Aqoontu waa sifo-sharafeed la kasbado sida la wada ogsoonyahay. (Qaarkeedu se waa hibo). Wax walbana lidkooda baa lugu gartaaye, jahli ama aqoon-darro baa ka soo hor jeedda. Lama kasbado oo waa lugu dhashaa, dib baad aqoon ka kasban oo waad ka bixi, ama mugdigiisa baad waad isaga jiri. Labadooda dadku wexey u badanyihiin jahliga, oo taariikhda lama hayo xilli aqoonyahanku uu ka tiro badnaa jaahilka. Isaga ayaana u muuqsa in uu asal yahay, maadaama lugu dhasho. Anigase wexey ila tahay aqoontu in ay asal tahay, maadaama jahligu uu yahay (kaliya) aqoontii oo meesha ka maqan. Waxaana leeyahay: "Jahligu Cilmiga kama bateen ee dad weynaha baa u hiilliyay" iyagaa sifadaa ku tilmaannaaday badankoodu. Sifada kalana ka gaabiyay.
Intaasi hor dhac ha iga ahaatee, waxaad arkeysaa dadka aqoonta leh oo hadba qab la bururaya illaa heer aad islaweyni ku tuhunto. Qaar baad is leedahay markey dadka la hadalaayaan "tolow dhagxaan miyey u qabaan iney la hadlayaan?" Wexey sheeganayaan darajadooda cilmiyeed iyagoo ku barbar sheegaya darajada jahliga ee dadka kale la dagtay. Qaar baan muranka xammili karin! Waxaas oo idil waa qabka aqoonta. Qaarkiisu waa cudur, qaarna caafimaad ayaaba ku jira.
Waxaa keeni kara in aqoonta qab lagu kabo sababo ay ka mid tahay in ay dadka aqoonta yari xadkooda hadba soo dhaafayaan oo ay ka hadlayaan wax aysan waxba ka garaneyn, taasna waxaa meel ka dhac u arka ninka baabkaas yaqaanna, oo xeradiisa buu xoolaha ka ceshanayaa, waxaa kaloo sababi kara in darajada cilmiyeed lugu heesto oo uu tartan ku jiro, ka dibna uu xalka ka dayo inuu qab ku riixo qolada la tartameysa. Tan iyo waxa la midka ahi ma aha (ayaa la dhihi karaa) Qab-cilmiyeed barax-la', bal e waxaa meesha soo gashay qaddiyad nafsi ah.
Eebbe-weyne SW oo aqoonta dhaniba ay tahay sifo ka mid ah sifooyinkiisa, ahna Axadka kaliyah ee yaqaanna waxa dhacay, waxaan dhicin, waxa dhici doona, waxaan dhici doonin iyo wax aan dhici karinba, Eebaha og habeenka gudcurka ah dhagaxa dhuxusha u eg inta quraanyo madow ee ku dhex nool, xog-ogaalka kaliya ee u soo joogay dhacda kasta oo taariikhda soo martay, ahna axadka kaliya ee cillanaadka ka warqaba baa kitaabkiisa Quraanka ah kula hadlay Aadanaha_mid wax yaqaanna iyo mid aan wax aqoon intaba. Waxaad arkeysaa had iyo jeer inuu dareensiinayo ineysan aqoon meesha ku heyn oo ay dhanka Jahliga u badanyihiin, kuwii aqoonta wax ka heystay markuu la hadlayay waatuu ku yiri: "Wax yar uun baa cilmiga la idinka siiyay" (Al-israa 85).
Waxaase Eebbe-weyne SW u gaar ah oon lala lahayn sifada Kibriyaha/الكبرياء. Isagu SW maadama heerkiisu uu kibir kasta ka weynyahay, cid kasta oo ka soo hartayna heerkoodu meel ay ka kibraan uusan gaari karin, buu Kibiriyaha gaar u lahaaday.
Haddaba ma taas baa keentay Qabka aqoonta Quraanka ku sugan? (oo waa mid Eebbuhu gaar u leeyahay?) Mase waa waddo uu Eebuhu SW u jeexay uunkiisa, si kuwa aan wax aqoon aysan isula simin kuwa wax yaqaanna, illeen ma gaaraane, iyaguna (waa aqoonyahannada e) ay u dareemaan sharafta ay gaar u sitaan iyo maqaamkooda?.
Eebbe SW wuxuu yiri: "(dadka) ku dheh: ma simanyihiin kuwa wax yaqaanna iyo kuwa aan wax aqoon?" (Al-zumar 9). Jawaabtu wey caddahayoo waa maya. Aayad kale wuxuu ku yir SW "kuwa cilmiga leh darajooyin buu Ilaahey kor u qaadayaa" (Al-mujaadalah 11) Suubanuhu CSW wuxuu dhahay "kan wax yaqaanna fadliga uu dheeryahay kan aan wax aqoonin ee iska cibaadeysta, wuxuu la mid yahay fadliga aan dheerahay kan idinkugu hooseeya." (Tirmidi baa soo saaraya) Haddaba Eebbe iyo rasuulkiisu iyagaa kor usii qaaday maqaamka aqoonyahanka, oo uga hiilyay jaahilka isku taagaya. Balse inuu isagu (aqoonyahanku) qabkiisa banaanka soo dhigto, kuna xarragoodo awoodda aqooneed ee uu heesto, waa arrin kale, oo in fadliga luguu aqoonsado iyo inta ku maahmaahdid "afkaaga ammaani kaagama horeyso" inaad adigu sheegatid labo ayey kala tahay.
Waqtiga aan joogno oo kale, ee magacii aqoonta la bililiqeystay, oo mooryaanta cilmigu ay bateen, iyaga oo aan koob ka heysanna ay wada sheegteen in ay ka dharagsanyihiin, nin walbana wax uusan aqoon uu ka hadlay. Harqaanlihii haddii uu sharraxayo sida dhaawaca loo tolo, kii geela dhaqan jirayna uu sharaxayo sida beeraha loo fasho, ugaarsatadii duurkana ay sheegeyso sida kalluunka loo dabo, tumaalkiina uu sheegayo sida guryaha loo dhiso, (intaasaaba kuu roone) ayaga dhani Fiqhigii diinta masaa'ishiisii hoose haddii ay wada iftoonayaan, aayadihii iyo axaadiistii (iyagoon habeenna u dhafrin) haddii ay axkaamta ka soo dhex saarayaan.
Haddaba aniga wexey ila tahay: iney waajib tahay qofkii cilmi leh inuu qab la bururo, uuna caddeeyo heerka ay aqoon ka joogaan kuwa gacan-togaaleysanaya cilmi aysan wax nasiib ah ka heysan, sidoo kalena uu caddeysto heerka uu isagu joogo, isagoo ay ka tahay (sida Eebbe-Weyne SW dhahay) "Rabigaaga nicmadiisa ka sheekeey" (Adduxaa 11) wiliba isaga oo aysan ugu baxaynin, balse u arka in uu ku qasbanyahay_si uu u guto amaanadiisa cilmiyeed.

No comments:
Post a Comment