Wednesday, October 11, 2023

Qabka Aqoonta.


Aqoontu waa sifo-sharafeed la kasbado sida la wada ogsoonyahay. (Qaarkeedu se waa hibo). Wax walbana lidkooda baa lugu gartaaye, jahli ama aqoon-darro baa ka soo hor jeedda. Lama kasbado oo waa lugu dhashaa, dib baad aqoon ka kasban oo waad ka bixi, ama mugdigiisa baad waad isaga jiri. Labadooda dadku wexey u badanyihiin jahliga, oo taariikhda lama hayo xilli aqoonyahanku uu ka tiro badnaa jaahilka. Isaga ayaana u muuqsa in uu asal yahay, maadaama lugu dhasho. Anigase wexey ila tahay aqoontu in ay asal tahay, maadaama jahligu uu yahay (kaliya) aqoontii oo meesha ka maqan. Waxaana leeyahay: "Jahligu Cilmiga kama bateen ee dad weynaha baa u hiilliyay" iyagaa sifadaa ku tilmaannaaday badankoodu. Sifada kalana ka gaabiyay.

Intaasi hor dhac ha iga ahaatee, waxaad arkeysaa dadka aqoonta leh oo hadba qab la bururaya illaa heer aad islaweyni ku tuhunto. Qaar baad is leedahay markey dadka la hadalaayaan "tolow dhagxaan miyey u qabaan iney la hadlayaan?" Wexey sheeganayaan darajadooda cilmiyeed iyagoo ku barbar sheegaya darajada jahliga ee dadka kale la dagtay. Qaar baan muranka xammili karin! Waxaas oo idil waa qabka aqoonta. Qaarkiisu waa cudur, qaarna caafimaad ayaaba ku jira.

Waxaa keeni kara in aqoonta qab lagu kabo sababo ay ka mid tahay in ay dadka aqoonta yari xadkooda hadba soo dhaafayaan oo ay ka hadlayaan wax aysan waxba ka garaneyn, taasna waxaa meel ka dhac u arka ninka baabkaas yaqaanna, oo xeradiisa buu xoolaha ka ceshanayaa, waxaa kaloo sababi kara in darajada cilmiyeed lugu heesto oo uu tartan ku jiro, ka dibna uu xalka ka dayo inuu qab ku riixo qolada la tartameysa. Tan iyo waxa la midka ahi ma aha (ayaa la dhihi karaa) Qab-cilmiyeed barax-la', bal e waxaa meesha soo gashay qaddiyad nafsi ah.

Eebbe-weyne SW oo aqoonta dhaniba ay tahay sifo ka mid ah sifooyinkiisa, ahna Axadka kaliyah ee yaqaanna waxa dhacay, waxaan dhicin, waxa dhici doona, waxaan dhici doonin iyo wax aan dhici karinba, Eebaha og habeenka gudcurka ah dhagaxa dhuxusha u eg inta quraanyo madow ee ku dhex nool, xog-ogaalka kaliya ee u soo joogay dhacda kasta oo taariikhda soo martay, ahna axadka kaliya ee cillanaadka ka warqaba baa kitaabkiisa Quraanka ah kula hadlay Aadanaha_mid wax yaqaanna iyo mid aan wax aqoon intaba. Waxaad arkeysaa had iyo jeer inuu dareensiinayo ineysan aqoon meesha ku heyn oo ay dhanka Jahliga u badanyihiin, kuwii aqoonta wax ka heystay markuu la hadlayay waatuu ku yiri: "Wax yar uun baa cilmiga la idinka siiyay" (Al-israa 85).

Waxaase Eebbe-weyne SW u gaar ah oon lala lahayn sifada Kibriyaha/الكبرياء. Isagu SW maadama heerkiisu uu kibir kasta ka weynyahay, cid kasta oo ka soo hartayna heerkoodu meel ay ka kibraan uusan gaari karin, buu Kibiriyaha gaar u lahaaday.

Haddaba ma taas baa keentay Qabka aqoonta Quraanka ku sugan? (oo waa mid Eebbuhu gaar u leeyahay?) Mase waa waddo uu Eebuhu SW u jeexay uunkiisa, si kuwa aan wax aqoon aysan isula simin kuwa wax yaqaanna, illeen ma gaaraane, iyaguna (waa aqoonyahannada e) ay u dareemaan sharafta ay gaar u sitaan iyo maqaamkooda?.


Eebbe SW wuxuu yiri: "(dadka) ku dheh: ma simanyihiin kuwa wax yaqaanna iyo kuwa aan wax aqoon?" (Al-zumar 9). Jawaabtu wey caddahayoo waa maya. Aayad kale wuxuu ku yir SW "kuwa cilmiga leh darajooyin buu Ilaahey kor u qaadayaa" (Al-mujaadalah 11) Suubanuhu CSW wuxuu dhahay "kan wax yaqaanna fadliga uu dheeryahay kan aan wax aqoonin ee iska cibaadeysta, wuxuu la mid yahay fadliga aan dheerahay kan idinkugu hooseeya." (Tirmidi baa soo saaraya) Haddaba Eebbe iyo rasuulkiisu iyagaa kor usii qaaday maqaamka aqoonyahanka, oo uga hiilyay jaahilka isku taagaya. Balse inuu isagu (aqoonyahanku) qabkiisa banaanka soo dhigto, kuna xarragoodo awoodda aqooneed ee uu heesto, waa arrin kale, oo in fadliga luguu aqoonsado iyo inta ku maahmaahdid "afkaaga ammaani kaagama horeyso" inaad adigu sheegatid labo ayey kala tahay.


Waqtiga aan joogno oo kale, ee magacii aqoonta la bililiqeystay, oo mooryaanta cilmigu ay bateen, iyaga oo aan koob ka heysanna ay wada sheegteen in ay ka dharagsanyihiin, nin walbana wax uusan aqoon uu ka hadlay. Harqaanlihii haddii uu sharraxayo sida dhaawaca loo tolo, kii geela dhaqan jirayna uu sharaxayo sida beeraha loo fasho, ugaarsatadii duurkana ay sheegeyso sida kalluunka loo dabo, tumaalkiina uu sheegayo sida guryaha loo dhiso, (intaasaaba kuu roone) ayaga dhani Fiqhigii diinta masaa'ishiisii hoose haddii ay wada iftoonayaan, aayadihii iyo axaadiistii (iyagoon habeenna u dhafrin) haddii ay axkaamta ka soo dhex saarayaan.

Haddaba aniga wexey ila tahay: iney waajib tahay qofkii cilmi leh inuu qab la bururo, uuna caddeeyo heerka ay aqoon ka joogaan kuwa gacan-togaaleysanaya cilmi aysan wax nasiib ah ka heysan, sidoo kalena uu caddeysto heerka uu isagu joogo, isagoo ay ka tahay (sida Eebbe-Weyne SW dhahay) "Rabigaaga nicmadiisa ka sheekeey" (Adduxaa 11) wiliba isaga oo aysan ugu baxaynin, balse u arka in uu ku qasbanyahay_si uu u guto amaanadiisa cilmiyeed.

Thursday, September 28, 2023

Qorraxdii Koonka


Wardoonkii waayaha maray baan is warsanay, waxaan weydiiyay: "intaad sooyaal iyo maalmo dhex taagnayd, halkee bey akhbaartu ugu xiiso badnayd sheekaduna ugu cajiibsanayd?"

Waa nin war haya ee wuxuu ii sheegay inuu ku hakaday qarni ay hadda inaga xigto 14 qarni. Nafiska iyo nasiinada inuu halkaas ku dheereystay_si uu ugu indha yaryareesto cajaa'ibtii markaas ka socotay Jasiiradda Carbeed. Ratigii gaduudnaa ee laafyaha iyo dhuuntaba isku si' uga xarragoonayay ee uu dusha ka saarnaa buu ka dul jaleecday sheekada meesha ka socota ee durdurinta iyo soo-koobistu aysan ka haqab tiri karin, illeen waa sheeko markii iyadoo kale la daawanayo ilbiriqsiga layska ilaaliyo e. Haddey xoogaa sii socatayna inuu ratiga furo ayuuba go'aansaday si uu nagaadi uga bogto akhbaarta iyo qisooyinkaba.

Anna shaah baan u shubay oo (sheekana fadhi baa looga kala bogtaayee) ganbar baan u dhigay, "ii wad waa sheekadii aan rabayee" baan ku iri.

Diimihii la dhallaan rogay heerka ay marayeen buu iiga bilaaway, quwadihii dunida heestay buu ii dul maray, halka ay carabtu barigaa quwadaha dunida ka joogeen buu ii kala dhigdhigay, boqortooyadii ugu danbeesay ee madax banaaneed oo ey Carabi leheed (waatii Yamane) in ay Xabashi qabsatay buu sawir-bixintii guud ku soo idleeyay.

(Hore baan u ogaa in Ciraaq iyo intii xigta ay Faaris (Persians) gacanta ugu jirtay, shaam iyo intii xigtana ay Ruum gacanta ugu jirtay! Inta jasiiradda daganna ay kuwaa la haysto ka danbeeyeen, oo Acraab (reer baadiye) uun loo yaqaanay!)

Hal iyo labo tusaale-xigmadeed isagoo ku tuuranaya buu yiri "Illeen habeenku markuu ugu gudcur badanyahay baa waagu dillaaacaayoo, dhiftintuna markey ugu dhuunjisantahay bey furantaayee, halkaa markey mareyso baa dhulkaa Xijaas ee reer Mudar dagaan waagii ka soo dillaacay."

Afkey iga saar-saarantahay su'aashuye, "waa maxay waaga u dillaacay?" baan ku iri, Suu yiri: "bal adiguba qiyaas hal qarni gudihiis sida ay ugu midoobeen dadkii kala daadsanaa, hal hogaanna ugu daba fayleen, awoodihii dunida heystayna ay uga sara mareen, Yaman, Ciraaq, Shaam, Cummaan iyo Baxreynna Masar ay ugu darsadeen, boqortooyadii Faaris (Persian) oo safka hore awoodaha aduunka uga jirtayna, ay u tirtireen! Ruumna caasimadoodii weyneed ee Qustantiiniyya (Constantinople) ay albaabka uga istaageen!?"

Halkaa markuu marayo baan joojiyayoon ku iri: "war wexey heleen waaberi ka weyn ee mexey heleen!?"

Markaasuu neefta dheereestay oo inta "hhaaahhh" ku soo jaray, salkana ka ruqaansaday, darbiguu ku sintaacayna ka soo toosay, yiri: "waa runtaa! Waabarina ka xagga, ee bal aan kaaga sheekeeyo qorraxdii koonka u soo baxday waagaas_ee Xijaas ka soo muuqatay, illaa iyo haddana iftiimeysa!"

***

"Waqtigu waa saqdanbe. Waa habeen Isniin ah. Qolaba si bey iigu sheegtay habeenkaa bishu intey eheed. (sabankana musaafir baan ku ahaye) Waa bilma? Hadii aan weydiiyay waxaa loo batay Rabiicul'awal (Mawliid) iney tahay. Sanadka baa laysku raacayee, waa sanadkii Xabashidu Kacbada ku soo duushay wili raqdoodii baa (halkii ay ku le'deen) haaddu ku dagtaa! Ku dhawaad laba bil baa laga joogaa markii haaddu duqeysay! Magaaldu waa hooyada magaalooyinka (Umul-quraa) waa Maka. Xaafaddu waa Badxaa, wexey daris dhaw la tahay beydka Alle (Kacbada), waa barxadda biyaha buuraha ka soo gadooma ay isugu soo ururaan. Guri halkaa ku yaalla baa waxaa ku dhashay NABI MUXAMMAD CSW. Wuxuu ka dhashay fiinta ugu sarreysa nasabka carbeed, silsilad qoolimaha ku xiraneysa Nabi Ismaaciil iyo Nabi Ibraahiim kana wada kooban maqaawiir madal hadii laysugu yimaado loo wada kaco markey soo istaagaan!"

"Soo kuma soo gaarin (buu igu yiri) hadalkiisii ahaa: "Waxaan ahay door kasii door kasii door" ? "Xadiiskii baa qalaw igu soo yiriyoo "haa" baan ku iri wuxuu yiri: "waa xaq, baadil laga dhowray" madaxaan u ruxay. Waayihiisii buu iiga sheekeeyay, wuu ii faahfaahiyay, waana ka koobiyay, siduu ii sheegay bey noqatay oo waa sheeko aadan ka xiisan beeleyn.

Khulaasadu wexey eheed inuu ku soo barbaaray dhowrsanaan iyo dhaqan-wacnaan ay la cajabeen bulshadii uu ku soo dhex koray, sababtayna qofkii arka inuu iska jeclaado, wuxuu ka dhex yeeshay summado sharafeed, sida in loogu waco Aamin (Al-amiin), xumaha baa lugu kari waayay, samahana waa laga hayn waayay.

***

Afartan gu' maalinkii ay u idlaadeen baa xaqii u yimid, oo Ilaahey u doortay inuu hago uuna hagaajiyo ummaddaan halleysan. Inuu addoomada baro sayidkooda. Inuu uunka baro uumohooda. Inuu u akhriyo waxyiga Ilaahey ku soo dajiyay. (Wey lunsanaayeene) inuu hanuuninayo. Markuu farriintaa gudbiyay baa madaxdii reerkiisu la dirireen, jacayl ka dibna waa ay neceen. Waxaase raacay qaar bulshada ka mid ah oo dhallinyaro u badan oo ku qancay inuu xaq sheegayo.

Magaaladiisu markey soo dhaweyn weysay wuxuu garab ka doontay magaalooyinka kale. Iyagana soo dhaweyn kalama uu kulmin. Ugu danbeyn, waxaa nasiib u helay gargaarkiisa labo reer oo ilma adeerro ah oo isla dagi jiray magaalada markaa loo aqoon jiray Yasrib (Madiino) waxaa la kala yiraa labadaa reer: Aws iyo Khasraj. Wexey wacad kula galeen hub iyo hanti wexey heli karaan iney ku garab istaagaan, oo aysan ka hagranin. 13 sano oo uu reerkiisa u sheegayay xaqa, ayna maqli diideen (wiliba ay isku dayeen iney dilaan) ka dib, wuxuu u guuray Yasrib oo uu dagay, saldhigna u noqotay. Magaaladaas waxaa illaa hadda loo yaqaan Magaaladii Rasuulka (مدينة رسول الله). Dagaalo baa dhex maray isaga iyo reerkii uu ka soo guuray (Qureysh). Labada dhinac marba dhinac baa ku itaal roonaa, ugu danbeynna wuu ka adkaaday, weyna raaceen. Ka dibna waxaa wafdi-wafdi ugu soo qulqulay carabtii kale oo badankooda diintiisa soo raaceen. Sidaas ayuuna Ilaahey uga dhigay qorraxdii u soo baxday ee ka soo saartay mugdiyaashii kala la-qoqobnaanta, is naceybka, qoryo-caabudka iyo dib-u-socodkaba.

Waxaa halgankii diineed halkaa ka sii waday Saaxiibadii isaga wax ka bartay, oo ummadda u sii gudbiyay fariintiisa, iyaga ayaana ka adkaaday dowladihii ugu itaalka roonaa dunida xilligaas. Waxaa intaas ka darneyd qoladii caanka ku noqotay iney yihiin dad (Ummiyiin ah oo) aanan wax qorin waxna aqrin, (waa carabe) in ay isla muddadaas ku noqdeen hoggaanka aqoonta. Wexeyba ku sigteen in laga waayo wiil aan wax qori aqoon ama aan wax aqri aqoon!

Saasey tahayna maaheyn farriintiisu mid ku gaar iyaga oo kaliya, balse wuxuu farriinta u siday dhammaan caalam-weynaha, gaar ahaan aadanaha_qoon kasta oo ay yihiin. Wexey farriintiisu ahayd "xaqqa ku midooba, baadilkana u midooba." Cid sidey tahay u qaadata farriintiisa, oo aanan liibaanin lama sheegin baa la oran karaa.

***

Saaxiibkii aan warsanayay mar aan weydiiyay farriinta uu siday Nabi Muxammad CSW nuxurkeeda wuxuu igu yiri, "qaabkeen kuugu sheegaa? Ma qaabkii saaxbiikiisu u dhigay? Mase qaabkii cadawgiisu u dhigay?" Labadaba ha iga kala reeban baan ku iri, suu yiri:

"Waxaa igula qurxoonaa sida uu dhigay ina adeerkii Jacfar Bin Abii Daalib, boqorkii xabashidu Asxima (Najaashi) markuu warsaday ee uu yiri: "waa maxay diinka cusub ee aad keensateen ood reerkiina uga harteen anagana aydnaan nugu raacin?" Jacfar (Allaaha ka raali noqdee) wuxuu hadalka ku furfutay inuu ka waramo xaaladdii ba'anayd, aaminaaddii qaldanayd, iyo dhaqankii gurracanaa oo ay ku sugnaayeen inta aysan diintaan helin! Ka dib buu u soo dhaadhacay diinta iyo waxa uu Nabigu ugu yeerayo dadka, wuxuu yiri:

"Ilaaheey buu noogu yeeray_inaan kaligii Ilaahnimada u aqoonsanno oo aan caabudno, inaan ka dhex baxno wixii odayaasheennii hore ay caabudi jireen ee dhagxaanta ahaa. Wuxuu na amray inaan run sheegno markaan hadleynno, inaan ammaanada ilaalino, inaan qaraabada xiriirino, inaan dariska wanaajino, inaan xaaraanta ka dheeraanno, inaan dhiig-daadinta ka dheeraanno. Wuxuu naga reebay faaxishada (dhaqan-xumada), hadalka beenta ah, xoolaha agoonta, nabyada dumarka dhowrsan (qadaf). Wuxuu na amray inaan Ilaahey kaligii caabudno, wuxuu na amray inaan salaadno, soonno oon sakeyno."

Intaa buu ku soo koobay Jacfar RC. Dhanka kale Qeysarkii Ruum ama Imbaraadoorkii Baysantiin Hercules (Hiraqle) baa wuxuu warsaday Abuu Sufyaan (Sayidkii Qureysh) oo markaa aan wili islaamin. Sida la ogsoonyahayna Abuu Sufyaan wuxuu ahaa waqtigiisii hore mid ka mid ah raggii sida weyn ula diriray nabiga iyo diintiisa. Isna wuxuu ku soo koobay markii la weydiiyay farriinta uu nabigu sido sidatan:

"Wuxuu na leeyahay Ilaahey kaligii caabuda, waxna hala wadaajinina, Aabayaashiin warkoodii daaya. wuxuu na farayaa Salaadda, runta, dhowrsanaanta, iyo xiriinrinta."."

Markaas baan ninka ku iri "oo labaduba isku si bey u hadleene!" Markaasuu igu yiri "waa sidaas dadka xaqa wada, cadawgooda iyo xabiibkooduba isku si bey uga hadlaan_haddaan hadalka been lagu dareyn."

Sheekadu wey dheereed oo sooyaalkii iyo siiradii oo dhan bey ahayd balse "soo khulaaseey" baan is lahaa. War se waxaad ku deysaa in markii uu ii dhammeeyay aan ku iri: "Alley lehe, sheeko awrta loo furo waa ay ahayd!"

◇◇◇

Cawaan bahalowday

Nabaddu waa shey muqaddas ah. Waa baahi uu uunku la sameysmo. Lagama maarmaan ayay u tahay jiritaanka naflaha. Dhanka kale, colaaddu waa she...