo, wuxuu is raacsiinayaa weerta ama jumlada uu turjumayo oo dhameystiran, wuxuuna kuugu fasirayaa weer la macno ama ka ag dhaw oo afkaaga ah! Wuxuu isku howlayaa kaliya sida aad u fahmi leheed meesha uu hadalku u socdo!

- Waxaa kaloo jirta turjumaad kale oo taas ka qottadheer, waana midda beegsata erayada ama kelmadaha, iyada oo aan la is moogeysiin macnaha guud. Waayo, haddii turjumaadda eraylaha ahi ay soo gudbin weyso macnihii guud, wexey noqoneysaa mid iin leh, wexeyna noqoneysaa mid u nugul naqdiga iyo dhalleeceynta, marka waa ineysan keenin macne guud oo ka duwan kii uu lahaa hadalkii la turjumayay ee asalka ahaa.


Laqbadu waa jaad turjumaadda ka mid ah oo lugu mideeyay labadii qaab ee ee aan soo sheegnay, tii weerta iyo eraygaba. Waxaana la dhex qaadsiiyay faa'iidooyin kale oo aad u fara badan. Waxaan ku soo gaarnay culumadii Soomaaliyeed iyaga oo kitaabbada diinta ee Afcarabiga ku dhigan qaabkaan (laqbada) u turjuma. Dad-weynaya dunida marka la eego, waa qaab ay aad u yaryihiin dadka adeegsada. Waxaan ku mala-weynahay in ay qowmiyadayaha islaamka ah ee Itoobiya daga ay nala wadaagaan laqbada. Balse Afrikaanta fog iyo Eeshiyaankaba wexey u badantahay iney ku kaaftoomaan turjumaadda macnaha guud beegsata, iyo ineysan isku howlin laqbada. (Alle iyo nin aad u baaray baase iga og!) Aan u soo laabtee laqbadu waa isisaarka Carabiga kitaabka ku qoran iyo Soomaaliga la macnaha ah ee lugu fasirayo, wexeyna leedahay (in kastoo aaney qorneen) shuruuc iyo qawaacid, kuwaasoo ku sal go'an qawaacidda labada luqadood, sida: in aan la kala reebin erayada aan kala harin oo ay ka mid yihiin ~Mudaafka iyo Mudaafu-ileyhiga Carabiga.


Waxaa ka mid ah faa'iidooyinka laqbada (in kastoo aanan arkin cid dareensan) iney xanbaarsantahay dhammaan ama badi culuumta Carabiga (ee dhibka laga maro barashadooda) sida: 1 - Naxwaha icraabtiisa iyo qawaaciddiisaba, 2 - Sarfiga dhismahiisa iyo gadgaddoonkiisaba 3 - Macaanida iyo bayaanka balaaqada_wiliba masaa'il badiica ka mid ah bey adeegsadaan ragga laqbaha ku xarragooda. Icraabka isagu aad ayuu ugu laranyahay laqbada oo wey yartahay inay laqbadu ka ilduufto kalimad icraabkeeda, waana sababta ay culumadu qaar ugu maahmaahaan erayga ah "Al-icraabu bacdal-macnaa" oo ay kolba ula jeedaan "adiga oo aan macneyn ha icraabin" waayo: wexey arkeen sida uu macnuhu u soo dhaweeyo icraabta, taasi waa dhanka Carabiga.

Soomaaligu wuxuu isna halkaas ka helayaa sadkiisa, horta waa halka kaliya ee uu dhaqdhaqaaqa iyo ilbaxnimada ka sameyn jiray. Afku wuxuu ballaaranayaa marka lagu fasiro afaf kale. Waayo, waxaa halkaas ka dhalanaya eraybixinno kobcinaya Qaamuuska afka. Dhanka kale waxaa aad u soo muuqanaya qaacidooyinka Af-Soomaaliga ee aanan wili qorneyn_kuwa hab-dhismaha iyo kuwa naxwahaba. Illeen waxaa lugu garab wadaa af kale oo ay qoranyihiin qaacidooyinkiisii oo dhan. Qof kasta oo ka doodaya qaacidooyinka Af-soomaaliga ama wax ka qoraya wuxuu aad ugu baahanyahay inuu laqbada dhadhansado, shaki la'aan, waxay ku kordhineysaa wax aan yareyn.


Mar aan laqbada ku fiiriyay Af-ingiriiska waxaa ii soo baxday iney si madax banaan ula jaanqaadi karto af walba oo lugu fassiro. Qofka wax baranaya aad ayey u anfacdaa oo wexey ka qeyb qaadataa qottodheerida iyo xeeldheerida cilmiga, waana heerka ugu sarreeya ee uu wax ku barto qofku, marka laga reebo qofka afka shisheeye inta barta ka dhex baxa. Kaasi wuxuu erayada ula falgali karaa si aan u suurtoobeyn qofka laqbada ku howlan. Balse asaguna (laqbeystuhu) wuxuu wax badan ka sarreeyaa kuwa kale ee noocyada kala duwan ee tarjumaadda wax ku bartay. Sababo ay intani ka mid yihiin baan u iri "Fanka Laqbada!". Waa fan oy maskax halabuur lihi hindistay, wuxuu ka mid noqday jawaabihii furay xujaadii ahayd "Cajamtu ineysan heli karin fursadda Carabtu ay u heysato fahanka kitaabka Ilaahey SW". Waa fan lugu dhex soohay baabab iyo funuun kala duwan ee cilmiga oo qofkii asagoon kitaab ka akhrisan uu garanayo, wiliba uu qawaaciddooda ilaalinayo!

Waxay kaloo laqbadu siddaa fursad lugu baran karo afka, qofkii toddobo illaa toban kitaab ee qaar dheerdheeryihiin laqbeysta, wuxuu fahmayaa 80% erayada cilmiga ah ee Af-carabiga, tallaabo wax aan dhameyn ayuu u jiraa in uu ku hadlo afkaas, hadii uu buugaag akhriyana kumaba sii jirto. Laqbada yaan la fududeysan waa cilmi iskii u madax banaan e. 

Saturday, January 13, 2024

Is-dhexgal mise kala-dhexgal


Dunida waxaa dadkii afka loo wada galiyay oo loo wada meeriyay ciyaaraha oo ay kubbadda-cagtu ugu horreyso in ay ka shaqeeyaan is-dhexgalka bulshada. Waayo waxaa daafaha dunida isaga immaanaya ummad aan waxna isu galin oo aan isku af iyo isku diin midna ahayn. Kaliya waxaa kulmineysa daawashada ciyaaraha. Koobkii dunida ee ugu danbeeyay, waxaa dalka Qadar isugu yimid dad farahaas ka batay oo carradaas Ilaahey ka kala yimid. Taas ayaana ka garan gartaa (baa lugu leeyahay) in kubbadda cagtu ay ka shaqeyso is-dhexgalka bulshada! Waatahay. Maka yeelnaa?

Is-dhexgalka bulshadu waa ciwaan aad u qurxoon, marka waa in qodabbadiisu noqdaan kuwo lugu qanco, mirihiisu waa in ay macaanaadaan, waa inuu xanbaarsanaadaa faa'iido wax-ku-ool ah. Hadii kale wuxuu ka mid noqonayaa erayada borabagaandada ah ee korka laga meceeyo hoosna faaruqa ka ah!

Labo qolo oo kala xernayd marka ay isu furmaan, waa is-dhex-gal. Marka la is walaashado, oo la saaxiibo, waa is dhexgal. Marka la xidido oo dumar la kala nikaaxsado waa is dhexgal. Isdhexgalku waa qodob wayn oo aan la dhayalsan karin. Wuxuu oodda ka kala qaadi karaa dowlado khadka cas qarniyo ka hor kala xarriiqday, haddii uu rumoobo, waxaa isku damqanaya dad aan wax isu oggolaan jirin, waxaana eegmada ku kala dharga indho waligood kala jeeday.

Si kooban is-dhex-galku waa gacaltooyada bulsho ka dhexeysa oo siyaadda, iyo kala firirsanaantii oo yaraata. Intaa ma isla oggolnahay? Waa tahay, waxaa liddi ku ah kala-fogaanshaha, oo ah in uu bulshada dareen kala dhex galo, ayna sii kala firirto. Sideedana waxaa laysugu yimaadaa luguna midoobaa hadafka oo midooba, ama taageerada oo hal dhinac jirta. Waxaa lagu kala tagaa afkaarta oo is diidda iyo taageerada oo kala duwanaata. Isku-imaadkaas iyo kala-taggaas, labadaba waxaa cirka ku sii shareera xamaasadda ay leedahay arrinta la isugu yimid ama lugu kala tagay. Kubbaddu waa wax xamaasad badan, haddii ay is dhex gal keeneyso wuxuu noqonayaa mid aad u awood badan, haddii ay kala tag keeneysana wuxuu noqonayaa mid isna aad u awood badan.

Dadku haddii uu awalba ku kala tagay hadafyada kala duwan oo is diiddan oo ay qolaba mid diiradda saartay, haddii ay ku kala irdhoobeen kala taageeridda rag tartan ka dhexeeyo, oo aan wax isu oggoleyn, isuna tanaasuleyn. Waxaa muhiim ah si uu is-dhex-gal rummaad u suurtoobo, in la yareeyo amaba la tirtiro kala-duwanaanta hadafka, iyo kala-duwanaanta taageeraha ee xad dhaafka ah. Waxaa boogta sii damqinaya dadkana sii kala firdhinaya in la kordhiyo abtirisyadii awal horeba lugu kala tagay! In daawo laga raadiyana, warkeedaba daa!

Kubbadda cagtu wexey sameysaa taageero aad u awood badan iyo yoolal yaa-nasiib ah oo naftii-hawirnimo ku jirto. Waxay sameysaa nacayb aad u xoog badan oo loo qaado kooxo dhan iyo wixii astaantooda sitaba. Wexey sameysaa jacayl dhiigga raaca oo gaara heer aad adigu isu mooddo qofka aad taageereyso. Waa heerkii jacaylkii falsafeysnaa oo uu abwaankii carbeed lahaa "Anta anaa, wa anaa anta" adiguna aniga baad tahay, aniguna adiga baan ahay. Labada saf ee kala taageerta labada koox ee isla dheeleysa, mid walbaahi wuxuu jecelyahay kan kale jabkiisa, mid walba waxaa u qorsheysan hadalkii cammirashada iyo digashada ahaa ee uu ku dhihi lahaa qoladaas kale haddii ay kooxdiisu badiso, mala oran karaa labadaas saf is dhex gal baa ka dhexeeya? Sidaas markey xaaladi joogto kubbadda-cagtu wexey soo kordhisay abtirsiinyo kale oo lugu kala duwanaado, taasoo kuwii horey loola daallaa dhacaayay ka sii daran, maadaama ay ka xamaasad badantahay, dareenkana ka dhaqaaji ogtahay.

Koobkii-adduunka ee ugu danbeeyay waxaa magaalada Dowxa ee dalka Qadar isugu yimid kummaan kun oo qof oo daafaha dunida ka kala yimid, waxaa la yiri: "kaalin mug leh buu ka qaadan doonaa, is-dhexgalka bulshada" haddaba ma laysu soo dhawaaday? Mase waa la kala fogaaday? Bal adba! La soco, waa dhacdo caalami ah, faa'iidada laga sugayana waa in ay caalami noqotaa. TS: is-dhexgalka laga damacsanyahay waa in uu caalami noqdo, shanta qaaradood dadka ku kala nool waa iney is dhex qaadaan, waa in ay isku soo dhawaadaan, haddii afrikaanta ama eeshiyaanku isku soo dhawaadaan xittaa_faanoole fari kama qodna, oo waa wax ka sokeeya yoolkii shiishka lugu qabtay. Taasi waa sidii ay eheed in ay wax u dhacaan! Maxaase barxadda yaallay? Habeen kasta waxaa diyaaradda ku huleelayay koox soo jabtay oo lugu cammirtay, lagana ilmeysiiyay, iyo kuwo kale oo xaflad dhiganaya, cabitaanada isku qassaya, sameecaddahana dheereysanaya! Inta ay ciyaartu socoto, waxaa kuraasta soo buuxinayay dad yoolkoodu uu yahay in laga ilmeysiiyo dadka ku fadhiya kuraasta (kuwooda) ka soo hor jeedda. Markii la kala huleelo, waxaa nasiib leh qofkii inta kooxdiisu badiso, haddana hela makaroofan TV ama idaacad cod dheer ay leedahay, si uu halkaas uga gudbiyo dhambaallo digasho xambaarsan. Wuxuu u dirayaa dadkii dunida dacalkeeda kale ka soo safray ee loogu tala galay in uu is-dhexgal la sammeeyo, halkaa ma lugu kala fogaaday mase?

Haddiise is-dhexgalka loogala jeedo in la is arko, dadyow kala duwan, midabbo kala duwan, dalal kala duwan, diimo kala duwan iyo dhaqamo kala duwanna la isku keeno_waa sida mahrajaannada iyo feystooyinka ee, haddaba kolkaas wexey noqoneysaa ciwaan-sameyntii borabagaandada ahayd ee korka ka qurxoonayd, hoosna faaruqa ka ahayd. Ma noqonayo ciwaanku mid xanbaarsan macnihiisa weyn, wuxuuse noqonayaa mid faaruq ah. Waana sida uu hadda yahay, waa is-dhexgal ah in la is ag fariisto, saqaf hoostiis la isugu yimaado. Kolba waa dhoolla-tus lugu muujinayo wax ay sameyn waayeen dadyowgii hore iyo xujo u taal dadyowga danbe, bal in taariikhda (maba dhicinee) ay dhici doonto in dunidoo dhan saqaf hoostii la isugu keeno! Waa wax fiican. Maxuu ciwaanku u noqan waayay dhoolla-tus taariikhi ah ama wax caynkaas oo kale ah? Mase sidiisa (is-dhex-gal) buu ku wacanyahayee, anigaa wax weyn sawirtay?

Ciyaaraha dalkeenna hadda ka socda wexey maalintii koobaadba salka la galeen haybihii (horraantii-ba) sida qarriban loo adeegsaday, ee la isku garaafeeyay, illaa haddana lala daallaa dhacaayay. Waxay ahayd iney sameyso is-dhexgal daaweeya dhaawacyadii hore ee kala dhantaalnaanta ka dhashay. Balse haddii ay noqotay kala fogaanshihii waddo loo sii maro, haddii ay noqotay cudurkii la lahaa halaga takhalluso sababo lugu soo nooleeyo, hadii ay nafaqeynayso qodobbadii doqonnimo ee ilbaxnimada iyo aqoonta yar ee la helay aawgood looga xishoonayay, sida faanka, is kala sarreysiinta, takoorista, iyo liidista IQK oo xunxun, haddaba waa in la is weydiiyo waxa kani ma is-dhex-gal baa mise waa kala-dhex-gal?

Nin baa ood qaadi waayay (miyaa la yiri?) Markaas buu yiri ood kale iigu dara, hadda Soomaali ma wexey leeyihiin abtirsiinyadii kala ceynka ahayd, ee aan isku leynay nuguma filna ee kuwa kale aan ku darsanno. Allow Alle! Ha socoto.

Sunday, December 24, 2023

Qalinow

Orod، Qalinow. Iska soco. Maanta fasax baad tahay. Waxaad rabtid qor. Ku celin maayo. Wax-dhan bay faruhu kuu talinaayeen, maanta adigaa u talinaya! Sidaad rabtid u nuux-nuuxi, wax-dhan bey sidey rabaan kuu nuux-nuuxiyeene. Erayadaa rabtid xulo. Fikirka kici. Dareenka dhaqaaji. Ma waan la gaarin xilligii aad isku filnaan lahayd? Waddada miyaadan garaneyn? Wuxu waa isla xarfihii, imisa sanaad qoreysay? Waa isla erayadii, imisa sanaad xarriiqeysay? Waa isla weerihii, imisa sanaad... Soo ma xasuusatid maalintii ugu horreysay ee aan wax kugu qoro? Maalintaas wiil baa u dhashay dariskeenna, ma xasuusantahay? Hadda wuu socod bartay. Maantaan arkay asagoo kaligiis socanaya. War hooge, adigu goormaad socod baraneysaa? U maleyn maayo inaad i dhageesaneysid. Inaad i maqleysid ankee u maleymaayo! Afkiisa caano ha lugu qabtee, abwaan hore baa yiri:

"Anuunbaa damqanayee dhaguhu_uma daloolaan"¹

◇◇◇

Heedhe Aadane, fudeyd badanidaa? Eebbe-weyne SW ogaal-weynaa! Marka uu leeyahay "Insaanku waa dag-dagsiinyo badanyahay"!² Heedhe Aadane, qaafilsanidaa? Ma waadan ogeyn adiga oo aan lugu uumin in aan erayada xarriiqi jiray? Abkowgaa (Aadan) ankee dhoobo ayuu ahaa waagaas. Ma wuusan Rasuulku NNKH kuu sheegin (been-na ma sheego e) "Eebbe-weyne wax uu uumo in aan ugu horreeyay? In lay amray inaan qoro wax-allaala waxa dhici doona tan iyo Qiyaame."³ Yaa faraha igu haayay waagaas? Heedhe Aadane, Alla maxaad sirantahay! Oo wax aan aniga ahayn miyaad wax ku baratay? Ma waan luguu sheegin waxyigii ugu horreeyay ee Suubanaha NNKH ku soo dagay? Ma waadan waligaa akhrin jallaad khamiisaad? Soo Eebbe SW iskuma tilmaamin "inuu qalinka wax idinku baray"!⁴ Heedhe Aadane, jaahilsanidaa? Waxa aan ka war hayo haddii aad ogaan lahayd, "kaligaa wax qor" ima aad dhahdeen! Faraha ayaad igu xijin leheed! Ma waadan ka baqeyn inaan kaa fashilo (shalay) wixii aad qarsatay? Ama inaan biri (mustaqbalka) kaaga sheego wax aan kuu fiicneyn? Ma waadan ka baqeyn inaan far-xumada kugu canaanto? Waad igu dishaye! Ama inaan hadal-xumada kugu caayo? Waad igu ceebeesaye, ama qaab-darrada aad ii qabaneysid inaan kuu qabsado? Waad i ceejisaye!

Heedhe Aadane, inaad is kala weyso baan ka baqayaaye, waan kuu mahad celin lahaa! Waxaan kaaga mahad celin lahaa fasaxa aad i siisay! Soo aniga kan erayada kuwa ugu xeel-dheer xulanaya? Soo aniga kan hadalka hoodeynaya ee hagaajinaya? Soo aniga kan sadarrada is dul ruxaya ee is-leex-leexinaya? Soo aniga kan (sida xun) ku(u) karbaashaya? Heedhe Aadane, anigu abaalka waan gudaa, kan aad ii gashayna aan iska gudee sadax talo iga qabo, "qeyrkaaga ha quursan" taa kow dheh, "Qudhaadu⁵ yeysan kula qab weynaan" taa-na labo dheh, "Qalin in uusan wax (kaa) qaadi karin ha u qabin" taasaana u danbeysa, waa talo aan cid kaa horreysa la siin, hadaad qaadato faa'iido baad qabtaa, hadaad dhabarka ka tuurtana khasaaro baad qabtaa. War heedhe, farta iga qurxi, inaan Eebbe quruxda kaa qaadin. Oo balaaqada baro, hadal waxaa u liita, kan balaaqada laga qaado e, marka aad wax igu qori rabtana xarigga ii dabci, in adna xarigga (nolosha) luguu dabciyo, hana i cuskan yaan waraaqadu jeexmine!

Allow yaa idin yiraahda, qalimaanta ha isku fasixina, aniga keygii siduu ii galay waad aragtiin, yeysan adinkana idinku dhicin, illeen doqon baa tiisa oo kaliya ku tusaala qaadata e.

_____________

1 Gabaygii ~Dugsi maleh~ Suldaan Tima-cadde.

2 aayadda 11aad ee suurada 17aad (Subxaan/Israa)

3 Abuu Daa'uud 4700, Tirmidi 2155/3319.

4 aayada 4aad ee suurada 96aad (Iqra'/Al-calaq)

5 Qudhaada/naftaada.

Friday, December 22, 2023

Kaafir ha u moodin!

Qahwa kulul kafey iyo haddaan - koob ka rido shaaha
Ama kalax intaan heensadow - kasha i soo taabto
Kable iyo haddaan orod galoon - kicitinkii boodo
Korashada waxaad iga sugtaan - waa kalmadihiiye
Kaaf iyo xarfaha qaashahaan - soo kilkilayaaye
Maantaan kaliileynayaa - kararna soo dayn e
Dhaaxaa karkabo lay dilaye - waatan iga koobsha.
***
Kalgaceyl hadduu ruuxa helo - wuu karkariyaaye
Waxa uu ka qaadaa kaskiyo - koontaroolkaba e
Waa lagu kahdaayoo xigtadu - wey ku kallifaane
Kol hadduu "ka joog" tii ka dido - oo la kari waayo
Kabsadkii sidiis buu ummada - kali ka taagaayee,
Kob xun oo la caayuu dhigaa - ama kabruurshaaye,
Isaguna kurtood buu sidii - bahal ka keygaaye.
***
Korka baad ka garataa tabtiyo - kefyka uu yahaye,
Kurbo buu la dhuubtaa, dubkuna - weysku soo kogiye
Kalyahaa is aadoysku dhaga - axadki kuusnaaye
Wajigaa kaduutoo, indhaha - baa karaahsada e
Dhabannada kannaalaad u qabi - ilin-karaarkiiye
Wadnahaad kableyntii u qabi - kaban garaaciis e
Uurkaa karsamayaad u qabi - dheri kuleylkiis e
***
Kololo'a, intuu xiijiyow - sowdku kaddibaaye
Kadabkiis illaa uu jarana - waysku kabayaaye
Marka aan kabiireynayoon - waana ku kabiixi
Isagaa kadeedane, maxaan - u kordhiyaa buuqa?
***
Adna Aw-kitaab-gaabnlow, - waad kadsoontahaye
Sidi kii kalaamkii la yiri - gabal ku kaaftoomay
"Kadin geela sakadiisa (yiri) - kutubtu mey sheegin"
Ee aanan casharkii kammilin, - baad kas-beel tahaye
Ninku xaalad kale weeye ee - kaafir ha u moodin.
***
Qof hadduu kibbaartow salaad - Eebbe kula koodo
Qibladuu katiifadda u jari, - waa kabcada weyne.
Haddu(u) koonfur qaabilay isagu - waa ku kaligiis e
Kalakaanka uuguma wacana - kalimad Sheydaane
Magnad baa ku haya "kaalay" ee - kaafir ha u moodin.
***
Nin tukada kolley faatixada - kari ma waayeene
Kulligeen intaan wada saxnaan - kama' ka dhowrnaaye
Isagaba korkaa laga baroo - wuu kalwinayaaye
Mar-mar buuse ku kabaa wax kale - sida "kafeeyaay" e
Wuxu kas iyo maag kama ehee - kaafir ha u moodin.
***
Rabbi baa Kabiiroo hortiis - lays ku kojiyaaye
Kaligiisa qurah buu jilbaha - koonku u dhigaaye
Kurka buu u laabaa nin raba - kaalmo iyo kheyre
Isna ruux-kab buu doonayaa - amaba laab-kaabe
Kabeheeda haddiyuu dhunkado - kaafir ha u moodin.
***
Kontonleyda qaar baa ku jira - Eebbe kaammilaye
Kun-ka-roonayaal baa jiriyo - kubaro waaweyne
Meekhaan korey leeyihiin - iyo karaamaade
Kanna tiisa baa loo tusiyay - kaabbaha haweene
Nambar koow hadii uu ka dhigo - kaafir ha u moodin.

Thursday, December 14, 2023

Rag is helay!


Waxaan ku wada fadhinnaa dhowr nin, maqaaxida baan isku ballansannay, waan wada shaaheyneynaa, fadhigeennaas waxaa loo yaqaannaa Fadhi-ku-dirir, annaguse waxaan u naqaannaa dood-cilmiyeed, aqoon-is-weydaarsi iyo kala-war-qaadasho.

- kani waa aqoonyahan cilmiga daadiyay, waa faylasuuf bunka iyo buugaagta jecel, (waa sida uu bio-ga ku qorataye) waa mufakir fiidkii waqtigiisa xiddigaha la qaata, weheshadana qalinka iyo buugga. Da'diisu soddonkii ma gaarin, balse ma jirto wax waayo-aragnimo ah oo uu duqowda uga fadhiyo, (ameyba isaga uga baahanyihiin). Wadaad ma aha, balse ma jirto masalo uu wadaaddada uga baahanyahay, isagaaba ka yaqaana sida ay ku habbooneyd in kitaabada loo akhriyo! Dhakhtar ma aha, balse uma ow heysto iney dhaqaatiirtu ka maarmaan talooyinkiisa caafimaadka ku saabsan. Qodob kasta fikrad buu ka haystaa, kii Xal ahaayoo dhani, waa iska cantoobo sacabkiisa ku dhex jirta! Haddeyba jiraan wax la dhaho Junuunul-cadamah, isaguna waa tusaaleheediiyoo meesha taagan!

- kani waa macallin. Bareefadyada ayuu ingiriiska ka dhigaa. Wuxuu wataa ookiyaale. Asagoo toosan buu hadba is toosinayaa. Wuxuu dacwo ka yahay accent-iga/lahjadda Soomaalidu ay leeyihiin marka ay Ingiriiska ku hadlayaan, wuxuu ula baxay lahjadda maamooyinka. Isaga lahjaddiisu waa tii Mareykanka oo aan biyo is marin. Dhibka aan ku qabno waa in hadalkiisa 75% uu yahay Ingiriis, "students-kaan oo aan language-ka baro waa very weird, nimanyohow. I don't like them wallaahi, discipline dhan ma lahan, if aan soo fiiriyo waa silent, but, once I start writing meesha dhan noise aa is qabsanaayo! Sometimes ayagoo i bullying gareenaayo aa arkaa! Can you believe it guys? Crazy waaye wallaahi" sidaas iyo si ka daran aa loo hadlaa, ragga qaar Google translate ee isticmaalaan si ay warkiisa u fahmaan!

- kani waa Abwaan_ka dagaallama in magaciisa iyo abwaan-nimada la kala reebo. Abwaan hebel baa baraha-bulshada ugu qoran. Danbiga ugu weyn ee aan ka galnay waa cammiraadda. Maansadu saddax bilood bey ku qaadataa, wexeyna soo baxdaa iyadoo deel-qaafyo badan oo beyd walbaaba uu bad gaar ah ku socdo. Waa kalsoonidii oo qof ah. Timaha ayuu deystaa. Markaad weydiiso abwaanka uu taageero amaba role-modelkiisa wuxuu ku leeyahay: "Abwaan Hadraawi dee, yaa kale!" Mar aan wax ka weydiiyay maansooyinkii abwaan Hadraawi wuxuu igu yiri "waa lay soo wacay oo taleefankaa dhacaya ee aan kuu soo laabto" mindhaa codka baa ka xirnaayee, anigu taleefan dhacaya maba maqlin, isagiina iima soo laaban, anna nin ragga fahmaya baan ahaye dib danbe su'aashaas uma weydiin.

- kani waa falanqeeye-siyaasadeed. Waa ninka ka danbeeya in isu-imaadkeena lugu magacaabo fadhi-ku-dirir. Isagaa inoo keena mowduucyada, annaguna si cilmi ah baan uga doodnaa hahaha! Wuxuu caan ku yahay dhagaha/airphones-ka uu had iyo jeer wato. BBC, VOA, Kulmiye, Shabeelle iyo adigu iska wad! Ma jirto idaacad dhaafta. Talfanshinnada iyo kannaalada Yuutuubka baa u sii dheer. Kuuriyada, Yukreyn, Falastiin iyo bariga dhexe ceesaan ku dhimatay ee uusan ka warhayn ma jirto, arrimaha waddanka warkoodaba daa! Waa macalin aad is leedahay siyaasiyiintoo dhan baa u baahan iney wax ka faa'iidaan. Wuxuu ku leeyahay: "Madaxweynaha hal mid baa ka qaldan, haddii uu hebel baddali lahaa, hebelna la saaxiibi lahaa, meel heblana uu ciidamo u diri lahaa, meeshaas kalana uu ciidanka ka soo saari lahaa, wax badan baa is baddali lahaa," waxaad is leedahay: "Alla maa lataliyaha madaxweynaha loo doorto, xaalku ha hagaage".

- kani waa food dheere ciyaal-siiyo ah. Surweelku jilbaha waa ka jeex-jeexanyahay. Hadba wuxuu yiraahdaa: "asxaawey, ani ciyaalka xaafadda lee iska ahayee, ma iga bootisiinoo?" Wuxuu baac dheer ku leeyahay ciyaaraha. Waa tababare aan koox heysan. Wuxuu kuu tirinayaa sababaha looga adkaaday kooxdii shalay laga badiyay. Wuxuu ku leeyahay "afar afar labo haddey ku soo gali lahaayeen, lagama badi leheen, laacib hebel oo ey binji ku cuneen haddey soo safi lahaayeenna, weyba ka sii fiicnaa leheed!" Bilaawga hore ee fadhigeenna mowduuciisa ayaa lugu furfuraa. Isagaa markaas sheekada garwadeen ka ah, oo hadalkiisa ayaa lugu kala haraa. Laakiin markii mowduuc kale la galo, hadba qofka ag fadhiya buu hoos ka qanjaruuftaa, kuna dhahaa "waxaas maxaa laga wadaa-neh? Iga daba gee bo"

- kani waa ninka aan ugu wacno xildhibaanka, waa galgal badanyahay, waa ninka howlaha fududeeya, macrifada ayaa loo barakeeyay, ganacsade, oday-dhaqameed, guddoomiye, taliye, xog-haye iyo xattaa wasiir iyo xildhibaan wuu yaqaan! Nambaro badan buu hayaa, wuxuu ku leeyahay "fiiri nambarkaan yaa leh ma taqaan? Wasiirka arimaha guurka iyo doobnimo-la-dirirka aa iska leh. Haddaa luguu kala tuuraa! Kanna ma taqaan? Waa Taliye Laqaaye, waa milkiilaha magaalada!" Boola-xoofto waa la dhameeyay. Wax aan suud ama futashaari eheen kuma labbisto. Waa akhyaar, illaa aad is qabataan, wili ismaanan qaban. Balse waxaa la sheegaa qofka ay is qabtaan inuu magaalada bandaw ka saaro ama inuu xabsi dhigo. Wuxuu jecelyahay inuu hadalka soo xigto, oo wey yartahay hadal uu asagu sheegay inuu meesha la yimaado, wuxuu ku leeyahay "Reesilwasaaraha habeen dhaweeto anoo la hadlaayo buu igu yiri: sidaas iyo sidaas! Maalin dhexdaasa mar aan sanatar hebel wada sheekeesaneynay buu waxaas iyo waxaas ii sheegay!" Annaguna waan ka koobinnaa!

- kanina waa ninka aad is leedahay waa noogu odaysanyahay. Ugaaska baan ugu wacnaa. Wuxuu ka ag dhawyahay odayo-dhaqameedka. Waa ninka inoo maah-maaha oo hadba nugu yiraahda "waagii hore sidaa iyo sidaa baa jiri jirtay"! Waaya-aragnimo buu nugu baacsadaa, "shalay baa dhalateen" buu kaw nooga siiyay. Waxaan ku tuhunnaa qabyaalad, wuxuuse ku doodaa in uu runta (oo aan la dadin) sheegayo, innagana ay runtu na dhibeyso. Hadduu yiraahdo "anaka" inteenna meesha fadhisa kama wado, ee reerkiisa buu ka wadaa! Dhanka kale waa dukaanle reer leh. Wuxuu si dareen leh u falanqeeyaa barnaamijyada qoysaska iyo kuwa ganacsiga. Aad annaga oo aan u fahmeyn buu ka hadlaa sicirbarar iyo sicirjab hadba midkii suuqa ka jira. Dhankaas wuu ka hor-marsanyahayoo illaa bitcoin iyo bangiyada caalamiga ah buu la socdaa, caruurta iyo sidaysan u sahlaneyn barbaarintooda wax buu nooga sheegaa talooyinna waa nugu biiriyaa "wey idinku soo socotaa" buu na dhahaa!

- anaa kuu soo harayee, shuqul-kulli baa (si faduul ah) laygu yeeraa, illeen qofna uma daayo mowduuciisee. Ninba tiisa baan ku qabsadaa! Wadaadkana wey i yiraahdaan. Hadba masaladii sheekada ka soo baxda "diintu mexey ka qabtaa?" bey igula soo jeestaan. Show mufti bey ii heestaan! Soomaalida ninkii qamiis wataba waa u mufti! "Salaadda naga bixi, faatixada soo mar" howlahaas baa la ii diraa, ehelu-kheyrnimo bey kolba igu tuhmeen! Waase anigaas raggii ila shaahayay ceebohooda indhaha la helay, teydiina ka indha la'! Taas ayaana ninka ragga ah doqonnimo ugu filan! Shuqul-kullinimaduna waa ceeb kale (aragtideyda) qofku waa inuu meel ku roonaadaa, waana inuu noqdaa qof meeshaas wax laga weydiiyo, ee hadii uu hadba meel haabto, wexey u badantahay inuu ku ceeboobo. Waxaana lagu suntaa garaaddo aan caqligalba eheen sida Shaykhul-kulli. Waa garaaddo qudhooduba ay dhalleecooyin yihiin. Waayo macnohooduba waa "meel aadan gaari karin baad laacday, balse waan kugu qaadanay, ee horey u soco!".

Friday, December 8, 2023

Hibo



Waa galab Jimce ah, waa casir dheer, waxaan horfadhiyaa xeebta, jawigu waa qabow, cirka caad baa isku hor jaray, intaa kuma eka, ee dhulkiina ceeryaamo baa qarisay, xeebtu aad iigama foga, haddana hirarka hugunkooda oo kaliya baan maqlayaa mooyee iyadu iima muuqato, wax baa iiga aaddan. Waxaad mooddaa in aan daruur ku dhex jiro, qofka soo socda markuu 10 tillaabo kuu soo jirsado ka hor arki maysid!


Jawigu waa ila qurxoonyahay. Waa xilligii iyo xaaladdii ugu wacnayd ee meeshaan oo kale waqti lugu qaadan lahaa. Cabbaar ka dib ceeryaamadii baa dib  u sikatay, xeebtii baa soo muuqatay, awal maqal kaliya bey ahayd, hadda se waa maqal iyo muuqaal. Quruxdii baa laba jibbaarantay.


Wax baa igu leh "galabta waa in aad maansootaa". Waa dareen xoog leh oo maskaxda ka shaqeysiinaya, afkana nuuxnuuxinaya. Hadba waxaan is arkaa anigoo god ka mid ah godadka maansada laxameynaya oo la nuunuuleynaya!
Wax baan rabaa inaan tiriyo, waan gartay! Laakiin maxey yihiin? Maxaan ka tiriniyaa? Maan garan!
Deeto waxaan is iri: waa howl aadan adigu wadan, qorshahaagana ahayn, ee xarigga u sii daa, ka dibna bal arag halka ay ka dhacdo.
Maansadani halkaas bey ka curatay. Maadaama aan maansoonayo balse aanan garaneyn waxa aan ka maasoonayo, haddaba waa in aan isla maansada warsado oo aan weydiiyo: bal ujeeddadaadu maxay tahay? Maxaad daarrantahay? Ma ammaan dumar baa? Ma xiiso duqoobay baa? Ma rag jabkii baa? Ma farxad guul baa? Mase jawigaan quruxda badan ayaa ku wata? Bal maxaad ku saabsantahay? Haddaba:

Ha'yeyehey i soo heysa
Hammigeyga maageysa
Maankeyga hiifeysa
Beerykeyga hurineysa
Oogada hagoogeysa
Jiririco hubsiineysa
Dhididkana i hooreysa
Hinqashada is buureysa
Is hareera boodeysa
Dibaddana u haadeysa
Afka 'haabo' oraneysa
Hanqalkana u taageysa,
***
Haf maxaa ku siinaaya?
Hal-haleel ku tuuraaya?
Niman 'how' ku oraneynin
Ku dheh 'Hooddi' keenaaya?
Ado uurka hoos yaalla
Hadal kuugu sarrifaaya?
Sida haadda duuleysa
Hawadaa ku marinaaya?
Sida miraha hoobaanta
Hoballada meceynaaya?
Sida sagal hilaacaaya (iyo)
Hogol kuu ekeynaaya?
Howraarta dahabkeeda
Iyo heeso curinaaya?
***
Ma haweenka dabinkooda
Ma hawiyo Kal-gacalkooda
Ma hadalla-jileecooda
Dhabannada hillaacooda
Laafyaha hagaaggooda
Simihiyo halaaggooda
Dhaayaha halgaaddooda
Liishaan-la-helistooda
Iyo halista shiishkooda
Meel-hoose-gaarkooda
Iyo laab-haleelkooda
(Nin la helay gartiisiiye)
Harjadkiyo tolla'yaydii
Iyo Hoogay'dii weeye?
***
Mise waa hilow raagay
Halka hoose lugu aasay
Oo waayo lagu haayay
O haruubka loo daayay
Oo huurka ku nagaaday
Hahda iyo karkuba baaray
Inta heedhe qaan-gaaray
Uurkana ku hana-qaaday
Sida halaq mariid gaaxday
Huqyo ciil la buurnaaday?
Sida haan afkaa joogta
Haaraanku buux-dhaafay?
Marku guduhu heyn waayay
Nafis aan la hurin weeye?
***
Mise ragga nin hiil waayay
Hanad uu waqtigu ciilay
Nin axwaali howleesay
Noloshuna hintaaqeysay
Qaddartuna hungeysiisay
Halgankii ku kaliyoobay
Hardankiina kari waayay,
Ciilkii harqeynaayay
Murugtii hareyneesay
Hammigii daboolaayay
Maskaxdii hadaaqeysay
Waayaha habaareysay
Haddimeynta gocaneysay
Isla-hadal intey gaarin
Hooyaaladiis weeye?
***
Mase waa nin hodanoobay
Inta heerar sare laacay
Hanka uu lahaa gaaray
Hadfkiina soo taabtay
Oo guullo soo hooyay,
Nin hayaanka noloshiisa
(Waxaw har iyo hoy seego
Hakashiyo nasasho diido)
Barrin uu habsaday roobku
Dooggana hagoogsiiyay
Ku hubsaday degaankiisa?
Farxad ruux la heyhaabay
Jidbadiina hanan waayay
Wuu hoodo dheelaaye
Heelliyo ciyaar weeye?

Waxa keenay howraarta
Iyo qodobka heestiisa
Nin haleeli kari waayay
Misna helaya suugaanta
Wilibana habeynaaya
Hilinkeeda marinaaya
Hibo buu u heystaaye
Dhaxal weeye iyo heyb e.
Hal-abuurku suugaanta
Kama haabto meel dheere
Laabteyba huruddaaye
Hadba wey hinqeysaaye
Waxa aan u heyb-heybin
Waa leygu habay show'e
Harowsiyo ma aha faane
Adba arag hannaankeeda!
***
Halna wayska tuhunkeyga
On hubaal u badinaayo,
Jawigoo habboonaaday
Hawadoo macaanaatay
Cirka oo hagoog qaatay,
Arladana hulaabsiiyay
Ceeryaammo sida howdka
Higilkaaga qarineysa
Ama aad habaas mooddo.
Hor-fariisigii xeebta
Hiyiguba ma seegeenoo
Ha'du kama habaawdeene
Marka ay hadada tuurtay
Oo caawgu ka huleelay
Baa leygu soo hoobtay!
***
Haashaarka muuqeeda
Aad dumar hiddo leh mooddo
Dusha heybaddaas saaran
Aad hoggaamiyaha mooddo
Hirarkaa is daba joogood
Colka haayirka ah mooddo
Kaban hoobal tumanaayo
Hugunkooda aad mooddo
Handadkiyo af-kala-qaadka
Bahal horor ah aad mooddo
Marna hebadsanaanteeda
Aad horin idaad mooddo
Ashqaraar la hogadkeyga
(Ano hirasho doonaayay)
Ma hilmaamay arinkeygi?
Cabashadi miyey haadday?
Heeryadi miyaan xooray?
◇◇◇

Cawaan bahalowday

Nabaddu waa shey muqaddas ah. Waa baahi uu uunku la sameysmo. Lagama maarmaan ayay u tahay jiritaanka naflaha. Dhanka kale, colaaddu waa she...