Wednesday, June 18, 2025

Cawaan bahalowday


Nabaddu waa shey muqaddas ah. Waa baahi uu uunku la sameysmo. Lagama maarmaan ayay u tahay jiritaanka naflaha. Dhanka kale, colaaddu waa shey liita. Qas iyo qalqal ayay ku tahay nolosha. Waxay noolaha dhaafisaa xilliga kooban ee uu dunida dusheeda ku heysto. Nafle kastaahi wuxuu xaq u leeyahay in aan la colaadin.

Mar kale, nabaddu uma suura gasho nimaan hanan. Colaaddana kama fursado nin ahaanshihiisa lugu heysto. Isla naflihii ay nabaddu lama huraanka u ahayd ayaa huriweyto u dirira. Isla isagii colaaddu ay xadgudubka ku ahayd ayay faral iyo qassab ku noqotaa. Dhulkii ay ahayd cagaar iyo doog in uu ka dhigo ayuu ku qasbanaadaa in uu dhiig ku caseeyo. Nabaddu si kasta oo ay u macaantahay, marmar ayay dacarta ka qaraaraataa, dagaalkana si kastoo looga dayriyay marar badan ayaa la mahdiyaa.

Geeridu waa wax qaraar, waxaana kasii qaraar xaqiiqada ah in ay lama huraan tahay. Iyadaa is keenta ee lama raadsado. Ma jiro aqli sheegaya in aad halkii lugugu qali lahaa is dhigto. Waxaase jirta mar ay doqonnimo tahay in uu aqligaasi shaqeeyo, mar ay noloshu ku jirto in geerida la raadsado, mar in god madow la galo ay ka wacantahay in guri qabow la joogo. Mar awooddu ay ku jirto: halkii geerida lugugu cabsiin lahaa in aad cabsideeda ka takhallusto, illeen laba is heysa waxaa xoog badan hadba kii ay cabsidu ku yartahay e.
○○○
19 bilood iyo 24 maaliin baa laga joogaa maalintii 7da Oktoobar ee uu dhacay weerarkii gobannimadoonka reer Qassa ay ku qaadeen gumeystaha dhulkooda gumaadka iyo gardarrada ku heysta. Wuxuu ahaa weerar indhaha caalamka soo jeediyay, dibna u furay doodihii raayulcaamka laga hor taagnaa ama laga indha saabay ee ku saabsanaa: lahaanshaha dhulka la isku heysto, dib u fasiridda magacyada silloon ee argagixisanimada iyo nabad-diidnimada iyo dib u fiirinta sifaha samaanta ama xumaanta ee labada labada saf la kala siiyay. 

Maalintaas ka hor raayulcaamku waxa uu yaqiinay qawmiyad yar oo dhibbane ah oo mar dhaw ka soo badbaadday dabar-goyn, caalamkana marti ku ahayd oo dhul kasta oo ay tagaan laga soo ceyriyo, ugu danbeynna awoodaha caalamka ugu tunka weyni ay la damqadeen, isla markaana ay siiyeen: meel ay dagaan, dowlad ay harsadaan iyo kaalmo difaac iyo dhaqaalaba leh oo caalami ah! Balse wili la isku dayayo in la dabar-gooyo, oo ugu horreyn carabta hororka ah oo ay dhex dagganyihiini (waa sida hadalka loo dhigay e) ay har iyo habeen ku tallamaan in ay dhammeystiraan shaqadii uu ninkii Jarmal shaqadii billaabay. Sidaas darteed in ay xaq buuxa u leeyihiin jiritaankooda si kasta oo ay ku difaacan karaan in ay ku difaacdaan.

Waxaase mar qura laga wada war helay nimankii oo kaarkii dulmane-nimada u adeegsanaya falal daalimiintii taariikhdii badankoodu aysan ku kicin. Waxaa laga war helay iyaga oo xaq isu siiyay barakicinta, baabi'inta, burburinta cid kasta oo ay walwal yar ka qabaan in ay dhankooda soo aadaan. Waxaa laga war helay iyaga oo caadeystay wax buugaagta taariikhda lagu akhrin jiray balse dhib laga marin in la rummeysto oo bahalnimo ah.
Waxaa la duqeeyay isbitaallo ay bukaan badani ku jiraan, dhulka ayaana lala simay, iyada oo lagu sababeeyay in ay bahallagaleen yihiin oo ay hoostooda xarumo ciidan ku yaallaan!
Waxaa la laayay tiro uusan aqligu qaadan karin oo caruur ah, waxaana lagu cilleeyay in caruurtaas lagu hubeeynayo fikir argagixisanimo. Taas oo macneheedu yahay "kan yar iyo kan weyni iima kala roona".
Waxaa la gaajeysiiyay oo baahi loo dilay malaayiin dad ah oo maalmo xiriir ah aanan helin wax ay afka saaraan, iyada oo lugu sababeynayo in inta kooban ee hubeysan la cunnaqabateynayo si ay godadka uga soo baxaan.
Waxaa lugu dhaqaaqay fal walba oo gurracan iyada oo lagu doodayo in jiritaan halis ku jira la difaacanayo!

Waxaa laga war helay in jiritaanka halista ku jiraahi uusan jirtaankooda ahayn ee uu yahay masaakiinta ay gummaadayaan jiritaankooda. Waxaa laga war helay in dulmanahani uu xaq kasta u leeyahay in uu iska difaaco daalinka aanan waxba xeerineynin, cid ka dhacsaneysana aysan jirin. Wiilka reer Qassa ee adoogii, adeerradii, abtiyaashii iyo ehelkiisa badankooda la laayay isaguna dil-u-joogga ah luguma eedeyn karo in uu doortay sida uu u dhimanayo, in uu doortay asaga oo reerkiisa difaacaya in uu dhinto, asaga oo dhulkiisa u diriraya in uu dhinto, isaga oo cadawga soo weeraray iska dhicinya in uu dhinto. Waxaa laga war helay in uusan isagu argagixiye ahayn ee uu yahay qof la argagax galinayo. Waxaa laga war helay in cidda uu la dirirayaahi aysan ahayn dowladdiisii, balse ay tahay doqon haddii uu "nabad kula joog" is oran lahaa xattaa uusan ka nabad gali lahayn!

Hadda sagaal iyo toban bilood ka dib, waxaa aabi iyo gardarro lagu weeraray Eeraan iyada oo lagu sababeeyay isla sababtii afka iyo dhaguhuba ay barteen ee ahayd in ay halis ku yihiin jirtaankooda.
Eeraan waxaa sharaf ugu filneyd in ay ahayd eedeysanaha kaliya ee lagu tuhmayay in uu garab joogo kooxaha gobannimadoonka Falasdiin, in ay noqdeen awoodda kaliya ee laga baqayay in ay far-saarto dowladda gumeystaha. Waxaa maanta u raacday in dagaalka toos loo soo galiyay, saasna ay ku noqdeen quwadda dowladeed ee kali ah ee gacan ku garab istaagtay walaalahooda dulmanaha ah! Halka quwadihii ilma-adeerrada ahaa ay ka gaabiyeen dowrkaas.

Waxaan ku soo gunaanadayaa geeraarkaan kooban ee afartanka meeris ah ee aan qaarna ku tirinayo tilmaamaha cadawgaan hororka ah, qaarna aan ku guubaabinayo ragga ay hadda is hayaan ee  reer Eeraan. Waxaa la yiraah "Colka Faaris u geeya" waxa uu leeyahay:
○○○
Cadaw weeye khasiis ah.
Waa cawaan bahalowday.
Dadku waa wada caayay.
Caqligooda halleysan
Ciil ayaa lugu dhaanshay.
Cuqdad baa afka joogta.
Cissi waa laga dhowray.
Ilmo caasiya weeye.
Waa carruur faddarowdoo
Waalidkooda cammeysay.
~
Yaa cadaab u bareeroo
Nabiyaasha colaadshay!
Yaa cirroole duqeeyay
Oo ciyaallada laayay!
Dumar yaa ku ciyaaray!
Yaa caloolaha baahan
Cunnadoodi ka dhaarshay!
Misna yaa is cusleeyoo
Dunidii u cabaadoo
Cakuyee is madluunshay!
~
Socotoy, codka qaada.
Caynka maansada koobsha.
Canjalkeedana duuba.
(Carab way huruddaaye)
Colka Faaris u geeya:
Nimanyow, cududdiinna
Dulmanaa cuskanaaya.
Waa u ciirsiyo hiillo.
Caalamkaa mahdinaaya.
Muslinkaa calfanaaya.
~
Waa gartiine, carooda.
Hubka duula cabbeeysta.
Cabbirkiisa habeeya.
Carrigooda u jeedsha.
Daalimiinta ciqaaba.
Cashar siiya Yahuudda.
Dhulku boor ha caddaado.
Marna dhiig ha casaado
Cirka qiiq ha is gaaro
Ha rumoobo cabaadku.
○○○
Waxaan taageersanahay nabadda, balse haddii marrasta la gumaadayo, waxaan la jiraa cududda dulmanaha u hiillisa. Waan necbahay colaadda, balse waxaan ka sii necbahay tuurweynta caruurta lugu hor laayo, oo dumarka lugu hor kufsado deetana gacmaha isi saarata. Cidna colaad kuma boorrinayo, balse ninkii jiritaanka lugu heysto waan ku raacsanahay nabad-diidnimada. Ma dhiirrinayo qar-iska-tuurka iyo nafti-hallignimada balse si dulliga looga xoroobo waxaan salaan sharafeed u saarayaa calanka naf-hurnimada.

Guul baan ugu duceynayaa Eeraan. Farshaxan ashqaraar leh ayaan u arkaa sadarrada ay qalinka cas ku dhigayaan. Haaddii kabcada difaacday baan u arkaa hubka ay duulinayaan ee meeraha dibaddiisa soo maraya dibna u soo laabanaya. Hindise cabqarinimo leh baan u arkaa dhismaha daadanaya ee boorka iyo danbaska hagooganaya

Sunday, February 23, 2025

Isu Kaanya Daa!


Dirka iyo sinjiga
Dunta hoose iyo
Diirkeyga kore
Duulkayga iyo
Dad ciddaan ka ahay
Niyad iyo dareen
Hiil iyo danqasho
Nabad iyo dagaal
Dowrkaan ka galo
Danta aan u hayo
Halka aan ka dayo
Waa dawgay e
Isu kaanya daa.
***
Diin-laawanimo
Sama-diidnimiyo
Doqonoobid iyo
Dulli-raacnimiyo
Diqdiqada Ibliis
Ood daba-gashiyo
Waa daw-xumoo
Kuma daalayee...
Alla Daa'in iyo
Doorkuu xushiyo
Noloshii danbiyo
Waxa qeyb dahsoon
Dan anaa ku qaba
Oo doonayee
Diintiyo aniga
Isu kaanya daa.
***
Hadiyaan dukado
Oon soon daldalo
Oo aan digriyo
Oo aan ducada
Sacabbada darsado
Oo aan danbiga
Isu diido oon
Nafta dabar ku xiro
Damac iyo markuu
Sheydaan la dago
Haddiyaan durbaba
Dib u soo celshoo
Jidka aan ku duwo
Darajiyo maqaam
Isu kaanya daa.
***
Duni lays ajalo
Oo lays diriro
Dibir laysla dhaco
Oo lays dardaro
Oo laysla dago
Oo daacadnimo
Laga deyranyahay...
Daandaansigiyo
Dulmigiyo haddaan
Ficilkeyga daran
Dacwo laga ahayn
Waa deeq dhan e
Dadka iyo aniga
Isu kaanya daa.
***
Doondoonis iyo
Marka damac haween
Dowrkiisu galo
Raggu waa dammane.
Xarko daadsan iyo
Dabinnaa u yaal.
Xubbi baa ku daga.
Indhahaa ka dadan
Bilicdana u dagan.
Dagdag baa ku furan.
Dooq baa se jira
Anna doorashada
Darka aan ka cabo
Diiradda jacayl
Halka aan u duwo
Iyo sheeko dumar
Isu kaanya daa.
***
Dusha sare arliga
Dad-allaa u siman
Waa wada dagaa
Daris baa la yahay
Dabka iyo biyaha
Iyo daaqa iyo
Dano baa dhex yaal.
Ninka kala durjiyay
E daliig u dhigay
Ee daah u xiray
Ee dirir dhex dhigay
Waa daalin oo
Dullinimo ayuu
Nala doonayoo
Anna diidayee
Dalka iyo aniga
Isu kaanya daa.
***
Waxa dooriyoo
Dad dugaag ka dhigay
Waxa dawladnimo
Duudsiiyayoo
Diihaalka baday
Waxa duunyo iyo
Daaraba kharribay
Waxa duurka iyo
Saxaraha dajiyay...
Waa Hoog-dagaal.
Hormar baa ku duma
Silac baa ka da'a
Dalag baa ku ba'a
Cudur baa darara
Dirac baa ku go'a
Doqon baa ka hara
Haddiyaan dabkaas
Dibaddaas ka tago
Misna aan ka digo
Taag iyo dadaal
Isu kaanya daa.
◇◇◇

Wednesday, July 17, 2024

Inkaarta Ogaalka


Raggu wuu wada haasaawe tagayaa, fiidkii xoog laysuma helo, niba meel buu xamxamleeyahay. Mid baa hees cataaw iyo calaacal ah ku luuqeenaya, mid baa Hodan iyo Boodhari ka sheekeenaya, mid baa wili soo dhaafi la' su'aalihii isku macnaha ahaa ee "Sidee tahay? Xaalada ka waran? Maxaa cusub? Sidaada kale?" Mid kale baa warsanaya labiska ay sidato, cuntada ay cuneyso, saqafka ay eegeyso iyo waxyaabo la mid ah, mid kale (oo fashilan) baa siyaasad iyo arrimo qabiil uga sheekeenaya. Farriimaha mid baa tururuxinaya oo hadba taleefankiisa la qoslaya, waa dhoollacaddeyn aan shanqar lahayn, mar mar buu se is illaawayaa oo qosolkiisa guryaha dariska baa la maqlayaa! Mid kale baa halkaas soo dhaafay, taleefanka ayuu dhagta ku hayaa, war iskama hayyo, ma awoodo daqiiqad qurah in uu hal dhinac u jiifo! Taleefankiisa buu la galgalanayaa!
Way iga geesisanyihiin, anigu intaasoo dhan kuma dhiirran karo! Waxaa iga hor muuqda sheekada dhammaadkeeda, waxaan ogahay natiijada ay ku danbeyn doonto, waxaan aqaan dareenka Rabitaan ee Ina-rag wata iyo dareenka Rajo ee dumar wata iyo sida ay isu diiddanyihiin, waxaa xisaab la'aan ah oo aan xasuusnahay inta xiriir ee saqiirtay iyo kuwa qaangaaray balse aan aad u weynaan oo aysan waligood lamaanuhu isla cirroobin! Waxaan ogahay in dhallinyaradu wanaagsanyihiin, iney is jecelyihiin, iney isu xiise qabaan, iney isu heellanyihiin, diyaar iney isu yihiin. Waxaan se (kale oo aan) ogahay in jaceylku uu neceyb noqon doono, in uu xiisuhu dhammaan doono, wajiga oo la isu doorsho in ay xigi doonto! Waxay isu ballan qaadayaan in ay dunida wadajir ku dhammeysan doonaan, ha u malayn in ay balan-beenaalayaal yihiin, waa ka daacad oo waa sida ay rabi lahaayeen, balse waaqica baa beeni doona. Waxaan ogahay ballanqaadku in uu been (aan loo kasin) yahay. Waxaan ogahay wanaaggu in uu laab-la-kac yahay, hadal-macaanidu in ay sasabasho tahay, hiigsigu in uu hawo yahay! Jacaylku in uu kacsi yahay! Waxaan ogahay geedkii fudeyd lugu fuulo in fudeyd looga soo dago! Kolba waxaa i heysata inkaartii ogaalka.

***

Meeshii Aadane isugu yimaadaba waxaa laysku heystaa ciddii horkici lahayd, ciddii hoggaami lahayd, kursiga ciddii qabsan lahayd, halkaas baa lugu go'aa, halkaas baa raggu isku seegaa, halkaas baa xeer iyo xurmo lugu hilmaamaa. Waa laysku laayaa, waa laysugu gafaa, oo waa laysku jabaa. Ugu danbeynse nin baa u adkaada! Hadii uu aqligu shaqeynayo amaba uu garaad jiro, (meeshu waa meel hoog oo) qofina ma aaddeen, lamana haweysteen! balse tan iyo markii Aadanaha la uumay illaa hadda aan joogno, kursi baa laysku heystaa. Waxaa maanka lugu wada hayaa in fiinta sare la soo taabto, in dheefta madaxnimada la soo dhadhamiyo, in xirrigga hoggaanka gacanta lugu dhigo, in kursiga talada salka lala helo. Walow uu nin ka caajiso, mid uu u lexaad beelo, mid kale uu u naf waayo, midina uu ku sharaf seego, ugu danbeynse nin baa raaya oo reerka u hara. Waxaa lugu wada tala jiraa in ninkaas la wada noqdo.

Ha ku bishaareysteen, anigu waan tanaasulay, tartankaas kuma jiro, dhabbahaas ku ciriiri maayo, waxaan kuu ogahay halka ay u socdaan. Waxaan ogahay; hoggaamiyuhu marka uu ugu fiicanyahay waa shaqaale u adeega malaayiin dad ah iyo boqolaal deegaammo ah, marka uu ugu liitana waa dad-cun dhiigyacab ah oo ka dul taliya xabaalaha shacabkiisa. Awood uma lihi fiicnaantaas hore, diyaarna uma ihi xumaantaan danbe. Waxaan kuu ogahay ninka hoggaanka haya in uu geeddiga ugu horreeyo, oo halistu ugu horreyn isaga ay haleeleyso! Allow Alle, waxaan kuu ogahay xaraaraddu in ay baadigoobka ku egtahay oo wax kastoo aan caadi ahayn markii gacanta lugu dhigo waa ay caadiyoobaan, aniguna kama kaco waxa aan halistaa badan u soo maray in ay caadi iska noqdaan. Waxaan kaloon kuu ogahay in wax kastaahi qiime leeyihiin, qiimaha ugu yar ee aad kursi dartiisa u hurtaahina waa dadnimadaada, anigu xattaa hadii aan deeqsi ahay deeqsinamadeydu ma aysan gaarin heer aan danimdeyda kursi dartiis u huro. Kolba waxaa i heysata inkaartii ogaalka.

***

Noloshu aad bay u dhaga adagtahay marka aad gacan marantahay, aad ayayna u dhaga fududdahay marka aad hanti leedahay. Sidaas darteed baa suuqa loogu kallahaa, loo shaqeeyaa, dhididka loo qubaa, shilinka loo bursadaa. Si loo tanaado baa loo howshoodaa. Balse waa qof walba iyo hammigii. Dad baa caadka sare laacaya, quutulyoonku kuma filna, waa in ay malaayiin helaan. Waa in ay dunida wax ku yeeshaan, waa in ay summadda "hantiile" yeeshaan, waa in ay "bilyaneerro" noqdaan! Waxay maskaxda tuujiyaan, waxay gacanta maalaan, waxay xawaare dheereeyaan, waxay xuurto-gooyaan, raja waxay ka qabaan maalin in ay soo kacaan iyaga oo eberta eber kale ku daray. Waa tartan nololeed oo la wada galayo, rag baa gaabis eersada, rag bay tabartu ciishaa, rag baa dhex ku go'a, rag baa is dhiiba, in yar oo yar baa ugu danbeyn gaarta.

Anigu halkaasna uma socdo, waxaan ogahay waxa igu filan, waxaan aqaan caloosheyda qaadkeeda, sida aan baahideyda u aqaano oo kale baan dibbiradeydana u aqaan. Waxaan ogahay: caloosheyda qaadkeeda wax ka badan hadii aan damaaciyo in aanan waligey dhargeynin. Waxaan ogahay damacu in uu yahay god madow oo aan buuxsameyn. Waxaan ogahay kuwii balaayiinta hantiyay in aysan wili dhargin oo ay wili wax sii rabaan. Waxaan ogahay shilin kastaahi in uu wato baahi cusub iyo hamuun hor-allaah. Waxaan ogahay in hantida dunida saaran si siman loo leeyahay, hantiiluhuna uu xaq-dadow faraqa ka buuxsanayo. Waxaa i heysata inkaartii ogaalka.

***

Aqoontu waa garaaddaha saxda ah ee dadku is dheeryahay. Si kastood uga gu' weyntahay, uga hanti badantahay, uga darajo sarreysid, nin kaa aqoon badani waa kaa odaysanyahay, waana kaa fiiro dheeryahay. Waa in uu isagu bulshada u warramo, waa in laga tala-qaato, waana in dhagaha loo raariciyo. Waligaa lama hor boodo. Waxaa la yiri: bulshadu waxay u badantahay caammo-dhagaweyn, waa dad waxa loo sheego iska raaca. Haddaba dhagohoodaas furan aqoonyahanka ayaa xaq u leh. Wax u roon ayaa gali lahaa. Balse markii uu aqoonlaawe u warramo, aqoondarro ayey aqoon moodaan! Qalad ayey sax moodaan, been ayey run moodaan, baadil ayey xaq moodaan, malo ayey dhab moodaan! Waxaa taas ka sii daran markii uu aqoonlaawihii aqoonyahanka isi soo hortaago, si uu wax ugu sheego! Balo ku dagtay! Dhiirranaa! Dad waxaa ugu ayaan daran qofka iskula fiican in uu dad ka aqoon badan wax u sheegayo, waxaaba ceeb ahayd in uu soo hor istaago oo uu wax u sheego, markaasuu wuxuu ku sii darsaday in uu iskula fiicnaado! Allow Alle! Asagu waxa uu is moodaa qof wax weyn sheegaya, iyaguse waxa ay arkaan ilmo hadaaqaya oo waxa uu sheegayo aan la fahmayn! Amaba xoolo "macaac" leh!

Wallee waa qof iga dhiirranaan badan, anigu waxaan taas u arkaa nafti-hallignimo. Waxaan garanayaa heerka aqoonteyda. Waxaan ogahay aqoon-yarideyda. Waxaan ogahay halka la iiga aqoon badanyahay. Waxaan aqaannaa cidda aan ka hor hadli karo iyo cidda aan fasaxa uga baahanahay! Waxaan ogahay isla fiicnaantu iney ka dhalato aqoondarro aan laga warheyn. Waxaan ogahay qirashada aqoon-la'aantu in ay tahay aqoonta barkeed. Waxaan ogahay waxa aan dadka u sheegayo in ay amaano yihiin, wax aanan aqoon u leheyn in aanan sheegi karin. Waxaan ogahay maluhu in uusan hubaal ahayn, jahliguna uusan cilmi ahayn, qiyaastuna aaney aalaaba sax ahayn. Haayoo, dad iga aqoon badan u warrami maa, kuwa ila mid ahna wax aan ogeyn u sheegi maa. Illeen inkaartii ogaalka baa i heysata e!


Saturday, June 8, 2024

Qof iyo Qolo. Qaabdhismaha Qabyaaladda.

Qabyaaladdu waa qaddiyad ay xigtadu isku bahaysato, sokeeyuhu isugu hiilliyo, shisheeyahana la isaga dhiciyo ama lugu maago. Doodda qabyaaladda ka taagan illaa iyo hadda waxa ay ka dhexeysaa labo qolo: qolo wexey ku doodeysaa in aysan qabyaaladdu lahayn wax faa'iido ah wiliba in ay tahay cudur Soomaalidu tan iyo goor aan dhaweyn ay la daallaa dheceyso, loona baahanyahay in la dabar-jaro. Waxay qoladani isugu jiraan: culimo uu halbeeg u yahay xadiiskii ahaa:

 "iska daaya waa quran e / دعوها فإنها منتنة" iyo waddaniyiin uu hal-ku-dhiggoodu yahay meeriskii Cabdullaahi S. Timacadde AUN uu lahaa
"Dugsi maleh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane!"
Qolada kale waxay ku doodayaan in ay tahay hab-nololeed iyo qaab (si wada jir ah) looga badbaado duruufaha adag ee ku xeeran reer kasta oo Soomaaliyeed, duruufahaas oo ay ka mid tahay wada-dagista reero_hadii mid ka mid ihi uu tartanka, xifaaltanka, wax-dhacsiga iyo wax-iska-dhicinta iska joojiyo, uu buska iyo boorka cabayo, illeen reeraha kale hakan maayaan e! 
Waxa ay dooddani ku saleysantahay waxtarka iyo dhibka ay qabyaaladdu leedahay, waxa ay qolada hore u aragtay in dhibaatadeedu ay aad uga weyntahay wax-tarkeeda, in uu waxtarkeedu ku ekaado dadka isku reerka ah, dhibkeeduna uu u sii gudbo ummadda kale. Halka qolada kale ay u aragtay in ay tahay xaqiiqo waaqici ah, si kasta oo ay u qaraartahayna lama huraan u ah nolol-qeybsiga iyo wada-dagista Soomaalida, wixii la isaga indha-tiraana kaliya ay yihiin been iyo is-maahis.

Hadda dood kale ayaa miiska saaran, dood aan ku salaysneen wax-tarka qabyaaladda iyo dhibaatadeeda, balse abbaareysa sababaha qadiyaddaan ka danbeeya, kuna raad-joogta qaab-dhismeedkeeda. Waatahay. Marka la sii dhugto sababaha tiirarka ah oo ay qabyaaladdu ku taagantahay, waxaa soo bexeysa in ay labo yihiin. Aan dhahno waxaa jira labo daraf oo kala sarreeya oo ay ku dhex callaqantahay: koow, waa Isir-jeclaan oo darafka sarreeya ah, labo, waa Is-jeclaan oo darafka hooseeya ah.
Waxa ay qabyaaladdu ka dhex dhalataa jacayl aad adigu isu qabtid (is-jeclaan) iyo mid aad isirkaaga u qabtid (isir-jeclaan). Haddaba si looga gungaaro micnaha, daliilka, ujeeddada iyo natiijada ay qabyaaladi leedahay, waa in la isla fiiriyaa labadaas qodob ee ay ku qotonto waxa ay yihiin, sida ugu saxan oo ay isula falgali karaan, waxa ku keeni kara in ay dheelliyaan iyo in uu jiri karo qodob saddexeeya.

Isirku waa asal, waa dir, waa sinji, waa halka aad ka soo jeedid. Waxa kugu kallifi kara in aad cid u hiilliso, waa in aad isku isir tihiin. Tusaale: ka bilaaw nafsaddaada, xibin walba oo jirkaaga ka mid ah wexa ay la damqataa, difaacdaa, ayna garab istaagtaa xibnaha kale, maadaama ay hal qof ah wada yihiin, maadaama ay hal naf ahi ka wada dhexeyso, waa xubno hal meel ah ka soo wada jeeda. U soo gudub walaalahaaga, maadaama hal oday ahi idin wada dhalay! ilma adeerradaada? Maadaama hal awoowe aad ka soo wada jeeddaan, illaa tolka laga soo gaaro, intaas oo dhan sababta aad ugu hiillineysid waa in aad isir-wadaag tihiin, waxaa ku wata dareen la yiraahdo Isir-jeclaan!
Balse aan is weydiinno e; isirku ma halkaas buu ku dhammaadaa? Hadii (sida aan horey u qeexnayba) isirku uu yahay asal, ab iyo sinji, hadaba arrini koow ma joogto! Qoys, jufo, reer, beel iyo qabiil intaba isirku wuu ka gudubsanyahay! Waxaa kugu isir ah qowmiyadda aad ka soo jeeddo! Ka sii gudub, waxaa kugu isir ah umada aad ka soo jeeddo! Sii soco waxaa kugu isir ah noolaha aad ka soo jeeddo! Waxaaba la dhihi karaa noolaha oo idil ayaa kugu isir ah! Waxaaba laga yaabaa uunka oo dhan in aad isku isir noqotaan! Halkani waa fiinta ugu sarreysa ee Isir-jaceylka laga gaari karo, waxaana lugu doodi karaa in uu yahay heerka ugu macquulsan ee isirka loo jeclaan karo, in aad uunka oo dhan xigsatid maadaama aad isir-wadaag tihiin, wixii ka sokeeyana waa xin iyo isir-jacaylkii oo is dhimay.

Xinku waa in aad kala xigsato laba shey, adiga oo ku kala soke-marinaya wax ay xaqiisa si siman kuugu leeyihiin. Tusaale: nabaddu haddii ay noqoto xaq uu nooluhu si siman kuugu leeyahay, oo ay waajib tahay in lagaa wada ammaan helo, waa xin in aad aadanaha siiso, una diiddo ama ku yareyso noole kale, oo isaguna kaa mudnaa in aad nabad iyo ammaan siiso. Xinka haddii aan sidaan u qeexno, wuxuu noqonayaa culeyska hoos kuu soo jiidaya kaana soo daaddajinaya heerarka sare ee isir-jacaylka. Haddii ay isir-wadaagtu kaa wada mudanyihiin hiil iyo soo-dhaweysi, haddaba soo xin maaha in aad qaar ka mid ah mudnaantoodaas mariso, qaarna aad ka masuugto? Bal e, taas badalkeeda in aad qaar (ka mid ah) fogeysid, dhibaatana u geysatid! Mase garaneysaa haddii uu xinku hoos kuula soo dago halka uu kuu soo wado? Wuxuu kuu soo wadaa darafkii hoose ee Is-jeclaanshaha ahaa, kanina waa qodobkeenii labaad. Bal isagana....

Is-jeclaanshahu waa in aad adigu is jeclaato, waa in aad taada oo kaliya fiirsato, adigu isu hiiliso, adigu is difaacdo. waa in aad qoolka xinka dhuujiso, heer uu surkaaga mooyee wax kale qaadi waayo. Si ka duwan isir-jeclaanshaha, is-jeclaanshuhu nafta kama uu billawdo, wuuse ku dhamaadaa. Uunka maadaama aad noole ka tahay, manoolaha ayaad ximisaa, (oo aad isirkaaga ka saartaa)! Noolaha maadaama aad Aadane ka tahay, xoolaha ayaad ximisaa, (oo aad isirkaaga ka saartaa)! Aadanaha maadaama aad Afrikaan ka tahay, intii aan Afrikaan kula ahayn ayaad ximisaa, (oo aad isirkaaga ka saartaa)! Afrikaanta maadaama aad Soomaali ka tahay, inta kale ayaad ximisaa, (oo aad isirkaaga ka saartaa)! Soomaalidana qabiilkaaga mooyee inta kale ayaad ximisaa, (oo aad isirkaaga ka saartaa)! Qabiilkaagana beeshaada mooyee inta kale ayaad ximisaa, (oo aad isirkaaga ka saartaa)! Beeshaadana reerkaaga mooyee inta kale ayaad ximisaa, (oo aad isirkaaga ka saartaa)! Reerkaagana jufadaadada mooyee inta kale ayaad ximisaa, (oo aad isirkaaga ka saartaa)! Jufadaadana qoyskaaga mooyee inta kale ayaad ximisaa, (oo aad isirkaaga ka saartaa)! Qoyskaagana bahdaada mooyee inta kale ayaad ximisaa, (oo aad isirkaaga ka saartaa)! Heer aad ugu danbeyn, naftaada mooyee, inta kale aad ximisid. Halkanina waa salka ugu hooseysa darafka hoose ee Is-jeclaanshaha.

Waxaad is weydiineysaa; haddii uu xinku qofka hoos ula soo dago illaa uu gunta ka keeno, haddaba ma jiraa (baddalkiisa) wax qofka kor u qaada illaa uu fiinta sare geeyo? Waxaa jira wax la yiraahdo Xurmo, oo qofka ka soo saari kara salka ugu hooseeya ee is-jeclaanshaha, isla markaasna gaarsiin kara fiinta ugu sarreysa ee isir-jacaylka_sida xinkuba uu qofka ugala soo hoobto fiinta, illaa uu dhigo salka hoose.
Xurmadu waa qaddarin, waa muuneyn, waa sharfid. Halkan waxaa loogala jeedaa qadarinta qeyrka. Wexey ka bilaabataa ehelka. Waa inaad xurmeysaa waalidka iyo walaalka, waxaa cagsigeeda ah in aad xinto, oo aad naftaada oo kaliya xurmadii ku ekeyso. ma aragtaa? Xinku darafka hoose ayuu kuula soo dagayaa, halka xurmadu ay dhanka sare kula aadeyso! Waxaad ku xijineysaa xigtada dhaw, oo aad iyagana xurmo deeqsiineysaa. Xigtada fog baad u soo dhaafeysaa. mar kasta oo aad kor u socotid waxaa kordhaya isir-jacaylkaaga, waxaana is dhimaya is-jacaylkaaga. Xurmadu waxay diideysaa qof kugu isir ah in aad dhibaateyso adiga oo u hiillinaya ku kale oo asna kuga isir ah. U fiirso, kan inta aadan u hiillin waa in aad is xijisaa (/naftaada u soo dhaweysaa). kaas na inta aadan dhibaateyn waa in aad iska fogeysaa (/naftaada ka fogeysaa) waa in aad isrkaaga ka saartaa. Halkaasi na waa meel ay xurmadii ku dhimatay, xinkiina....!

Isir-jacaylka waxaa ku abtirsada dhaqammo ay ka mid yihiin hiil, damqasho, tolnimo iyo xiriirin. Wax walba oo samaan ah oo ka dhexeeya dadka isu qirsan in ay xigto yihiin, waxaa la dhihi karaa waa isir-jacayl. Dhanka kale, is-jacaylka isna waxaa ku abtirsada dhaqammo ay ka mid yihiin nacayb, colaadin, quuriwaa iyo islaweyni. tanna waxaa la dhihi karaa: wax walba oo xumaan ah ee dadka isu qirasan in ay xigto yihiin kala dhexeeya dadka ay u heystaan in ay shisheeye yihiin, waxaasina waa Is-jeclaan.
Labadaan dareen waa labo dabci oo ku shaabbadeysan xiska aadanaha, waa u-dhalasho, bey'adduna wey kobcisaa. Labadooda oo ku kulma qofka xiskiisa ayaa dhala qabyaaladda. Wuxuuse qofku moogyahay in aysan suuragal ahayn isku dheelli tiriddooda isaga oo aan aragti ahaan uga fakarin una faaqidin! Mid kaliya buu hadba calanka u sidaa, amaba labadaba xeerkooda ayuu jabiyaa, maadaama horraantiiba fakar, u fiirsasho iyo sababeyn midna uusan ku qaadan. Waxaa hadda dusha u saaran qaddiyad aan ku dhisneyn isir-jeclaan iyo Is-jeclaan toona.
Isaga oo dad ku isir ah colaadinaya ma sheegan karo in uu u colaadinayo jacayl uu isirkiisa u qabo. Sidoo kale, isaga oo naftiisa halligaya lguma tuhmi karo in uu u halligayo jacayl uu naftiisa u qabo.

Halkaas marka ay mareyso, qofkaasi wuxuu taaganyahay marnaan, wuxuu ka maranyahay qaddiyad, wuxuu ka maranyahay sabab, wuxuu ka maranyahay jacayl. wuu lunsanyahay, wuxuu dhacdooyinka la fal-galayaa isaga oo u cuskunaya waxa bulshada hareerihiisa joogaahi ay aaminsanyihiin. Hadii ay natiijadu isaga ku ekaaneyso wey roonaan lahayd e, dhibaatadu waxa ay tahay, in uu qofkani geysanayo burbur asaga dhaafsiisan, in uu xadgudbayo, in uu naf goynayo, in uu hanti dhacayo, in uu been-abuur samaynayo, in uu dad u gafayo, in uu nidaam duminayo.

Arrinka cajiibka ahi, waa in aysan labadii qodob meesha ka marneyn. Wexey eheed in ay sabab noqdaan, taas ayaana dhici weysay. Balse hadda wexey noolyihiin iyaga oo dareen bis ah, dareen xoog badan oo qofka ku riixaya in ay falalkiisu yeeshaan saameyn weyn.
Wuxuu isugu sheekeenayaa in uu reerkiisa difaacayo, in uu col ka hor joogo, in ay hiil uga baahanyihiin. Waa Isir-jeclaantii oo dhallaan-rogan! Wuxuu kaloo dareensanyahay in la joogo gole tartan-sharafeed lugu qabanayo, wuxuu leeyahay "waa innaga iyo iyaga qoladii ay libintu raacdo" waa in libintu ay qoladiisa raacdo si uu u noqdo wiil-hoog laandheere ah oo ka soo jeeda reer deegaanka ka dhex muuqda! Amaba waa tartan-nololeed oo xaajadu waxay joogtaa "haddii aysan iyagu le'an, innaga ayaa le'aneyna. Hadii aynaan hantidooda qaadan, iyaga ayaa hantideena qaadanaya" tanina wa Is-jeclaantii oo aan biyo is marin. Labada dareen hadii aan sharcigooda la jabi lahayn, waxay noqon lahaayeen sababo kala madax banaan, balse isla falgala, una baahan in la isku dheellitiro. Hadda se waa dareemo kaliyah, kuwaas oo ka qeyb qaata kicinta hiyiga iyo xamaasadda qofka.

Isir-jacaylka waxaa jabiya lidkiisa, Isir-nacayb. Hadii aad isirkaaga jeceshahay, waa in aadan necbaan cad isaga ka mid ah. Qolaba qolada ay kaaga dhawdahay hadii aad ka sii jeclaato, wili dhib malahan. Waxaase dhib ah qolada dhaw jacaylkoodu in uu ku gaarsiiyo heer aad necbaato qolada fog (ee aad isir-wadaagta tihiin). Adeerkaa iyo aabbahaaba waxa aad sii jeceshahay aabbahaa, balse adeerkaa ma nici kartid adiga oo isir-jacayl sheeganaya.
Is-jeclaanshaha isagana waxaa jabiya dad-jacayl, si aad naftaada u jeclaatid waa in aadan qeyrkeeda jeclaan, ama ugu yaraan sida aad u jeceshahay oo kale in aadan qeyrkeeda u jeclaan. waxaad is oran kartaa; "qof kasta heerka uu doono qabyaaladda haka gaaro e, lama oran karo qeyrkiisa ma jecla! Lamana oran karo qeyrkiisa wuu necebyahay, waayo haduu qoyskiisa jeclaado, ugu yaraan qeyrkii buu jecelyahay!" Waatahay. Hadaba aan qeyrka isla fahanno, waxaa qeyr noqon kara wax kasta oo aan adiga ahayn, waxaa kaloo qeyr noqon kara wax kasta oo aan adinka ahayn, tanina waxa ay farac ka tahay heerarka is-jeclaanshaha ee soo socda inyar ka dib.

Waxaa baraarujin mudan in aynaan Is-jeclaanta kala jeedin macnaha loo adeegsado ee ah qadarinta nafta iyo qirashada is-ahaanshiyaha, sidoo kale si buuxda ugalama jeedno waxa loo yaqaano anaaniyadda iyo selfishness-ka. Wexeysa tan danbe kala mid tahay in ay tahay: fiirsashada danta gaarka ah iyo iska-indhatirka danta guud. Wexeyna uga duwantahay, dantaas gaarka ah in ay noqon karto mid u gaar ah dad badan. Aan sii caddeynno. Labo is-jeclaansho ayaa jirta baa la oran karaa: Mid waa qofi inuu is jeclaado, heer uu is jaceylkaas ku colaadin karo qeyrkiisa, cid Allaala ciddey noqotaba. Tan kale waa qolo dhani in ay magaceeda iyo wadajirkeeda jeclaato, heer ay isjeclaantaas ku colaadin karto qolo kasta ee qeyrkeed ah. Waxaa tan danbe la dhihi karaa waa isjeclaan guud, balse lama oran karo waa anaaniayyad.
Haddaba hal su'aal aan is weydiinon: hadii ay qofka dhaqan xumo iyo qaabdarro ku tahay in uu kaligii is jeclaado, heer aysan waxba ka galin danta guud, uuna fiirsanayo tiisa oo kaliya, kuna colaadin karo qof kasta ee uu dantiisa ka heli waayo, hadii ay qofka maangaabnimo ku tahay in uu dadka kula jiro tartan aan arxan lahayn oo xanbaarsan quuriwaa qabweyni iyo qalbixumaan, bal maxaa qolo dhan gar u siinaya in ay ku tilmaannaadaan isla tilmaamahaas? In ay qolo qolanimadeeda jeclaato heer ay qolooyinka kale ku colaadin karto! Bal e, qolooyinka kale oo dhan (sida ay u arkaan) in ay ugu kala qeybsanyihiin saddax qolo: 1 qolo tartankii magaca iyo muunadda ee iyaga kala dhexeeyay kaga sara martay, ama ay wili loollan kula jiraan, qoladaas waxaa kala dhexeeya dagaal af iyo addin leh, waxaa u raacsan dagaalka uurka, cuqdadda, nacaybka, xaqiraadda, quuri-waaga IQK. 2 qolo ay kaga adkaadeen tartankaas amaba aan kula jirinba, iyagana waxay u hayaan quursi, liidid, takoorid, iyo gumeyn. 3 qolo aysan waligood wada dagin, amaba aysan is garaneyn, ayagana sidaas bey ku kala nabad qabaan, haddii ay se isi soo ag-dagaan, labada hore bey mid ku biirayaan. Waa isla sida qofka anaaniga ah (Salfish person). Isaguna waa isla tabtaas: maadaama wanaag oo dhan naftiisa oo kaliya uu la rabo, dadku saddax bey u kala yihiin: 1 qof wanaaggaas helay, oo kaas dagaal baa kala dhexeeya, 2 qof aan wanaaggaas helin, oo digasho iyo ku camirasho buu meel ula fadhiyaa, 3 qof uusan waligiis il saarin, oo kaas waxba kalama dhexeeyaan!

Qabyaaladu waa dareen qof iyo qolo ka dhexeeya. Waa labo isu baahan, farqi baa se u dhexeeya. Qoladu iyada bis baa isjecel, isirkeedana waxba uma oga! Haddii ay wax u ogtahay qolo iyada la dhalatay ama la ehel ah may colaadiseen! Qofka ayaa kuu soo haray; isirkiisa wuu jecelyahay, oo waa sababta isaga iyo qolada dareenku uga dhexeeyo. Isaguna wuu is jecelyahay, oo kalinamada tol-la'aanta naftiisa lama rabo. Qolada rabitaankeedu wuxuu afduubayaa qofka rabitaankiisa, waxaa aalaaba toos u fula qoalada rabitaankeeda isjeclaanshaha ku dhisan, qofkuna wuu ku hungoobaa rabitaankiisii isku-dhafka isir-jeclaanta iyo is-jeclaanta ahaa. Siduu ugu hungoobaa? Hadii ay qoladiisu la dirirto qolo kale, oo ay isirwadaag yihiin; qofkii isirjacayl meesha uma yaal, oo cad isirkiisa ka mid ah buu gooyay! Aad na naftiisa uma jecla, oo waa kan dirir uu ka baaqsan karo galay, dad uu walaaleysan karana la galay, hadii uu tol iyo ehel u baahnaa, wuxuu heli karay tol weyn oo kiisa ku laba jibbaarma, wuxuuse doortay inuu intaan yar ku kaaftoomo! Dantiisa kama shaqeyn! Waxaase fushay dantii qolada oo iyadu isir-jacayl dan kama lahayn, waxaa u darneyd in ay magaceeda difaacato, sarreyn maahane hooseynna aysan dareemin, waana sababta ay wiilasheeda dabka ugu gurtay una dagaal galisay, iyada oo aan danahooda tixgalin! Way ku daneysatay, waxayna ka dhaadhicisay aragti rakhiis ah oo aan meel dheer jirin, wexey ku tiri "Danteydu waa tiina".

Danta wiilashu kuma jirto in ay colaad galaan ama in ay sababsadaan qaddiyad qolanimo ku suntan, danta wiilahsu waxay ahayd in ay helaan ehel ay weheshadaan, magac ay duggaashadaan iyo xigto ay garabsadaan. Intaba si waafi ah bey u heli lahaayeen haddii ay colaadda ka baaqsan lahaayeen, xurmadii xin baa loogu baddalay, tolkii weynaa na reer yar baa loogu baddalay, nabaddiina colaad baa loogu badalay! Hadaba maxaa u xal ah? Xalku waa in talada faraha ka baxday dib loo hantaa, qoladu inta ay dad ka koobantahay qof ka mid ah oo aragtida go'aamiyaahi ma jiro, waxaase aragtida leh oo go'aamiya qolada! Waa erayga "Qolo" oo dad ka maran! Qoladu dad bey ka koobantahay, waa in qof walbaahi fikirkiisa dib u hantaa. Eray cidlo ah oo naf, aqli iyo maskaxba ka maran sidee aragti loogu daba fariisan karaa? Sidee fikirkiisa loogu duuli karaa? Sidee naf loogu goyn karaa? Siduu gobanimo iyo gunnimo miisaan ugu noqa karaa? Waa in la fuliyo rabitaanka qofka, waayo qoladu dad bey ka koobantahay. Waa in qofka loo daayo qaabeynta aragtidiisa uu qabyaaladda ka qabo, waa in uu isku dheellitiraa labadiisa dareen ee isir-jeclaanshaha iyo is-jeclaanshaha kala ah. Markaas labo bey mid noqoneysaa: koow, in la wada noqdo hal tol oo weyn oo balaarran, labo, in aysan qolo qolo kale dhibaateyn ama colaadin.

Sunday, February 18, 2024

Fanka Laqbada

Laqabadu waa fanka turjumaadda. Waxaan u arkaa heer ka mid ah heerarka ugu sarreeya ee wax loo turjumo. Waayo: waa isku sar goynta laba luqadood_si ay midiba uga faa'iideysato midda kale waxyaabaha ay la gaar tahay. Sideedaba cilmiga waxyaabaha cirkaas ku shareera waxaa ka mid ah inuusan dhibbane u noqan una xernaan xuduudaha hiddaha (thaqaafadda) iyo kuwa afafka (luqadaha). Waa in uu aqoonta heli karaa qof kasta oo wax baranaya, afka uu rabo ha ku hadlo, hiddaha uu doonana ha lahaado e, sidaas aawadeed waa in cilmigu afka uu ku qoranyahay laga soo guuriyaa, afafka kalena lugu dhigaa. Markaan baa waxaa loo baahanayaa tarjumaadda. Afafka shisheeye cilmiga ku qoran labo qaab oo kaliya baa looga faa'iideysa karaa:

Waa mid ee, waa in afkaas la barto oo laga gaaro heer wax lugu akhrin karo_waxa lagu akhriyayna la fahmi karo. Kani maahan labada qodob midka sahlan, waayo af-barashadu waa aqoon madax-bannaan oo kaa leexineysa halkii aad u socotay iyo aqoontii aad raadineysay. Wexeyna qaadaneysa wakhti aan ka yareyn kii aad ugu tala-gashay aqoontii kale ee aad u gol-laheyd. Teeda kale, waxaa laga yaabaa in aqoon-kororsigu uu kaa galo afaf kala jaad ah oo fara badan. Haddaba meeqo af ayaad baraneysaa? Waa in qof walba oo aqoonta ku fogaanayaa uu noqdaa Af-yaqaan illaa lix iyo todobo af fahmaya. Waayo waa la hubaa iney aqoontu hadba af la aadeyso, sidaas darteed: labada qaab kii sahlanaa amaba shaacsanaa qaabkaani ma ahan! Bal kan kale...

Waa kan kale ee, waa inaad heshaa turjumaad, oo waa in qof afka yaqaannaa uu kaa caawiyo turjumista dhiganaha-afka-shisheeye ee aqoontu ay kaa soo gashay, badanaa afafka waxaa jira dad bartay oo TS: haddii aad raadiso waxaad hadda heli kartaa qof Soomaali ah oo Af-cibri (luuqadda Yahuudda) ku hadlaya, wexey dadka afafka shisheeye barta awood u leeyihiin iney dadkooda ka caawiyaan turjumista cilmiga ku qoran afka ay barteen, taas ayaana ka sahlan inuu qof walba isku howlo barashada af kasta oo uu uga baahdo inuu dhigane ka akhriyo! Haddaba turjumaaddu wey kala duwantahay, weyna kala heer sareysaa, hadba sida ay baahidu u kala duwantahay ayey faa'iidadeeduna u kala duwantahay:

- Waxaa jirta turjumaad beegsata macnaha guud ee hadalka, wuxuu turjumaanku kuu soo gudbinayaa hadalka uu tarjumayo macanahiisa guud ee lagala jeedo, wuxuu is raacsiinayaa weerta ama jumlada uu turjumayo oo dhameystiran, wuxuuna kuugu fasirayaa weer la macno ama ka ag dhaw oo afkaaga ah! Wuxuu isku howlayaa kaliya sida aad u fahmi leheed meesha uu hadalku u socdo!

- Waxaa kaloo jirta turjumaad kale oo taas ka qottadheer, waana midda beegsata erayada ama kelmadaha, iyada oo aan la is moogeysiin macnaha guud. Waayo, haddii turjumaadda eraylaha ahi ay soo gudbin weyso macnihii guud, wexey noqoneysaa mid iin leh, wexeyna noqoneysaa mid u nugul naqdiga iyo dhalleeceynta, marka waa ineysan keenin macne guud oo ka duwan kii uu lahaa hadalkii la turjumayay ee asalka ahaa.


Laqbadu waa jaad turjumaadda ka mid ah oo lugu mideeyay labadii qaab ee ee aan soo sheegnay, tii weerta iyo eraygaba. Waxaana la dhex qaadsiiyay faa'iidooyin kale oo aad u fara badan. Waxaan ku soo gaarnay culumadii Soomaaliyeed iyaga oo kitaabbada diinta ee Afcarabiga ku dhigan qaabkaan (laqbada) u turjuma. Dad-weynaya dunida marka la eego, waa qaab ay aad u yaryihiin dadka adeegsada. Waxaan ku mala-weynahay in ay qowmiyadayaha islaamka ah ee Itoobiya daga ay nala wadaagaan laqbada. Balse Afrikaanta fog iyo Eeshiyaankaba wexey u badantahay iney ku kaaftoomaan turjumaadda macnaha guud beegsata, iyo ineysan isku howlin laqbada. (Alle iyo nin aad u baaray baase iga og!) Aan u soo laabtee laqbadu waa isisaarka Carabiga kitaabka ku qoran iyo Soomaaliga la macnaha ah ee lugu fasirayo, wexeyna leedahay (in kastoo aaney qorneen) shuruuc iyo qawaacid, kuwaasoo ku sal go'an qawaacidda labada luqadood, sida: in aan la kala reebin erayada aan kala harin oo ay ka mid yihiin ~Mudaafka iyo Mudaafu-ileyhiga Carabiga.


Waxaa ka mid ah faa'iidooyinka laqbada (in kastoo aanan arkin cid dareensan) iney xanbaarsantahay dhammaan ama badi culuumta Carabiga (ee dhibka laga maro barashadooda) sida: 1 - Naxwaha icraabtiisa iyo qawaaciddiisaba, 2 - Sarfiga dhismahiisa iyo gadgaddoonkiisaba 3 - Macaanida iyo bayaanka balaaqada_wiliba masaa'il badiica ka mid ah bey adeegsadaan ragga laqbaha ku xarragooda. Icraabka isagu aad ayuu ugu laranyahay laqbada oo wey yartahay inay laqbadu ka ilduufto kalimad icraabkeeda, waana sababta ay culumadu qaar ugu maahmaahaan erayga ah "Al-icraabu bacdal-macnaa" oo ay kolba ula jeedaan "adiga oo aan macneyn ha icraabin" waayo: wexey arkeen sida uu macnuhu u soo dhaweeyo icraabta, taasi waa dhanka Carabiga.

Soomaaligu wuxuu isna halkaas ka helayaa sadkiisa, horta waa halka kaliya ee uu dhaqdhaqaaqa iyo ilbaxnimada ka sameyn jiray. Afku wuxuu ballaaranayaa marka lagu fasiro afaf kale. Waayo, waxaa halkaas ka dhalanaya eraybixinno kobcinaya Qaamuuska afka. Dhanka kale waxaa aad u soo muuqanaya qaacidooyinka Af-Soomaaliga ee aanan wili qorneyn_kuwa hab-dhismaha iyo kuwa naxwahaba. Illeen waxaa lugu garab wadaa af kale oo ay qoranyihiin qaacidooyinkiisii oo dhan. Qof kasta oo ka doodaya qaacidooyinka Af-soomaaliga ama wax ka qoraya wuxuu aad ugu baahanyahay inuu laqbada dhadhansado, shaki la'aan, waxay ku kordhineysaa wax aan yareyn.


Mar aan laqbada ku fiiriyay Af-ingiriiska waxaa ii soo baxday iney si madax banaan ula jaanqaadi karto af walba oo lugu fassiro. Qofka wax baranaya aad ayey u anfacdaa oo wexey ka qeyb qaadataa qottodheerida iyo xeeldheerida cilmiga, waana heerka ugu sarreeya ee uu wax ku barto qofku, marka laga reebo qofka afka shisheeye inta barta ka dhex baxa. Kaasi wuxuu erayada ula falgali karaa si aan u suurtoobeyn qofka laqbada ku howlan. Balse asaguna (laqbeystuhu) wuxuu wax badan ka sarreeyaa kuwa kale ee noocyada kala duwan ee tarjumaadda wax ku bartay. Sababo ay intani ka mid yihiin baan u iri "Fanka Laqbada!". Waa fan oy maskax halabuur lihi hindistay, wuxuu ka mid noqday jawaabihii furay xujaadii ahayd "Cajamtu ineysan heli karin fursadda Carabtu ay u heysato fahanka kitaabka Ilaahey SW". Waa fan lugu dhex soohay baabab iyo funuun kala duwan ee cilmiga oo qofkii asagoon kitaab ka akhrisan uu garanayo, wiliba uu qawaaciddooda ilaalinayo!

Waxay kaloo laqbadu siddaa fursad lugu baran karo afka, qofkii toddobo illaa toban kitaab ee qaar dheerdheeryihiin laqbeysta, wuxuu fahmayaa 80% erayada cilmiga ah ee Af-carabiga, tallaabo wax aan dhameyn ayuu u jiraa in uu ku hadlo afkaas, hadii uu buugaag akhriyana kumaba sii jirto. Laqbada yaan la fududeysan waa cilmi iskii u madax banaan e

Saturday, January 13, 2024

Is-dhexgal mise kala-dhexgal


Dunida waxaa dadkii afka loo wada galiyay oo loo wada meeriyay ciyaaraha oo ay kubbadda-cagtu ugu horreyso in ay ka shaqeeyaan is-dhexgalka bulshada. Waayo waxaa daafaha dunida isaga immaanaya ummad aan waxna isu galin oo aan isku af iyo isku diin midna ahayn. Kaliya waxaa kulmineysa daawashada ciyaaraha. Koobkii dunida ee ugu danbeeyay, waxaa dalka Qadar isugu yimid dad farahaas ka batay oo carradaas Ilaahey ka kala yimid. Taas ayaana ka garan gartaa (baa lugu leeyahay) in kubbadda cagtu ay ka shaqeyso is-dhexgalka bulshada! Waatahay. Maka yeelnaa?

Is-dhexgalka bulshadu waa ciwaan aad u qurxoon, marka waa in qodabbadiisu noqdaan kuwo lugu qanco, mirihiisu waa in ay macaanaadaan, waa inuu xanbaarsanaadaa faa'iido wax-ku-ool ah. Hadii kale wuxuu ka mid noqonayaa erayada borabagaandada ah ee korka laga meceeyo hoosna faaruqa ka ah!

Labo qolo oo kala xernayd marka ay isu furmaan, waa is-dhex-gal. Marka la is walaashado, oo la saaxiibo, waa is dhexgal. Marka la xidido oo dumar la kala nikaaxsado waa is dhexgal. Isdhexgalku waa qodob wayn oo aan la dhayalsan karin. Wuxuu oodda ka kala qaadi karaa dowlado khadka cas qarniyo ka hor kala xarriiqday, haddii uu rumoobo, waxaa isku damqanaya dad aan wax isu oggolaan jirin, waxaana eegmada ku kala dharga indho waligood kala jeeday.

Si kooban is-dhex-galku waa gacaltooyada bulsho ka dhexeysa oo siyaadda, iyo kala firirsanaantii oo yaraata. Intaa ma isla oggolnahay? Waa tahay, waxaa liddi ku ah kala-fogaanshaha, oo ah in uu bulshada dareen kala dhex galo, ayna sii kala firirto. Sideedana waxaa laysugu yimaadaa luguna midoobaa hadafka oo midooba, ama taageerada oo hal dhinac jirta. Waxaa lagu kala tagaa afkaarta oo is diidda iyo taageerada oo kala duwanaata. Isku-imaadkaas iyo kala-taggaas, labadaba waxaa cirka ku sii shareera xamaasadda ay leedahay arrinta la isugu yimid ama lugu kala tagay. Kubbaddu waa wax xamaasad badan, haddii ay is dhex gal keeneyso wuxuu noqonayaa mid aad u awood badan, haddii ay kala tag keeneysana wuxuu noqonayaa mid isna aad u awood badan.

Dadku haddii uu awalba ku kala tagay hadafyada kala duwan oo is diiddan oo ay qolaba mid diiradda saartay, haddii ay ku kala irdhoobeen kala taageeridda rag tartan ka dhexeeyo, oo aan wax isu oggoleyn, isuna tanaasuleyn. Waxaa muhiim ah si uu is-dhex-gal rummaad u suurtoobo, in la yareeyo amaba la tirtiro kala-duwanaanta hadafka, iyo kala-duwanaanta taageeraha ee xad dhaafka ah. Waxaa boogta sii damqinaya dadkana sii kala firdhinaya in la kordhiyo abtirisyadii awal horeba lugu kala tagay! In daawo laga raadiyana, warkeedaba daa!

Kubbadda cagtu wexey sameysaa taageero aad u awood badan iyo yoolal yaa-nasiib ah oo naftii-hawirnimo ku jirto. Waxay sameysaa nacayb aad u xoog badan oo loo qaado kooxo dhan iyo wixii astaantooda sitaba. Wexey sameysaa jacayl dhiigga raaca oo gaara heer aad adigu isu mooddo qofka aad taageereyso. Waa heerkii jacaylkii falsafeysnaa oo uu abwaankii carbeed lahaa "Anta anaa, wa anaa anta" adiguna aniga baad tahay, aniguna adiga baan ahay. Labada saf ee kala taageerta labada koox ee isla dheeleysa, mid walbaahi wuxuu jecelyahay kan kale jabkiisa, mid walba waxaa u qorsheysan hadalkii cammirashada iyo digashada ahaa ee uu ku dhihi lahaa qoladaas kale haddii ay kooxdiisu badiso, mala oran karaa labadaas saf is dhex gal baa ka dhexeeya? Sidaas markey xaaladi joogto kubbadda-cagtu wexey soo kordhisay abtirsiinyo kale oo lugu kala duwanaado, taasoo kuwii horey loola daallaa dhacaayay ka sii daran, maadaama ay ka xamaasad badantahay, dareenkana ka dhaqaaji ogtahay.

Koobkii-adduunka ee ugu danbeeyay waxaa magaalada Dowxa ee dalka Qadar isugu yimid kummaan kun oo qof oo daafaha dunida ka kala yimid, waxaa la yiri: "kaalin mug leh buu ka qaadan doonaa, is-dhexgalka bulshada" haddaba ma laysu soo dhawaaday? Mase waa la kala fogaaday? Bal adba! La soco, waa dhacdo caalami ah, faa'iidada laga sugayana waa in ay caalami noqotaa. TS: is-dhexgalka laga damacsanyahay waa in uu caalami noqdo, shanta qaaradood dadka ku kala nool waa iney is dhex qaadaan, waa in ay isku soo dhawaadaan, haddii afrikaanta ama eeshiyaanku isku soo dhawaadaan xittaa_faanoole fari kama qodna, oo waa wax ka sokeeya yoolkii shiishka lugu qabtay. Taasi waa sidii ay eheed in ay wax u dhacaan! Maxaase barxadda yaallay? Habeen kasta waxaa diyaaradda ku huleelayay koox soo jabtay oo lugu cammirtay, lagana ilmeysiiyay, iyo kuwo kale oo xaflad dhiganaya, cabitaanada isku qassaya, sameecaddahana dheereysanaya! Inta ay ciyaartu socoto, waxaa kuraasta soo buuxinayay dad yoolkoodu uu yahay in laga ilmeysiiyo dadka ku fadhiya kuraasta (kuwooda) ka soo hor jeedda. Markii la kala huleelo, waxaa nasiib leh qofkii inta kooxdiisu badiso, haddana hela makaroofan TV ama idaacad cod dheer ay leedahay, si uu halkaas uga gudbiyo dhambaallo digasho xambaarsan. Wuxuu u dirayaa dadkii dunida dacalkeeda kale ka soo safray ee loogu tala galay in uu is-dhexgal la sammeeyo, halkaa ma lugu kala fogaaday mase?

Haddiise is-dhexgalka loogala jeedo in la is arko, dadyow kala duwan, midabbo kala duwan, dalal kala duwan, diimo kala duwan iyo dhaqamo kala duwanna la isku keeno_waa sida mahrajaannada iyo feystooyinka ee, haddaba kolkaas wexey noqoneysaa ciwaan-sameyntii borabagaandada ahayd ee korka ka qurxoonayd, hoosna faaruqa ka ahayd. Ma noqonayo ciwaanku mid xanbaarsan macnihiisa weyn, wuxuuse noqonayaa mid faaruq ah. Waana sida uu hadda yahay, waa is-dhexgal ah in la is ag fariisto, saqaf hoostiis la isugu yimaado. Kolba waa dhoolla-tus lugu muujinayo wax ay sameyn waayeen dadyowgii hore iyo xujo u taal dadyowga danbe, bal in taariikhda (maba dhicinee) ay dhici doonto in dunidoo dhan saqaf hoostii la isugu keeno! Waa wax fiican. Maxuu ciwaanku u noqan waayay dhoolla-tus taariikhi ah ama wax caynkaas oo kale ah? Mase sidiisa (is-dhex-gal) buu ku wacanyahayee, anigaa wax weyn sawirtay?

Ciyaaraha dalkeenna hadda ka socda wexey maalintii koobaadba salka la galeen haybihii (horraantii-ba) sida qarriban loo adeegsaday, ee la isku garaafeeyay, illaa haddana lala daallaa dhacaayay. Waxay ahayd iney sameyso is-dhexgal daaweeya dhaawacyadii hore ee kala dhantaalnaanta ka dhashay. Balse haddii ay noqotay kala fogaanshihii waddo loo sii maro, haddii ay noqotay cudurkii la lahaa halaga takhalluso sababo lugu soo nooleeyo, hadii ay nafaqeynayso qodobbadii doqonnimo ee ilbaxnimada iyo aqoonta yar ee la helay aawgood looga xishoonayay, sida faanka, is kala sarreysiinta, takoorista, iyo liidista IQK oo xunxun, haddaba waa in la is weydiiyo waxa kani ma is-dhex-gal baa mise waa kala-dhex-gal?

Nin baa ood qaadi waayay (miyaa la yiri?) Markaas buu yiri ood kale iigu dara, hadda Soomaali ma wexey leeyihiin abtirsiinyadii kala ceynka ahayd, ee aan isku leynay nuguma filna ee kuwa kale aan ku darsanno. Allow Alle! Ha socoto.

Sunday, December 24, 2023

Qalinow

Orod، Qalinow. Iska soco. Maanta fasax baad tahay. Waxaad rabtid qor. Ku celin maayo. Wax-dhan bay faruhu kuu talinaayeen, maanta adigaa u talinaya! Sidaad rabtid u nuux-nuuxi, wax-dhan bey sidey rabaan kuu nuux-nuuxiyeene. Erayadaa rabtid xulo. Fikirka kici. Dareenka dhaqaaji. Ma waan la gaarin xilligii aad isku filnaan lahayd? Waddada miyaadan garaneyn? Wuxu waa isla xarfihii, imisa sanaad qoreysay? Waa isla erayadii, imisa sanaad xarriiqeysay? Waa isla weerihii, imisa sanaad... Soo ma xasuusatid maalintii ugu horreysay ee aan wax kugu qoro? Maalintaas wiil baa u dhashay dariskeenna, ma xasuusantahay? Hadda wuu socod bartay. Maantaan arkay asagoo kaligiis socanaya. War hooge, adigu goormaad socod baraneysaa? U maleyn maayo inaad i dhageesaneysid. Inaad i maqleysid ankee u maleymaayo! Afkiisa caano ha lugu qabtee, abwaan hore baa yiri:

"Anuunbaa damqanayee dhaguhu_uma daloolaan"¹

◇◇◇

Heedhe Aadane, fudeyd badanidaa? Eebbe-weyne SW ogaal-weynaa! Marka uu leeyahay "Insaanku waa dag-dagsiinyo badanyahay"!² Heedhe Aadane, qaafilsanidaa? Ma waadan ogeyn adiga oo aan lugu uumin in aan erayada xarriiqi jiray? Abkowgaa (Aadan) ankee dhoobo ayuu ahaa waagaas. Ma wuusan Rasuulku NNKH kuu sheegin (been-na ma sheego e) "Eebbe-weyne wax uu uumo in aan ugu horreeyay? In lay amray inaan qoro wax-allaala waxa dhici doona tan iyo Qiyaame."³ Yaa faraha igu haayay waagaas? Heedhe Aadane, Alla maxaad sirantahay! Oo wax aan aniga ahayn miyaad wax ku baratay? Ma waan luguu sheegin waxyigii ugu horreeyay ee Suubanaha NNKH ku soo dagay? Ma waadan waligaa akhrin jallaad khamiisaad? Soo Eebbe SW iskuma tilmaamin "inuu qalinka wax idinku baray"!⁴ Heedhe Aadane, jaahilsanidaa? Waxa aan ka war hayo haddii aad ogaan lahayd, "kaligaa wax qor" ima aad dhahdeen! Faraha ayaad igu xijin leheed! Ma waadan ka baqeyn inaan kaa fashilo (shalay) wixii aad qarsatay? Ama inaan biri (mustaqbalka) kaaga sheego wax aan kuu fiicneyn? Ma waadan ka baqeyn inaan far-xumada kugu canaanto? Waad igu dishaye! Ama inaan hadal-xumada kugu caayo? Waad igu ceebeesaye, ama qaab-darrada aad ii qabaneysid inaan kuu qabsado? Waad i ceejisaye!

Heedhe Aadane, inaad is kala weyso baan ka baqayaaye, waan kuu mahad celin lahaa! Waxaan kaaga mahad celin lahaa fasaxa aad i siisay! Soo aniga kan erayada kuwa ugu xeel-dheer xulanaya? Soo aniga kan hadalka hoodeynaya ee hagaajinaya? Soo aniga kan sadarrada is dul ruxaya ee is-leex-leexinaya? Soo aniga kan (sida xun) ku(u) karbaashaya? Heedhe Aadane, anigu abaalka waan gudaa, kan aad ii gashayna aan iska gudee sadax talo iga qabo, "qeyrkaaga ha quursan" taa kow dheh, "Qudhaadu⁵ yeysan kula qab weynaan" taa-na labo dheh, "Qalin in uusan wax (kaa) qaadi karin ha u qabin" taasaana u danbeysa, waa talo aan cid kaa horreysa la siin, hadaad qaadato faa'iido baad qabtaa, hadaad dhabarka ka tuurtana khasaaro baad qabtaa. War heedhe, farta iga qurxi, inaan Eebbe quruxda kaa qaadin. Oo balaaqada baro, hadal waxaa u liita, kan balaaqada laga qaado e, marka aad wax igu qori rabtana xarigga ii dabci, in adna xarigga (nolosha) luguu dabciyo, hana i cuskan yaan waraaqadu jeexmine!

Allow yaa idin yiraahda, qalimaanta ha isku fasixina, aniga keygii siduu ii galay waad aragtiin, yeysan adinkana idinku dhicin, illeen doqon baa tiisa oo kaliya ku tusaala qaadata e.

_____________

1 Gabaygii ~Dugsi maleh~ Suldaan Tima-cadde.

2 aayadda 11aad ee suurada 17aad (Subxaan/Israa)

3 Abuu Daa'uud 4700, Tirmidi 2155/3319.

4 aayada 4aad ee suurada 96aad (Iqra'/Al-calaq)

5 Qudhaada/naftaada.

Cawaan bahalowday

Nabaddu waa shey muqaddas ah. Waa baahi uu uunku la sameysmo. Lagama maarmaan ayay u tahay jiritaanka naflaha. Dhanka kale, colaaddu waa she...